|

DAAWO: Madaxwayne Farmaajo oo Warqaaha ka Gudoomay Safiiro Cusub

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Salaax Axmed Juneyd iyo Danjiraha dalka Switzerland Mudane Valentin Zellweger.

Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Salaax Axmed Juneyd ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Guddoomiyaha Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-Qayd, isagoo uga mahadceliyey Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran.

Danjire Salaax Axmed Juneyd ayaa tilmaamay in uu dadaal ku bixin doono xoojinta taageerada iyo garab istaaga dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna bogaadiyey horumarka wax ku-oolka ah ee ay gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sido kale, Danjiraha dalka Switzerland Mudane Valentin Zellweger ayaa u gudbiyey Madaxweynaha dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Guy Parmelin, oo ku saabsanaa in dalkaasi uu saaxiib dhaw la yahay shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu kala dhexeeyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay danjireyaasha uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga, saaxiibtinimada iyo wax-wada-qabsiga.

DHAMMAAD

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=38656

Posted by on Jan 18 2021. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “DAAWO: Madaxwayne Farmaajo oo Warqaaha ka Gudoomay Safiiro Cusub”

  1. Farmaajo waa funny man hawshiisuu iska wataa

  2. Oo waa jooga Seedigeen Farmaajo Macangag

    Hal mar yaa naga dammiinto oo dhan noo dhaafiyo.

    4 sano oo Qabyo ah
    4 sano oo Qiyaano Qaran ah (dekedo)
    4 sano oo Qasaas QALBI-DHAGAX ah
    4 sano oo dib u dhigid Dacwadii Badda ah

    * 4 sano oo Qalalaaso, Qabyaalad iyo Qayilaad ah.

  3. Farmaajo = 4 saono horumar ah 4 sano oo nabad iyo nolol ah 4 oo kumaankun oo ciidan qaran la qorey lana tababary 4 sano oo shaqaha dowlada mishaar laban laab la siiyey 4 sano oo shisheeye geed lagu xidhan 4 sano oo muqdisho la dhisay iyo 4 sano oo calaacal ka dhamaaday dabshid dameerada la mis k ah

  4. Xaquuqdii cod bixinta UN ka ( Voting Rights) ayaa Lagala noqday Soomaaliya markii ay iska bixin Waayeen lacagtii ( contribution fees) gunada !

    Lacagtaas oo dhan “less than 1 million and half”..!!

    Dawlada Farmaajo hada waxaa u haray waa 18 Casho mana muuqato wax Doorasho ah oo la hadal Hayo dhanka Dawlada ilaa iyo hada.

    Hadii marka ayadoo xaalada sidan u cakiran laysla Gaaro February 07/2021 Taloow sidee bay xaajo Noqon?

    Sow suurtagal maaha in ay noqoto maalin Taariiqda Gasha taas oo ahaata maalintii ay Soomaalidu kala Tagtay oo wadankii Soomaaliya laysku oran jiray ay Dunido ka sheekayso goortii ay kala irdhoodeen.

    This is one of the worst scenario and it’s possible..!

  5. To: Gedo Land

    – Saddax walxaado ” DH” ku taal nagu dhacdoo dhiibaan qabnaa.

    1. Qarankii USC la dhunsadoo, dhibaan qabnaa

    2. Dhaankii Ninkaan u dhiibnayaa ” AWORKUI DHACOO ” dhibaan qabnaa ( Korosi doon)

    3. Lax dhukanoo cid ka dhuntaa ” DHAGEYN RABTOO ” dhibaan Qabnaa

    * DHIRTA WAXAA KA WEYN KULKEE ” Haddey dhamaato ” ISKA DHIIB.

  6. Dabshid
    Wali ma sidii baad H da isaga dhigaysaa?… Soo digii adiga iyo Carruurtaadiiba xafladda qabsaday si aad u muujisaan sida wanaagsan eed badawda ree koofur isugu dirteen…

  7. Hooyooyinkaa car bar caruutooda F(x)armaajo meel kaku sheego!

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented