|

Xogtii ugu dambaysay dad Shacab ah oo Lagu Xidhay magaalada Baladwayne !

Baladwayne ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya saddex dhalinyaro ah oo xalay ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Nabad-sugida Baledweyne aay ku xidheen magaalada Baledweyne.

Saddexda dhalinyarada ee xalay lagu xiray xabsi ku yaala xerada Militariga Lamagalaay oo aay ku leedahay Hay’adda Nabad-sugida ayaa lagu kala magacaaba Xasan Habi, C/raxmaan Xuubeey iyo Ruun Sagaal-geed oo dhamaantood ka mid ah dhalinyarada sida weyn looga yaqaano magaalada.

Dhalinyaradan ayaa loo xidhay Shir aay kaga qeyb galeen gudaha magaalada Baledweyne oo aay dhalinyarada gobolka Hiiraan kaga arin sanayeen xaalada guud ee gobolka Hiiraan.

Gabagabadii majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay laamaha amniga Baledweyne oo la xiriira xadhiga dhalinyaradan marka laga soo tago shirka aay kaga qeyb galeen Baledweyne oo ahaa mid lagu dhaliilay jiritaanka Hirshabeelle iyo hanaankii loo maray hab dhismeedkeeda labaad, mana ahan markii ugu horeysay oo dad shacab ah loogu xidho fakirka aay ka qabaan jiritaanka Maamulka Hirshabeelle.

Gobolka Hiiraan waxaa Mudooyinkii dambe ka jiray Kacdoon looga soo horjeedo maamulka Hirshabeelle, kadib markii  Madaxwaynaha  maamulka loo doortay SIyaasi aan kasoo jeedin magaalada Baladwayne, Dadka dhaliilaya Kacdoonka ayaa ku tilmaamay Xaalada Reer Hiraan “Cadkoow ku cunay ama ku Ciideeyay” iyo Kacdoon wiiqaya  Wax wada qabsiga Bulshada Soomaaliyeed.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=39170

Posted by on Jan 31 2021. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented