|

Eleteriya oo la sheegay inay Arin laga Naxo ka samaysay Gobolka Tigreega

Hargeisa  ( Kalshaale ) Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay waxa ay ku sheegtay in boqollaal qof oo rayid ah oo aan hubaysnayn ay ciidammada Eritrea bishii Nofeembar ee sanadkii tegay ku xasuuqeen magaalada taariikhiga ah ee Axum ee waddanka Itoobiya, intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray.

Hay’adda ayaa waxa ay ciidammada Itoobiya kuwa Eritrea ku eedaysay inay gaysteen “dambiyo badan oo dagaal” waqtigii ay wadeen dagaalkii ay magaalada kula wareegayeen.

Dilal aan sharciga waafaqsanayn, duqeymo aan loo meel dayin iyo boob baaxad leh ayaa ka mid ah tacaddiyada hay’adda Amnesty International ay ku eedeynayso ciidamada Eritrea in ay ka geysteen magaalada Axum, kaddib markii ay ciidamada Itoobiya gacan ka siiyeen in ay dib u qabsadaan magaaladaasi.

Warbixintan cusub ayaa muujineysa tacaddiyo iyo dambiyo la sheegay in ay magaaladaasi ka dheceen intii u dhaxeysay 19-kii ilaa 29-kii Nofeembar ee sanadkii tegay, xilligaasi oo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay dagaal ugu jireen gacan ku haynta magaalada Axum.

Hay’adda Amnesty International ayaa warbixintan cusub ee ay soo saartay ugu baaqday Qaramada Midoobay in baaritaan ay ku sameyso dagaalkii ka dhacay Axum iyo in si shuruud la’aan ah gargaarka loogu ogolaado in la gaarsiiyo guud ahaan gobolkaasi.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=40407

Posted by on Feb 26 2021. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Eleteriya oo la sheegay inay Arin laga Naxo ka samaysay Gobolka Tigreega”

  1. Tigreega waa waxay dadka ku fali jireen waxan hada ku dhacay, waa nimanka siyaasiyiinta ah, sida wasiirkii ARIMAHA debeda ee hore, seyoum mesfin,

    Daalim laqabtay iga dheh, seyoum mesfin

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented