|

Colaad kasoo Cusboonaatay Buuhoodle iyo Isimadii Dhaqanka oo Garoowe Fadhiya

Buuhoodle ( Kalshaale ) Magaalada Buuhoodle ee Xarunta gobolka Cayn ayaa laga dareemayaa Colaad Sokeeye oo kasoo Cusboonatay Kadib laba dil oo ka dhacay deegaanka.

Dilkii hore ayaa Waxaa loo gaystay Alle ha u naxariistee Xasan Sheikh Saleebaan oo kamid ahaa Cuqaasha deegaanka, sidoo kalana ahaa nin Sheikh ah iyo Weliba Macalim deegaanka door muhiim ah ugu jira.

Ninkii Dilkaasi gaystay ayaa Beesha uu ka dhashay ay Gacanta kusoo dhigtay Isla habaynkii uu dilka gaystay.

Waxaa la sugayey in Lagu wareejiyo Qoyska uu dhibku gaadhay, kuwaasi oo leh go’aanka ugu dambeeya ee ah Sida ay shareecada Islaamku ka Qabto Qofka wax dila ee ah ” in la Qisaaso, in Mag/Diyo laga Qaato iyo in la Cafiyaba”.

Balse Waxaa xaalad kale oo Murugo badan ay soo korodhay markiii maanta gelinkii dambe Dil kale deegaan u dhexeeya Carro-wayn iyo Yeyle loogu gaystay Axmed Cabdikariim oo ah nin Dhaliyaro ah oo Samafalka ka shaqeeya, Islamarkaana aan isugu wax dhibaato ah gaysan, Xili weliba gacanta lagu hayey Ninkii hore ee wax dilay.

Labada dil ee isxigay ayaa Xaalad Murugo iyo Walaacba leh ku Abuuray Bulshada Gobolka Cayn, Waxaana waxgaradka Intooda badan iyo dadka ka hadlay xaalada Cusub ay ku Baaqeen in Nabadda laga wada shaqeeyo, Iyadoo Aarsiga ugu wanaagsan uu yahay Cafiska.

Xaalada kale ee Murugada leh ayaa waxay tahay in Isimadii Dhaqanka ee Deegaanka ay ku maqan yihiin magaalada Garoowe, Taasi oo Fursad kale oo Colaada ay kusii huriyaan siinaysa dadka aan indheer-garadka ahayn.

Labada Qoys ee Dhibku soo gaadhay , Alle waxaan alle uga baryaynaa Cawil Khayrqaba, Maanta oo Xaaladu ay dhow-dahay ayaan Habboon in Nabadda laga wada shaqeeyo.

Kalshaale.com

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=38475

Posted by on Jan 13 2021. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

8 Comments for “Colaad kasoo Cusboonaatay Buuhoodle iyo Isimadii Dhaqanka oo Garoowe Fadhiya”

  1. Saan war kuhayo sirdoonka snm ayaa mesha soo galey ninka danbe ee la idiley iyagaa ka danbeeyey si markaa ay labadan reer isugu rogmadaan..markaa waa in arinkan wax laga qabtaa intey goorigoortahay..

  2. Kkkk

    Arimihii Soomaaliya waxay marahayaan

    In DUBBE OO SNM AH iyo Farmaajo oo Kacaankii ah isku GROUP noqdaan

    Dhulbahante waxay u joogtaa – GAR-ADAG

    – Waxaan dhahnaa ku soco , Adaa ka OR BOGONE.

    ALLOW u naxariiso Governor Galeyr iyo AHMED SOMALI.

  3. Iimaam Dabshid waan kusalaamay.
    Kuwaan Dhulbahante sheegta iyagana waa cali baasteen kale oo caqli daanyeer leh. Waa reer baadiye caqli laheeyn, oo waligood kusoo noolaa guulwadeeyn, iyo garab arri oo eey siistaan iimaankooda.

    Isaaq iyo Ilkayar Mareexaan waxeey u imaadeen Xamar in eey canshuurta eedo Batuula ee doqomadda badan dhashay in eey iska dhuuqaan lols
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  4. Buuhoole waa dhul caro san ah oo daaqsin fiican.
    Buuhoodle haddaad gabar qurux badan iyo caano iyo hilib iyo hawo flesh ah haysato, maxaa kaa maqan, xorna tahay.
    Cidna idin kama sad badna ee colaada dhexdiina ah joojiya.
    Yaab, ayagii ayaa isdilaya.

  5. Buuhoodle, waa magaalo taariikheed, birthplace of SAYIDKA, Ismael mire iyo cali dhuux, inkastoo cali ingiriiska markii dambe raacay, waana goobtii ciidankii Richard cofield dilay ku hoydeen,

    Soyum mesfin, former foriegn minister of ETHIOPIA ,oo la dilay 20 sano ayuu SOOMAALI iyo ERITREA ciqaabayeen, Amba dhamay qadhaadhkee waa inaad dhamisaa,

    Guul ONLF, OGAADEEN iyo dhamaan somali galbeed…

    Ka naxoow nafta waa, waana badan yihiin

  6. Waa inaad dhadhamisaa..

  7. SOOMAALI oo dhan waa is dishaa dhexdeeda bahadaraawiisheed maxaa tiina media had iyo usoo galisaan??

  8. Nuunow

    Caqli idin kala celiya miyaanu idinku jirin intaad umad kula mida qaladka aad saaraysid waar runta isu sheega bafalow yahay bal fiiri caqligaaga nin qeerkay ahi siduu ii diri karanka runta isu sheega was hoogteene frontman kuu sheegayaa nin idoor ma ihi nin aydin magac wadaagtaan baan ahay reer ba ow yaa kuleh

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented