|

Hargeisa : Ayaan ‘Gabadhii yarayd ee Laga duubay’ Muuqaalka oo Laga Farxiyey

Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa xabsiga la dhigey haweeney la sheegey in ay muuqaal, la dhibsaday ka duubtay gabadh yar oo u shaqaynaysay.

Dhinaca kale Maamulka Baanka dhexe Somaliland ayaa shaaciyay in shaqaale rasmiya ay ka dhigeen Ayaan Maxamed Yuusuf, oo ah gabadh oo qof Dumar oo ay u shaqanaysay muuqaal la dhibsaday Hargeysa kaga duubtay.

Qoraalka kasoo baxay Baanka.

“Madaxda Sare ee Baanka Dhexe ee JSL, markii ay arkeen muuqaalka lagu baahiyay barraha bulshadda ee ku saabsan gabadha yar ee gacanta ku xidhan calanka JSL, taas oo ay muuqatay ku xadgudub xuquuqiyaadka aasaasiga ah ee gabadha yar, isla markaana ay arkeen duruufaha ku gadaaman qoyska gabadha yar;

Waxaa uu Guddoomiyaha Baanku Go’aamiyay in gabadhaas yar laga shaqaalaysiiyo Baanka Dhexe ee JSL”

Dad badan ayaa soo dhoweeyay Go’aanka Gabadha yar Gacanta Loogu fidiyey, waxaana muuqata in Haweenaydii muuqaalka ka duubtay ay Darrajo u kordhisay, Balse aysan waxba yeelin.

“Waxaan qirayaa in ay maamulka baanka iyo guud ahaan somaliland ay qaadeen tallaabo bogaadin mudan,  Waad ku mahadsan tihiin sida aad uga falceliseen arrintaas, Runtii waana arrin lagu diirsaday “ Ayuu yidhi Najiib Farah Mohamed oo ka Falceliyey.

Kalshaale.com

Maxay kula tahay adiga ?

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=38602

Posted by on Jan 17 2021. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented