Ilhaan Cumar oo Weerar Cusub ku Qaaday Trump kuna eedaysay Arimo Xasaasi ah

Hargeisa  ( Kalshaale ) Xilli ciidamada dembi baarista Mareykanka ay wali ku raad joogaan dadkii weeraray aqalka Kongareeska, ayaa dhanka kale isla xubnaha Dimuqraaddiga ee ka tirsan aqalkaasi waxay sheegeen inay ku raja weyn yihiin xil ka qaadista madaxweyne Trump.

Ilhaan Cumar oo ka mid ah xubnaha Kongareeska, ayaa waxay madaxweyne Trump ku eedeysay in uu sabab u ahaa rabshadihii ka dhacay dhismaha Capitol.

“Dembiyo badan ayaa lagu heystaa, laakiin kulligood waxay isugu imaanayaan in madaxweynaha uu la shaqeeyay uuna dhiirrigeliyay in dowladda la soo weeraro, inay ku dhintaan dad badan, inay noqotay in saacado dhan lala wareego US Capitol. Waxaan aaminsannahay madaxweynaha inuu halis ku yahay dadka iyo dowladda,”

Waxay sheegtay in Madaxweyne Trump uu ku hadlay arrin aan madaxweyne laga fileyn, isaga oo kaddib weerarkii Capitol farriin uu bartiisii Twitter-ka ugu qoray dadkii soo qaaday weerarkaas ku yiri “waan idiin jeclahay”.

Ilhaan waxaa kale oo ay sheegtay in haddii xukuumadda cusub ee madaxweyne Biden ay timaaddo ay wax badan ka rajeyneyso, gaar ahaan arrimaha Soomaaliya.

“Rajadeenna way weyn tahay, Xisbiga Dimuqraaddiga keliya madaxweyne ma helayaan oo baarlamaanka guud ahaan annaga ayaa maamuli doonno, marka waxaan aaminsannahay in nolosha Soomaalida keliya maahee ee dadkoo dhan inay ay isbeddel ka dareemi doonaan.

 Waxaan rajeyneynaa in shaqo abuuris aan ka shaqyen doonno, in waaxda socdaalka sidii ay u shaqeyn jireen iyo si ka fiican ay u shaqeyn doonaan.”

Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka iyo FBI-da ayaa bilaabay baaritaan dembi oo lagu sameynayo in ka badan 160 qof oo loo heysto inay qeyb ka ahaayeen weerarkii toddobaadkii hore ka dhacay dhismaha Capitol ee Washington.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Land of Punt says:

    Gabadhaan maalintii Trump weerarto asagana drone u diraa Somalia maalintii 10 disha!
    hadduu dad waayo geela ka dilaa.




Machadka Heritage oo War cusub kasoo Saaray Xiisada Doorashada iyo Arinta Gedo Iyo Hiiraan
- Jan 19, 2021
Muqdisho ( Kalshaale ) Warbixin uu soo saaray machadka daraasaadka ee Heritage ayaa waxaa ...
Masuuliyiin Caan ah oo lagu diley Qarax ka dhacay Duleedka Muqdisho
- Jan 19, 2021
Muqdisho ( Kalshaale ) Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Deegaanka Garaslaabey ee Duleedka ...
Duqaymihii ugu saamaynta Badnaa ee Maraykanku ka Fuliyey Gudaha Soomaaliya
- Jan 19, 2021
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamada Mareykanka ayaa sanadihii lasoo dhaafay si dadban iyo mid ...
MUUQAAL: Xukuumadda Somalia “Ma jiro Ciidan Soomaaliyeed oo ka dagaalamay Gobolka Tigreega”
- Jan 19, 2021
Muqdisho ( Kalshaale ) Xukuumadda ayaa si adag u beenisay warar been abuur ah ...
Daawo : Shaqo-gelinta Xarunta Nukliyeerka ee dalka Turkiga iyo Qorshaha Cusub
- Jan 19, 2021
London ( Kalshaale ) Shaqo-gelinta Xarunta Nukliyeerka ee dalka Turkiga iyo Qorshaha Cusub