MUUQAAL: Madaxwaynaha Cusub ee Maraykanka oo Weerarkii ugu horeeyey Qaaday
Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaana weli faah faahin dhameystiran laga soo saarin khasaaraha ka dhashay duqeynta Maraykanka oo noqoneysa weerarkii ugu horeeyey oo uu ansixiyo Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Weerarkan ayaa sidoo kale lagu soo beegay xili Maraykanka doonayo inuu dib usoo nooleeyo heshiiskii nukliyeerka ee Iran, waxayna fariin u tahay Xukuumada Tehran in Xukuumada cusub ee Maraykanka aysan gacmaha ka laaban doonin dhaq dhaqaaq ay wadaan maleeshiyaadka Iran la shaqeeya ee ku sugan dalalka Carabta.
Duqeyntan ka dhacday xaduuda u dhaxeysa Siiriya iyo Ciraaq ayaa jawaab u ah duqeyntii lala beegsaday magaalada Erbil ee ismaamulka kurdida Ciraaq 15kii Feberaayo iyo weeraro hore oo lagu qaaday Saldhigyada Maraykanka ku leeyahay Ciraaq.
Maraykanka ayaa weeraradii xarumahooda lagu qaaday todobaadyadii lasoo dhaafay ku eedeeyey inay ka danbeeyeen kooxaha maleeshiyaadka Shiicada ah ee ku sugan Ciraaq iyo Siiriya.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=40411