|

C.raxmaan Cabdishakuur oo Shaaciyey Dhaqaalaha uga soo Xarooday kadib codsigii uu diray

Muqdisho ( Kalshaale ) Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo bandhigay kharashka ay ugu taba-ruceen dadka taageersan xisbigiisa Wadajir, tan iyo markii uu si toos ah taageerada u weydiistay.

5-tii bishan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u sharaxan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa iska soo duubay muuqaal uu shacabka ku weydiidanayo inay siiyaan kharash uu ku galo doorashada.

Muuqaal kale oo uu maanta iska soo duubay Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ku sheegay in lacag dhan 50-kun oo dollar ay soo gaartay, taas oo dadka taageersan ay ku soo shubeen akoonadii iyo lambarradii uu soo bandhigay.

“Tdobaad ka hor ayaan dadka Soomaaliyeed ka codsanay inay na taageeraan, dadka Soomaaliyeed si togan ayey uga jawaabeen baaqeenii, markii aan fiirinay bangiyadii iyo lambaradii waxaa noo soo xarootay lacag dhan $50,000 (Konton kun oo dollar), waan u mahad celineynaa dadkii nagu taageeray lacagtaas,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=38469

Posted by on Jan 13 2021. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

12 Comments for “C.raxmaan Cabdishakuur oo Shaaciyey Dhaqaalaha uga soo Xarooday kadib codsigii uu diray”

  1. Saaxiibkey CC SHAKUR waa maskiin rabo inuu Maskaxda iyo System 1000 sano ka weyn u DABAQO dad wali intooda badan Aaboyaashood aysan qorikarin magacyadooda.

    Sxb CC SHARMA’ARKE ” Xalweyste iska sug intow ka helaa Rasalwasaare”

    Waa haddaan cafis loo fidin Mareexan

  2. 1000 sano ka weyn ee reer Galbeedka

  3. konton dollar cid ku taageertay lama helayo waa propaganda iyo been dadka lagu soo jiito iyo siyaasad.
    qofkaad wax karabto wax uu ku qanco u sheeg weeye sheekadu.

  4. Nafta ayuu maaweelinayaa kkkkk
    Waxan u malaynayaa inuu isku camirayo.
    Wax Tolkii siiyeen mooji,laakiin taageerayaal baa wax siiyay ninkani,i lama aha.

    Kuye taageereyaal kkk

    Dalmida

  5. Waa wax iska caadiya in siyaasiga uu taageero Dhaqaale waydiisto taageerayaashiisa ama Xisbigiisa.

    Wadanka Maraykanka Madaxweynaha, Senator Yada ama congress ka cid kasta oo tartamayaal ah Ayaa dadka waydiista dhaqaale ay ku galaan Tartanka.

    Marka waxaan oran karaa Cabdirahmaan Cabdishakuur dadka waa ka horeeyaa.

    Guul baan kuu Rajaynayaa Mudane President Cabdirahmaan. Guulaysto walaadan ka liidan Farmaajo in aad ka fiican tahayna anaa kuu Qiray.

  6. Waa hogaamiye geesi ah.
    Waa hogaamiye u baahan in la garab istaago.
    Waxaan ka helaa siduu isu difaaco.

    Ka garqaad ahaan. Waxaan ku tageeray 200$

    Ciladda uu leeyahay waa hawiye oo ma yaqaan qabyaaladda.

    Hogaamiyaashi hawiye waa in loo furaa iskuul lagu barto qabyaaladda.

    Waan xanaqaa markaan arko hogaamiye hawiye ah oo la soo taagan. Farmaajo doorasho cadaalad ah ha qabto.

    Waan xanaqaa markaan arko hogaamiye lasoo taagan haduu guuleesto waan la sheqeynaynaa.

    Allow sanbololshe oo badan reerka kasoo saar.

