Machadka Heritage oo War cusub kasoo Saaray Xiisada Doorashada iyo Arinta Gedo Iyo Hiiraan
Muqdisho ( Kalshaale ) Warbixin uu soo saaray machadka daraasaadka ee Heritage ayaa waxaa looga hadlay xiisadaha ka taagan gobollada Gedo iyo Hiiraan, Sidoo kale Machadka Heritage ayaa ka digay in dalka ay ka dhacaan doorashooyin iska soo horjeeda marka la gaaro 8-da Febaraayo 2021 oo uu dhammaanayo waqti xileedka 4-ta sano ah ee Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Heritage ayaa marka hore ku baaqay in xal waara laga gaadho xiisadaha ka jira labadaasi gobol, ka hor doorashooyinka dalka.
Agaasimaha Machadda Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa sheegay in beesha caalamka ay gaarsiiyeen welwelka ay ka qaabaan waqtiga xileedka madaxtooyada iyo saan-saanta lagu soo xirayo muddo xileedka 4-ta sano, Wuxuuna tilmaamay in ay habbooneed in kahor waqtigaan la joogo in la qabto doorashooyin heshiis lagu yahay oo lagu soo dooranayo Baarlamaanka Federaalka si loo guda-galo tan Madaxweynaha Soomaaliya balse aysan dhicin.
Khaliif oo daba-joogay shirkii ka dhacay Garoowe ayaa sheegay in soo jeedintoodii ugu dambeysay ay ku saleysneed in miiska wadahadalka la isugu tago kahor inta uusan dhammaan muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya laakiin aysan suuragelin in xal la gaaro.
“Beesha Caalamka & Siyaasiyiinta Soomaaliyeed waxa aan gaarsiinay qaylo dhaan salka ku heysa waxa ka dhalan kara haddii aan kahortag ama xal laga gaarin khilaafka siyaasadeed, waxa muuqda ee laga welwelsan yahay waa in marka muddo xileedka Dowladdu uu dhammaado dalka ay ka dhacaan Doorashooyin iska soo horjeeda oo sababi kara dagaal oo ay ka faaiideysato Al-Shabaab” Ayuu yidhi Cabdirashiid Khaliif
Sidoo kale machadka ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in dib u heshiisiin laga bilaabo gobollada Gedo iyo Hiiraan oo ka kala tirsan Jubbaland iyo HirShabelle.
Qoraalka ka soo baxay Heritage ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in machadka uu ka talinayo in dib loo dhigo doorashooyinka labada gobol, inta laga xalinayo xiisadahaasi.
“Waxaan ugu baaqeynaa in dowladda federaalka la shaqeyso labada gobol si loo bilaabo geedi socod dib-u-heshiisiin dhab ah oo lagu xalinayo xiisada labadan gobol oo marka la eego caqabadaha ka jira ay xiriir la yeelan karaan guud doorashooyinka dalka, si nidaamsanna wax looga qabto cabashooyinka ay qabaan beelaha qaar ee labada gobol oo muddo dheerba soo jiitamayay,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay machadka Heritage.
Bayaankan ayaa ku soo aadaya, iyada dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah, si weyna la’isugu hayo arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka, waxaana xiisada ugu xoogan ay ka taagan tahay gobolka Gedo oo isku hayaan dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=38686
Taariikhda Soomaaliya kuma qorna nin Daarood ah oo doorasho qabtey
Sidoo kale Taariikhda Soomaaliya kuma qorna nin Daarood ah oo Kursiga Villa Xamar ku wareejiyey ninkale
Sidaas daraadeed @ AQRISTOW
Malaga yaaba inuu Farmaajo noqdo ninkii u horeeyey ee reer Qurac ku Qaaran ah oo Kursiga Villa Xamar ku wareejiyey ninkale
( ASAGOO GACMAHA KA HAYO sidii asagaba ay uga hayeen Wiilashii REER XILWAREEJIYE Xassan Shiikh iyo Shiikh Shariif)
Mise wuxuu Maridoona waddadii hore ee Carar iyo EXILE ( oo wuxuu noqon doona THE LAST MAN oo lagu tijaabiyo XORIYO).
* Dhirta waxaa ka weyn dhulka, HADDEY KAA DHAMAATO (8th February ) ISKA DHIIB.
Dabshid
Markaan aqriyay ciwaan aad page hoose kuqortay waxaan soo xasuustay sheekadii abgaal iyo galgale kkkkkkk
T marna waa tumaal
Marna waa tuulo nuux kkkkkkk abgaal haday kudabadhigtaan caadi maaha
Hada kahor cabdulaahi yuusuf iyo itooopiyaankii markii lakarbaashay waxay dhaheen abgaal
Mayaabinoo yuusufoow
Y ay kuyaasa goosatee kkkkkkk
Gedo Land
KKK
Absame iyo Mudulood waa masaakiin, lkn haddii laga dabogeeyo oo lagu ku luleeyo
BUUNKAA YEERA.
