Dawladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo saartay Dilkii Dhegajuun ee Muqdisho
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay dilkii xalay Muqdisho loogu geystay guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).
Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya Farxaan Cali Axmed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa marka hore ka tacsiyeeyey geerida marxuumka, wuxuuna sheegay in wax laga naxo ay tahay inuu ku baxay gacanta ciidanka amniga.
Farxaan Cali Axmed ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay saraakiishii iyo askartii ku sugneyd goobta uu dilku ka dhacay, isaga oo shaaciyey in haatan ay ku xiran yihiin xarunta hay’adda CID-da, islamarkaana lagu weydiinayo su’aallo dheeri ah.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciddii ku lug yeelataa dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan la horgeyn doono sharciga, lagana qaadi doono tallaabo adag.
“Waa wax laga naxo in ciidamadeenii uu gacantooda ku baxo, waxaan caddeyneynaa in saraakiishii iyo ciidamadii ku lugta lahaa dilka guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise in gacanta lagu dhigay oo baaritaan ay CID-da u joogaan,” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu wasiiru dowlaha intaasi sii raaciyey “Ciddii ku lug yeelataa sharciga ayaa la horgeyn doonaa,”.
Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed inay is dajiyaan, kana war sugayaan natiijada baaritaanada socda ee ay wado dowladda Soomaaliya.
Allaha u naxariistee Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun oo shalay ku soo laabtay dalka, kadib dhaawicii loogu qaaday Turkiga ayaa xalay lagu dilay agagaarka isgoyska Howl-wadaag, kadib is-rasaaseyn dhex-martay ciidamada ammaanka iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=38787
Yaa Dilay Guddoomiye Dhegajuun?..
————————————–
Marxuumka ayaa Habeenkii xalay abaarihii 2dii iyo daqiiqado lagu dilay inta u dhaxeysa Isgoyska Howlwadaag iyo Isgoyska Jidka Aadan Cadde?..
—————————————–
1)Cumar finish miyaa?..
2)villa- fahad & farmaajo miyaa?
3)Hawiye vs Hawiye?
—————————————-
governor of Hodan district/DHAGAJUUN
GACAN KA XAQ DARAN AYAA DISHAY..
Mingustume
Ninka la dilay waa Gudoomiyihii degmada Hodan Sida aynu wada ognahay laakiin waxaadan ogayn Ninka dilay waxaa uu kasoo jeeda Beesha Mareexaan. Gudoomiyaha la dilayna waxaa uu Kasoo jeedaa Beesha Cayr.
Marka fahan waxa meesha ka socda is not Hawiye Vs Hawiye.