|

C.raxmaan Cabdishakuur oo si kulul uga hadlay Weerarka Hotel Afrik iyo Xogtii ugu dambaysay

Muqdisho ( Kalshaale ) Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir kana mid ah musharaxiinta Madaxweynaha dalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul uga hadlay weerarkii lagu qaaday Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dowlada federalka inay dayacday dadka ku nool Muqdisho,waxana uu ku baaqay in shacabka Muqdisho ay tashadaan.

 “Waxaan canbaaraynayaa weerarkii ay kooxda argagexisada ah maanta ku qaadeen Hotel Afrik. Allaha u naxariisto dadkii ku dhintay, Allahana u booga dhayo inta dhaawaca ah, Allahana badbaadiyo inta weli go’doonsan.

Ma jiro Hotel Muqdisho ku yaala oo ka badbaaday weerar argagexiso. Waxaa muuqata in aysan jirin cid hortaagan argagexisada oo halkii ay doonana beegsan karaan.

Ma jiro hoggaan dawlad oo la isku haleeyo, Reer Muqdisho waa in ay isku tashadaan oo ay silican ka baxaan.

 Maangal maaha in maalin walba maydka haldoorkeena ka tacsiyeyno, dhaawaca gurano, burburka hantideena daawano.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Weerarka lagu qaaday Hotel Afrik ayaa weli la xaqiijin Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, Sidoo kalana ma jiro War kaso baxay Dawladda Federalka  Somalia.

Balse  Dadka la xaqiijiyey illaa hadda ee Hotelka laga soo badbaadiyey iyaga oo nabad qaba waxaa ka mid ah, Milkiilihii Hotelka Xuseen Goley oo ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn magaalada Muqdisho, Jeneraal Indhacadde, Jeneraal Galaal, Jeneraal Laba Afle, guddoomiyihii hore ee G/Galgaduud Xuseen Cirfo, wiil uu dhalay Allaha u naxariistee Jeneraal Goobaale oo dhaawac ah iyo dad kale oo shacab iyo siyaasiyiin isugu jira.

Kalshaale.com

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=39204

Posted by on Jan 31 2021. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “C.raxmaan Cabdishakuur oo si kulul uga hadlay Weerarka Hotel Afrik iyo Xogtii ugu dambaysay”

  1. Bahida ninbaa kula daydyi daalna ka badine on donahay inad heshaa daayin abidkaaye,kani muuna aheen kii masaakinta 6 dollar u tuurayey ee wax khasa lahaa waxba qiiq ha isku qarin adaa ka danbeeya qaraxa muqdisho ka dhaca iyo dayuusinta kula midka ah waxa laga yaaba inu indho cade geeyey meesha qoladan wax qarxisay kan hadlayaana la ogaa si fiican haloo baadho arinkaa

  2. general galaal alla how naxariisto.

    hawiye waa 38% darood waa 18% intaas ayaa loo dilay.

    waa in lays ilaaliyaa. walaahi meesha waxaa lagu baacsanayaa reerkii hiraab ahaa qaasataan habar gidir.

    qaraxii gaalkacyo.
    gudoomiyihii isagoo dhawaac kasoo laabtay ciidanka dowladdu toogatay.
    .sarakishii lagu laayay inta u dhexeyso afgooye nabar50.

    war meesha waxbaa ka socdo halees ilaaliyo.

  3. Gen.galaal malahubaa alaha unaxariisto aduunyadu waa intaas

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented