|

MUUQAAL: Qisada Murugada leh ee Hooyo Wiilkeeda Muqdisho ku Xidhan yahay iyo Wasiir la kulmay

Muqdisho ( Kalshaale )  Wasiirka Cadaaladda DF Soomaaliya ayaa Hoygeeda ku booqday  Hooyo Luul Cusmaan oo u sharaxdey xaaladda noolaleed ee ay ku sugantahay iyo baahida ay u qabto wiilkeeda oo Xidhan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxaan caawa hoygeeda ku booqday hooyo Luul Cismaan Xasan oo sheegtay in wiilkeedu ka xidhan yahay mudo afar sano ah, iyadoo iga codsatey in loo soo daayo wiilkeeda oo ah ubadka keliya ifka u joogo.

Waxaan ka soo balan qaadey in ay Cadaalad heli doonto kuna dadaali doono in wiilkeeda xoriyadiisa helo, iyadoo loo maraayo wado sharci ah.” Ayuu yidhi Wasiir  Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

QISADA HOOYO LUUL WIILKEEDA ?

 Maama Luuleey Waa Hooyo dhashay 14 caruur ah balse maanta ka haysata hal wiil oo xabsiga uga jira muddo 4 sano ah kadib markii lagu helay isaguna qirtey qorey Ak47 ah uu ka haystay ciidanka Xoogga iska iibiyay duruuf darteed si uu ugu noolaado maadaama uu helin wax mushaar ah dhowr bil.

Arinta iigu murugada badan ayaa ah in Hooyo Luuleey oo jecel wiilkeeda ay go’aansatay in isbuuc kasta ay maalin soo booqato oo wajigiisa soo aragto si uu qalbiga ugu qaboobo, balse waxey u martaa rafaad ah iney dhabarkeeda ku xamaalato iyadoo 78 jir ah si ay u hesho lacag lagu xujeeyo mar kasta oo la tusayo wiilkeeda xabsiga ku jira 4 sano oo bilaa maxkamad ah.

Waxey joogtaa xilligii ay ku nasan laheyd xoogga iyo dhididka wiilkeeda, waxey joogtaa xilligii uu u firaashi lahaa sariirta, weesada u keeni lahaa, dharka u dhaqi lahaa, cuntadana ugu keeni lahaa fadhigeeda ee ma joogto xilli ay dhabarkaas yar suuqa Ansalooti ugu xamaalato danbiil weyn si ay u hesho lacag ay kusoo aragto halkaas wiil ee ifka u jooga, iyadoo hilmaantey nolosheedii oo dhan iyo iney da’ tahay waxeysa go’aan ku gaartey in isbuuc kasta ay hal maalin aragto halka qof oo ay dunidan ku leedahay rafaadkana kusoo korisay maantase ay aragtidiisa u shaqeysato.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=38586

Posted by on Jan 17 2021. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented