Puntland oo ka hadashay Heshiiska Xukuumadda Somalia iyo Mucaaridka
Garoowe ( Kalshaale ) War kasoo baxay maamulka Puntland ayaa looga hadlay Heshiiska ay gaadheen Xukuumadda Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta Midowga Musharixiinta kaasi oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021, sidoo kalena waxay soo dhawaynaysaa in DFS ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo.
Dowladda Puntland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah dhameystirka wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray, si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar ogol ah, waafaqsanna heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dastuurka ku meel gaar ka ah.
DHAMMAAD
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=40429
Horta jubaland iyo puntland hal qof miyaa wax usoo qora markasta 5 daqiiqo lee u dhaxeysa go’aanada ay soo saaraan, koow puntland kadib Jubaland waaba mataano caadi ah.
Ugu yaraan kuweena wey dhaamaan🙈😁.
Hooyada Federaalka shaqo fiican Bay Qabatay. Puntland waa ilaaliyaha Democraadiyada Curdunka Ah ee Somalia.
Nasiib darada iyo habac sananta waxay ka jirtaa Dhanka Aabihii Federaalka…!!!
Galmudug iyo Hirshabeele iyo Koofur Galbeed guri Ba’ay dheh.
Somaliyeey macnaha~ aaranjaan=caruur aan la aqoon, aaran geela yaryar baa la yidhaahdaa jaan waa wax qarsoon, markaa Garowe dadka siyaasada ka shaqaystaa ee loo yaqaan siyaasiyiinta dhulkooda derejada ugu saraysaa waa aaranjaan, warkoodu waa cad yahay. Dagaalkii ay hore ula galeen Shariifka iyo guurguurte iyo Farmaajohan joogga, waxay la gole yimaadaan ama ku gorgortamaan/doodaan waa anaaninimo iyo caruurnimo, siyaasiyiintii Hawiyana wey caruureeyeen, adeeg Allaah.
Aaranjaan iyo qaacidadoodii 12 ka sanadood ku dhisnayd ku qabso ku qadi meyside siyaasada maamulida dhexe ee qaranka (Farole, Gaas, Deni) shacabkoodiibaa ku hoos bakhtiyey, gaar ahaan 2dii sanadood ee ugu danbeeysey. Deni, waxay ula baxeen dumiye/demiye.
Farole 2016 kii markii Xasan guurguurte uu doorashada diyaarinayey oo la gelayey, wuxuu lahaa oo ku kiciyey sida hadda ay musharaxiintu u leeyihiin kuuma aqoonsanin Farmaajow (copycat Farolism). Waxaad moodaa in Shariifkiina sidii looga cad goosan jirey ama loogu cadaabi jirey Garowe 1, 2 isna ula yimi Farmaajo.
Reer Qurac waan ku ogeyn ineysan waligood DOORASHO Qaban oo KURSI WAREEJIN.
Reer Qurac waan ku ogeyn ineysan waligood Canshuur dhiibin, Caasimadna camirin.
KLN hadda waxay ku soo dareen FAAFIN HADALADA JUFOOYINKA.
– Ninkii salaamow NO COMMENTS ha hilmaamin.
Haddii Hawiye oo Xamar bililqaystay oo HAG Farmaajo is heleen, nin jagada uga muhiimsan tahay in Mooryaanta la shaqaysto, buugii Kacaanka iga dheh
Cumar Filish ninkii asaga iyo Muuse Suudi etc, dhulka dhigeen magaaladii dumiyey u magacaabay dhismaha Xamar..Kkkkk
Aniga yaan Baraxley la iisoo dhaafin.
Aan aragno ninka gobolkiisa dhisan karin oo nolol ka samaysan karin.
Haddii la waayo Somali siman oo free, federal och democracy ah..nin walba waa yaqaan tuuladiisa.
🇸🇱✌️🍀
Dabshid
Reer Qurac kuu talin kor iyo hoos.
Beeso la tusin reer HAG, Farmaajo ii geeya ku waalan…kkkkkkk
Reer Qurac mighty Puntland, Jubbaland maaha ilma gareen oo bariis ka siga
Dabshid
Reer Qurac kuu talin kor iyo hoos.
Beeso la tusin reer HAG, Farmaajo ii geeya ku waalan…kkkkkkk
Reer Qurac mighty Puntland, Jubbaland maaha ilma gareen oo bariis ka suga Farmaajo.
Dabshid
Caawa haddaad Bossaso, Hargeysa ama Jigjiga joogi lahayd makala kala garateen in Xamar joogin.
Dalkii Caasimado noqday.
Haddii la heshiin waayo ninwalba waa yaqaan gobolkiisa, hadduusan nolol ka samaysan karin waa hawl u taal.
Labada maammul ee ay Baha Tigree afduubka ku haystaan, waa Aaran-jaan iyo Jeegaane, siday u qarracmeen dorraad waxaan xidtaa la yaabay beesha caalamka…
4 sano ayay hayaay Hawiyoow kacaay, dagaallamaay, waa la idn gumaystaayeey, diktatoor baa Villada idiin fadhiyaay, S.Barre aun ayaa soo noolaadayeey, heeryada iska qaadaay, Xamar ha oloshooy, wixii dhiig lahoow kacaay, qoryihii cad-caddaa la soo baxaay, Muuse Suudi ku mee?, Qaybdiidoow ku mee, hebeloow ku mee, heeryada iska rogaay, iyo belo afuufayeen, ka dib maxaa dhacay?…
-Lama filaan… Waxay Illoobeen Hawiye inuu ka fahansanyahay ruwaayaddii kacaankii lagu riday oo uuba wax ka riday…
-Waxay Illoobeen Hawiye in ay fahansanyihiin ujeeddada gurracan ee ay ka leeyihiin kacdoon tabareedka iyo tannaagada dabinka ah…
-Waxay Illoobeen in ay Xamar taal naf iyo maal waxay Hawiye lahaayeen oo daaraha dhaadheer iyo dabaqyada wada dhalada ah ay iyagu intooda badan leeyihiin…
-Waxay Illoobeen in ay Hawiye Soomaali iyagu u yeereen oo in ay isku soo noqoto ay rabaan, Xamarna tahay halka gogoshu taal…
-Labadaa maammul iyo taageerayaashooda maanta tacsi baa u taal…
-Waxaan aad ugu faraxsanahay in ay farriimahaygii gaareen wax garad badan oo beeshaa sharafta leh ah…
-Waxaan meelo badan dhigay intii karaankayga ah farriima badan oon daaha kaga rogayay dadkana u iftiiminayay ruufyaannimada iyo isku dirka ay 30ka sano iyo ka horba ku soo ceesheen 2daa kooxood ee u darban xiqdiga iyo cirwaynida, una guntaday in ayna Xamar oo ah caasumaddii 5ta Soomaaliya hal daqiiqo ka nasan qas iyo qalalaase, qarax iyo xabbad, muran xasarad siyaasadeed…
-Ma qarsadaan xinka iyo xaasidnimada iyo duullaanka ay Xamar iyo qarannimada Soomaaliya ku hayaan masuuliyiintoodu, kama xishoodaan in ay si joogto ah ugu bareeraan bahalnimada iyo barqa-weerarka ay la beegsadaan Xamar iyo dadkeeda oo ka kooban Soomaaliweyn…
-Haddii la gartay qadaacada iyo dad-qalnimada 2daa maammul ee cadawgana ku daaban iyaguna caddaystay cadaawadda ay u qabaan Xamar iyo qarannimada Soomaaliya, waxaa haray in lala xisaabtamo… Waxaa haray in la yidhaahdo… AL-CAYNU BILCAYNI, WANNAFSU BINNAFSI, WAL-UDUNU BIL-UDUNI…
Waa in laga jaraa jariimooyinkaa ay ku guda jiraan iyo kuwii ay horay u soo galeenba…