  7. War hawiyu doqon badana imika ma sidaasa idinka run ah oo Reerku waa wada ul oo ul la qaato ma leh baa idinka daacad ah,doqonka ugu wayn hawiyeh waa sanbalooshe kaasi waaba neef hadlays waxan Ka yaabay cidii madax nabad sugud ka dhigtay isagaaba halabaye maxuu nabad sugi ,hawiyeh markii dowlanimadii iyo muqdisho looga tagay maxay wax u dhisan waayeen atleast somalidii kale wax dowlad u eg oo ku badbaadan bayba dhisteen maxaa wax u dhisanwaydeen war hawiyoow wax ma tarayaal ba tihiin xabad xbada idinku i
    Jirta sida qoorqoorna wuu idin fahmi laayahay somalia oo dhan baa idinka socon la 30 sano aan idin ducaynaa dowlad ma wadi kartiine meel naga fadhiista

  8. Garqaad

    Ugaas, Caruurta iyo Dumarka hanaga Sasin,

    Waxaan maanta Fiirsadey ODEY AAN U MALEYN inuu Ogaadeen yahey.

    Wuxuu dhahey

    Farmaajow Labadii Madaxweyne ee hogaanka Xamar kaaga horeeyey, waxey ku dadaaleen siduu Daarood ugu soo noqon lahaa Dhul Hawiye (lama huraan)

    Waliba Xassan Shiikh wuxuu nagu soo booqdey xeryaha qaxootiga, wuxuuna noo balan qaadey inuu dib noo celin doono,
    Hadduu Kursiga ku guuleysto.

    Farmaajow adigu naba soo booqon ” anagoo Sadex wadaagno, Muslimnimo, Soomaalinimo, iyo Daaroodnimo” EE AXSAAN NOO SAMEE OO kuwa hadda ku laabtey Dhul Hawiye – DIB HA UGU SOO QAXIN MACANGAGNIMADAADA.

    * Xisaab la’aanteena ayaa noo keentay Ceyda.

  9. Dadka ugu badan ee taageera Dowladdan 90% waxey u badan yihiin beelo yar yar oo badan misana xanaaqsan iyagoo aaminsan in beelaha ay la dagaan ama walaalaha yihiin ee dhaceen xuquuqdooda uu uga soo celinayo madaxweyne Farmaajo sidaasna u taageeraan.

    Iyo shaqsiyaad aaminsan in dadkooda iyo deegaankooda ka haysan kana heleyn fursad.

    Unukaa yaabnay

  10. Hodan
    Ayeeyo horta waa ku salaamy kadib cayda iyo caadifaad kugu jirta waxaa looga baahnaa bafalowda aad ka soo jeedid ee dhulmahante ee 2021 isku laynaya kani waa cali gari kanina waa jamac koombo hawiyay kaagadhegtay mahan maxaa ka soo jirihee hoostaadii (dhulkaagii) baa qiiqayee dadkaagii ayaa wax is cunaaya iyo wax isaaqu tiro koobteen ah waar ma sayladii ariga ayeeyo waano iyo caayba raga ku gabay baa kaaga baahan hawiye isagaa farmaajo doortay ee adigu garabkaaga ariga ah iska feeno

  11. Waxa formasjo neceb mooryaan iyo jaajuus walaahi arintaasi waala basdhay kooxda mooryaanta ee isbaaarda ku noolaa iyo kooxdii gabre ee jaajuusiinta ahaa ayaa neceb formaajo.
    Eeg deni
    Eeg axmed madoobe
    Eeg suudi yalaxow
    Eeg xasan sheeg
    Eeg sheekh shariif
    Eeg shariif xasan
    Eeg muuse bixi
    Eed kan badda laga saxeexday
    Mooryaan iyo nijaas jaajuus oo dhan ayaa neceb iyo forjaajo
    Aniga runta igu imo
    dalmida

  12. Wuxuu is leeyahay qiil u raadi lacagtii uu badda siistay, si uu hadhow u dhaho qaaraan baan ku helay…

    Dadka Soonmaaliyeed maxaa loo lahaa waa dad caqli badan, mise caqligoodii qabiil baa daboolay…

Leave a Reply to Kalsame

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented