|

MUUQAAL: Dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo Heshiis Cusub kala saxiixday

Muqdisho ( Kalshaale ) Dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee soomaaliya ayaa maanta kala Saxiidxay goob joog ka ahaa heshiis Quseeya hormarinta xabsiyada dalka iyo waxbarida maxaabiista waxaa labada dhinac u kala saxiixay Agaasimaha guud Axmed yuusuf Xasan iyo Wakiilka Hay’ada bisha cas  u jooga soomaaliya Alakis jagwin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caddaalada Axmed yuusuf xasan ayaa si bogaadiyey garab istaag dowlad Turkiga sidoo kale agaasimha ayaa sheegay in ay socdaan dadaalo isugu jira dhismo iyo horumarin lagu samaynayo Xabsiyada ku yaala dalka.

Waxaa  Madasha lagu Saxiixay Heshiiska goobjoog ka ahaa Wasiirka Cadaalada ee Somaaliya,  Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Heshiiska maanta ayaa ku soo aadaya xilli Wasiirka Cadaalada XF Somalia uu horay u sheegay in ay ku dadaalayaan hormarinta xabsiyada la socodka nolosha maxaabiista iyo sare uqaadida caddaalada dalka.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=39176

Posted by on Jan 31 2021. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented