DAAWO: Safiirada dalalka Turkiga iyo Qatar oo kulan la yeeshay RW. Rooble

Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qatar Mudane Mohmet Yelmez iyo Mudane Hassan Hamza oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada dal kala dhexeeya Soomaaliya.

Kulanka ayaa arrimaha diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay maalgalisay dowladda Qatar, isla markaana fulineyso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dhabar adeyga howlwadeennada gacanta ku haya dhismaha waddada, isagoo uga tacsiyeeyay howlwadeennadii Turkida iyo Soomaalida ahaa ee ku geeriyooday falalkii argagixisadu ku doonayeen hakinta dhismaha waddadan muhiimka ah.

“Xilweyn ayay dowladdu iska saareysaa sugidda amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya waddadan, si aan loo dhibaateyn, argagixisaduna nagama horjoogsanayaan inaan dhammeystirno dhismaha waddadan halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka Caasimadda iyo gobolka Shabellaha Hoose,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Labada Danjire ee Turkey iyo Qatar ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista dhismaha waddadan iyo mashaariicda kale ee horumarineed ee ay ka wadaan Soomaaliya.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. Dabshid says:

    Xataa Rooble ayaa ku dhaamo hadal iyo shir ninkii aan u dooraney inuu maamulo
    Banaadir state of USC.

    ilaa 8th of February ha iskala sii Qayilo Maamo KHADIIJO Diiriye.

    * YAXAAS ma yeere Weyska yaal, ruuxii u yimaadana waa yedaaaa.

  2. Hobyo Godan says:

    Madaxweyne aan Villa Somalia kasoo baxaynin oo Xataa TV yada aan dadka kala hadlaynin xagee Lagu arkay?

    Cabdulaahi Yusuf xataa waa hadli jiray asagoo Hoobiyaha sida roobkii ugu kor daadanayo.lol Balaayo aan la aqoon bay dariishada iiga soo rideen Baan maqlay asagoo mar leh.kkkkk

    Waxaan wax ka badane armaa anaga filim naloo Jilayaa oo uu Farmaajo meesha iskaga qul qulay Mar hore? Everything is possible..!!

  3. hodan says:

    dowladan nabad iyo nolol halku dhageedu waa hadal yar iyo howl badan kuwii hadli jorey maxay badaleen hoobiyihii ma ka joogsaday ileen way hadlayeene maxaase la idinkala hadli hadalba fahmi maysaane hadal waxba ma badalo in Somalia waa ama wax khayrle ku hadal ama iska aamus, aamusnanta baa la door biday wadanka iyo shacabka loo shaqaynaya,tuug yahay is ururasatay,,aniga waxa iga yaabiyey aduunka hale lagu arkay dhowr iyo toban nin oo hal qabiil ka socda oo wada musharax ah ma isku xusbibaa? mise waxay isku urursadeen cashuurta masaakinta somaliyed inay xoog ku qaatan waxa kale oo ila cajiiba ma hawiyeh kaliya raban inay u taliyan ileen somaliwayn way u jeeda waxay wadaane ayay u shaqeen donaan qoladan is urursatay tolow? qofka jago madaxwayne u urdaaya waxa la arki jirey isagoo ololo siyaasadeed wada dadka iska iibinaya waxan baan qaban doona halkan baan wax ka badali doona umada u sheegaya USA hal sano baa olole la galaa kuwanaa intay is urursadeen bay dagal iyo 91 baa loo noqon ku ololaynayan war wuxu jaahil sanaaa

  4. Dabshid says:

    Hobyo Godan

    Kkkkk

    Wlh si Xad dhaaf ah ayaan u qoslay

    (Nin marhore qulquley ayaad hadal ka sugee)

    C/llaahi Yuusuf wuxuu ahaa askari og inta loo soo jiro iyo Military strategy maneuver.

    Mr Farmaajo ma tagin lkn shirkii Jabuuti iyo xafladdii Sodohdiis kadib, maamo Seynab ayaa dhahday Xabiibi AAMUSKAA KUU ROON ee qolka gal.

    Nin magacii sodohdiis iyo waqtiga laga joogo xoriyaddii 1960, xasuusan waayey maxaas ka kasaa, Military

  5. Dabshid says:

    Nabad iyo Nolol Kheyre kama horeyn,
    Kheyrena kama dambeyn.

    Canshuurta reer MUQDISHOW ayey kala qeynsadaan Naqraac Waqooyi iyo Nacnac Koofur.

    We can recover and forget our stolen Tax, but we will never accept to be stolen our Democracy system and Greater Banadir Administration.

    * Ninkii Dukaankiisa u dhiibto Iibiye, waa inuu aqbalo Xatooyada iyo dayac Eedo Batuulo.

  6. Hobyo Godan says:

    Dabshid

    Farmaajo oo xoog ku jooga Villa Somalia Doorashana diiday in ay si xor ah Xamar kaga Dhacdo. Alaylahay dhimashaa dhaanta intii gunimo Lagu noolaan lahaa.

    Wax aan aqbali karno ama nala marsiin karo maaha.

    Xuduudaha noo soo xira ninkaana sida ugu Dhaqsaha badan nooga saara. Soomaali Wayn Waan eednay…!!! Maxaa naga raacay …. Abeesaan Rabaayad ka dhiga is niri.




Machadka Heritage oo War cusub kasoo Saaray Xiisada Doorashada iyo Arinta Gedo Iyo Hiiraan
- Jan 19, 2021
Muqdisho ( Kalshaale ) Warbixin uu soo saaray machadka daraasaadka ee Heritage ayaa waxaa ...
Masuuliyiin Caan ah oo lagu diley Qarax ka dhacay Duleedka Muqdisho
- Jan 19, 2021
Muqdisho ( Kalshaale ) Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Deegaanka Garaslaabey ee Duleedka ...
Duqaymihii ugu saamaynta Badnaa ee Maraykanku ka Fuliyey Gudaha Soomaaliya
- Jan 19, 2021
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamada Mareykanka ayaa sanadihii lasoo dhaafay si dadban iyo mid ...
MUUQAAL: Xukuumadda Somalia “Ma jiro Ciidan Soomaaliyeed oo ka dagaalamay Gobolka Tigreega”
- Jan 19, 2021
Muqdisho ( Kalshaale ) Xukuumadda ayaa si adag u beenisay warar been abuur ah ...
Daawo : Shaqo-gelinta Xarunta Nukliyeerka ee dalka Turkiga iyo Qorshaha Cusub
- Jan 19, 2021
London ( Kalshaale ) Shaqo-gelinta Xarunta Nukliyeerka ee dalka Turkiga iyo Qorshaha Cusub