* Haadda Tolkaa Talaa u taal, Farmaajo war ka yeeli maah.
Formaajo wuu ku soo laabmayaa kursiga.Tii Ilaahay kuma darin,laakiin sàdaasha ii muuqataa waa sidaasi.
dadka Somaliyeed ee noqon doona Xildhibaanada wax dooranayaa cirka kama soo dhacayaan.Waxay ka soo baxayaan 18 Gobolkii Somaliyeed.Dadka Somaliyeed ee Shacabka ahi % 80 waa dad la jira Formaajo.Wax qabakiisa ayaa keenay inuu noqdo qof ay shacabku jecelyihiin.
Intaa waxaa u dheer farsamooyinkii yaraa ee Cash in hand,iyo qabyaaladii yarayd ee qaawanayd.2-daasina waa u yaalaan – calashaan hadii loo baahdo,waa fasax in la isticmaalaa.
Qiyaastayda,waxaa aad iyo aad u muuqda in Formaajo wareega hore ku soo baxayo.
Kadib soo noqoshada Formaajo,waxaaa ku xiga qaran Somaliyeed oo hana qaaday.
Saadaashu waa guul.
Dalmida
Waxaa nasiib darro ah In maxadka heritage uu ku doodo beesha CAALAMKA ayaa gaadhsiinay doorashada dib u dhaceeda ma dabadhilif kale ayaa heritagena NOQDAY.. Ku yee beesha CAALAMKA ma iyagaa dalka leh doqonow
Mise waxaad tibaaxaysaa shaqada aad u qabataan beesha CAALAMKA oo aad hadda soo bandhigtay.
Waa ku saan tahay In soomaaliddu isu tanaasusho oo xal la gaaro
Ogow dalku geedo iyo hiiraan ma aha
Ahmed madoobana gar ku Heli maayo ciidamo Soomaaliyeed xuduudda ha laga qaado waa inuu la yimaadaan siyaasad taas ka duwan. Waa aaminsahay In Ahmed madoobe siyaasad ahaan la daquuqay ujeedokasta dowladdu ha ka lahaatee. Dad badan ayaa aaminsan In Ahmed Kenya u doodo
Ka badan ontuu Soomaaliya dowladeeda tixgeliyo. Haddii aan soomaaliddu tashan ama mucaaradku ti gelin dooladda waa layska shaqaynayaa ee la socda
Siyaaiyiinta Jabhaduhu waa wada mooryaan, waa wada reer miyi iyo wax tolbeelay halagn lagu galiyay, mid kasta oo aad is tiraahdo kanu malaha wuu dhaamaa hebel maalinta xigta ayuu shaqsiyaddiisa dhabtaa la iman fagaaraha oo belo ka kicin…
Mid han qarannimo, Soomaalinnimo, waddaninimo leh kuma jiro, sabab waa dad wada iskuulka seeraalaha ka soo wada baxay oo inta miyi ku waynaaday aanba garan karin nolosha magaalada iyo qarannimada ama dawladnimada…
Dalkan wuxuu u baahaynyaha kacaan ree magaal ah oo sharaftiisii soo celiya kana xoreeya belada ku habsatay…
Farmaajo oo soo noqda waa qarannimadii Soomaaliya oo soo noqotay, u malayn mayo inuu qabyaalad yaqaan ninka waardiyihii XASAN SHIIKH aamminay ee naftiisa ku aamminay…
Tuugo iyo xadtooyo ha sheegin, waa ZERO MUSUQ… Eex ma yaqaan, dalkiiba Dhallinyaruu u dhiibay…
Waxaa intaa dheer nin mansab doon aha, waa magac doon, wuxuu rabaa inuu noqdo kii Soomaaliya marka dayaxa gayn lahaa…
Doorta Soomaliyeey caaddilkaa RABBI IDIIN SOO DIRAY, waa haddaad nolol iyo qarannio rabtaan…
Dabshid
Sxb dalka Daarood baa leh ee iska sug , Hal qof iyo Hal cod ilee Somaliya Hawiye baa u badane 38% . Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.
LIQE
Kkkk
Horta ku soo darso Maamulka Banaadir state of USC Tuuladaada kadib aan xisaabtanne, haddii kale noqo Marti xishooto oo mahadnaqdo.
– Faqri, Faduul iyo Faan waaye ONLY wax soosaarka Reer Qurac.
* Naga xishooda waxaan heynaa Howlgabkiini iyo Naqraaciinii.
LIQE
Intaad Geedaha korkooda uga soo buraanburi laheyd Nin qol ugu xiran 5 nin oo Suulka ka saaro waxey rabaan oo Hiraab iyo Isaaq ah, WAXAA KUU DHAABO INAAD FIIRISO NINKA GEEDKAAD saarantahey hoos jiifo AKA MUUSE BIIXI.
Mise waxaad Rajo ka qabtaa Guno iyo Gaadiid GD ah.
* Kudarso ama ka darso
Gedo Land
Sxb waa rugtii Abshir Bacadle
* Doorashadaa dib loo dhigaa ” HALEYS DILEEY ” u dab shidee
* Dad kale saad u dirqihee ” Daaroodba ” waa ku diidaye
( 4ta Maamul ee Xamar iyo Xamar daye)
* Naga tag waan kugu ” qaldannee ” aan duul kaleeto dooranee.
Dabshid
Maxaa laguu ballan qaaday hadduu Farmaajo banneeyo Kursiga?… Waabad waalatay, habaar, haaraan, kohasho, cay, been iyo borobagaan, waxa intaa kaa keenaya oo laguu ballan qaaday toloow waynaa?…
Jeegaantu carruurta way waaleen…
Heritage iyo teamkeedaw waxaad ogaataan waraaqda aad qortaan ma qarsoomayso taariikhdana wey geleysaa waana la idinkula xisaabtami doonaa. Machadkan, waxay saacadii kaga fadhiisatay waqtigii beenta reeraysan loogu foof tegi jirey hey`adaha iyo dawladaha reer galbeedka, Caasimaduna u baahatay wax ka warbixiya, dee xilligaa laga soo gudub, dawlad aan tuugo ahayn baa maamusha dalka, dadkuna u siman yihiin min Saylac ilaa Beledxaawo, warbixinadana iyadaa ku filan. Machadkan dadkii tirsanaa ee wax u karkarin jirey, yacnii waxa gaalada laga iibiyo qori jirey, waxay kala ahaayeen mid reer Ceelbuur/Buuhoodle ah iyo mid Leelkase ah iyo mid Murursade iyo ina Cumar Carte oo la og yahay naxliga ka buuxa isaga iyo Oromadiisa Hargeysa ku amar ku taagleysa.
Somaliya, ma aha Somaliyadii kala qoqobnayd ee la kala beelobeeleyey, dagaaladii sokeeyena ku jirtay. Nabad iyo nolol baa maanta joogta, waxa la gaadhay in laga xoroobay qabyaaladii iyo qabiilaysigii, qof kasta la yidhaahdo maxaad taqaan ee aanay jirin yaad tahay iyo wax la isu boobo, Hargeysa iyo Garowe maahee, Somalinimo wax ka hooseeya uf baa la wada yidhi. Siyaasigii tuuga ahaa iyo odayadii koofiyad baclayaasha ahaa ee uu ku shaqaysan jirey siriqdii/khadkii baa lagu fahmay iyo dadki ay kala suntan jireen, waxa la ogaaday in ay ka sii daran yihiin warlordskii burburkii ragaadiyey dalkeenii iyo kansarkan (cancer) Somali haysta 4.5 ee dhamaadka yeelan waayey. Heritage, yaanay maradu idinka dhicin, iska ilaaliya waxa dalka lug gooyada ku noqon kara ama dib u dhigaya.
Mr bahal.
Kkkkkkk.
Saacad ayaan qoslaayay.
Kulahaa sadaashu waa guul oo farmahaa dib loo dooranayaa.
Sadaal qasaartay iga dheh.
Yaa dooranaayo?
Horta ma qaban karaa doorasho?
2 sano ka hor ayaan sheegay. Farmaajo in uusan doorasho qaban karin xitaa haduu daacad ka yahay.
Haduu baxaa hal wado ayuu dhuumasho ku maraa ayadoo lagu wado kaare amisom.
Majoogo magaaladii uu kasoo jeeday oo uu dhaqankeeda intuu hoos ula hadlo dhihi lahaa war yaaban ceeboobin ee baahasha ila riixa ama uu xaniinyihiisa kori lahaa oo marti ayuu ku yahay sidaas daradeed doorasho na qaban karo
Maaha qof yaqaan sida loo soo dhawaysto dadka wax galka ah. Dadkii reer muqdisho ee sharafta iyo karaamada lahaa wuxuu kasoo dhex xushay kuwii ugu liitay.
Sida salaad cali jeelle. Cali yare jeeb ku jire. Iyo rooble lasoo helow.
Dadka ugu badan ee tageero wexey joogaan qurbaha ama qabiilnimo haku tageraan ama kis yar haloo soo shubee.
Dee afwarki iyo abiye inta hawiye u yimadaan farmaajo sanka haka baraan.
Annaga iyo caruurtii dhadhaab maxaa nakala haysto.
garqaad
walaahay waad iga qoslisay …
anaga iyo caruurtii dhadhaab maxaa nakala haysta