|

DAAWO: Safiirada dalalka Turkiga iyo Qatar oo kulan la yeeshay RW. Rooble

Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qatar Mudane Mohmet Yelmez iyo Mudane Hassan Hamza oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada dal kala dhexeeya Soomaaliya.

Kulanka ayaa arrimaha diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay maalgalisay dowladda Qatar, isla markaana fulineyso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dhabar adeyga howlwadeennada gacanta ku haya dhismaha waddada, isagoo uga tacsiyeeyay howlwadeennadii Turkida iyo Soomaalida ahaa ee ku geeriyooday falalkii argagixisadu ku doonayeen hakinta dhismaha waddadan muhiimka ah.

“Xilweyn ayay dowladdu iska saareysaa sugidda amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya waddadan, si aan loo dhibaateyn, argagixisaduna nagama horjoogsanayaan inaan dhammeystirno dhismaha waddadan halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka Caasimadda iyo gobolka Shabellaha Hoose,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Labada Danjire ee Turkey iyo Qatar ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista dhismaha waddadan iyo mashaariicda kale ee horumarineed ee ay ka wadaan Soomaaliya.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=38460

Posted by on Jan 13 2021. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “DAAWO: Safiirada dalalka Turkiga iyo Qatar oo kulan la yeeshay RW. Rooble”

  1. Xataa Rooble ayaa ku dhaamo hadal iyo shir ninkii aan u dooraney inuu maamulo
    Banaadir state of USC.

    ilaa 8th of February ha iskala sii Qayilo Maamo KHADIIJO Diiriye.

    * YAXAAS ma yeere Weyska yaal, ruuxii u yimaadana waa yedaaaa.

  2. Madaxweyne aan Villa Somalia kasoo baxaynin oo Xataa TV yada aan dadka kala hadlaynin xagee Lagu arkay?

    Cabdulaahi Yusuf xataa waa hadli jiray asagoo Hoobiyaha sida roobkii ugu kor daadanayo.lol Balaayo aan la aqoon bay dariishada iiga soo rideen Baan maqlay asagoo mar leh.kkkkk

    Waxaan wax ka badane armaa anaga filim naloo Jilayaa oo uu Farmaajo meesha iskaga qul qulay Mar hore? Everything is possible..!!

  3. dowladan nabad iyo nolol halku dhageedu waa hadal yar iyo howl badan kuwii hadli jorey maxay badaleen hoobiyihii ma ka joogsaday ileen way hadlayeene maxaase la idinkala hadli hadalba fahmi maysaane hadal waxba ma badalo in Somalia waa ama wax khayrle ku hadal ama iska aamus, aamusnanta baa la door biday wadanka iyo shacabka loo shaqaynaya,tuug yahay is ururasatay,,aniga waxa iga yaabiyey aduunka hale lagu arkay dhowr iyo toban nin oo hal qabiil ka socda oo wada musharax ah ma isku xusbibaa? mise waxay isku urursadeen cashuurta masaakinta somaliyed inay xoog ku qaatan waxa kale oo ila cajiiba ma hawiyeh kaliya raban inay u taliyan ileen somaliwayn way u jeeda waxay wadaane ayay u shaqeen donaan qoladan is urursatay tolow? qofka jago madaxwayne u urdaaya waxa la arki jirey isagoo ololo siyaasadeed wada dadka iska iibinaya waxan baan qaban doona halkan baan wax ka badali doona umada u sheegaya USA hal sano baa olole la galaa kuwanaa intay is urursadeen bay dagal iyo 91 baa loo noqon ku ololaynayan war wuxu jaahil sanaaa

  4. Hobyo Godan

    Kkkkk

    Wlh si Xad dhaaf ah ayaan u qoslay

    (Nin marhore qulquley ayaad hadal ka sugee)

    C/llaahi Yuusuf wuxuu ahaa askari og inta loo soo jiro iyo Military strategy maneuver.

    Mr Farmaajo ma tagin lkn shirkii Jabuuti iyo xafladdii Sodohdiis kadib, maamo Seynab ayaa dhahday Xabiibi AAMUSKAA KUU ROON ee qolka gal.

    Nin magacii sodohdiis iyo waqtiga laga joogo xoriyaddii 1960, xasuusan waayey maxaas ka kasaa, Military

  5. Nabad iyo Nolol Kheyre kama horeyn,
    Kheyrena kama dambeyn.

    Canshuurta reer MUQDISHOW ayey kala qeynsadaan Naqraac Waqooyi iyo Nacnac Koofur.

    We can recover and forget our stolen Tax, but we will never accept to be stolen our Democracy system and Greater Banadir Administration.

    * Ninkii Dukaankiisa u dhiibto Iibiye, waa inuu aqbalo Xatooyada iyo dayac Eedo Batuulo.

  6. Dabshid

    Farmaajo oo xoog ku jooga Villa Somalia Doorashana diiday in ay si xor ah Xamar kaga Dhacdo. Alaylahay dhimashaa dhaanta intii gunimo Lagu noolaan lahaa.

    Wax aan aqbali karno ama nala marsiin karo maaha.

    Xuduudaha noo soo xira ninkaana sida ugu Dhaqsaha badan nooga saara. Soomaali Wayn Waan eednay…!!! Maxaa naga raacay …. Abeesaan Rabaayad ka dhiga is niri.

Leave a Reply to Hobyo Godan

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented