Maraykanka oo sheegay in dalka Iiraan uu yahay Saldhiga Cusub ee Kooxda Alqaacida !

Nairobi ( Kalshaale ) Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa dowladda Iiraan ku eedeeyay in kooxda jihaad doonka ah ee al-Qaacida ay u oggolaatay in “saldhig cusub” ay ka sameysato halkaas.

“Si ka duwan Afghanistan, markii al-Qaacida ay isku qarineysay buuraha, al-Qaacida maanta waxay gabbaad ka heshaa maamulka Iiraan oo difaacaya,” ayuu yiri.

Mr Pompeo wax caddeymo ah uma uusan keenin eedeymahaas.

Wasiika Arrimaha Dibadda Mohammad Javad Zarif ayaa hadalka Pompeo ku tilmaamay “been dhalineysa dagaal”.

Bishii November ee la soo dhaafay, Iiraan ayaa beenisay war ku saabsanaa in taliyihii labaad ee al-Qaacida Abdullah Ahmed Abdullah, oo sidoo kale loo yaqaanno Abu Muhammad al-Masri, ay ciidamo Israa’iil ah ku toogteen Tehran, kaddib codsi uga yimid Mareykanka.

Shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Washington, ayuu Mr Pompeo ku sheegay in markii ugu horreysay uu xaqiijinayo in Masri uu geeriyooday 7-dii August, inkastoo uusan faahfaahin dheeraad ah bixin.

Wuxuu sheegay in dadku ay ku khaldan yihiin inay rumeystaan inay cadow isku yihiin quwadda Shiicada Muslimiinta (Iiraan) iyo kooxda xagjirka Sunniga ah ee Shiicada u aragta inaysan diinta si wanaagsan u heysan.

“Joogitaankii Masri ee gudaha Iiraan waxay tilmaameysaa sababta aan halkan u joogno. Al-Qaacda waxay leedahay saldhig cusub: waa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.”

“Taas waxaa ka dhashay, in hindisihii khaldanaa ee [Osama] Bin Laden uu hananayo awood.”

Tan iyo sanadkii 2015, Mr Pompeo ayaa sheegayay, in Tehran ay xubno ka tirsan al-Qaacida oo dalkeeda ku sugan u oggolaatay inay si xor ah ula xiriiraan xubnaha kale ayna fuliyaan howlo badan oo markii hore laga soo hagi jiray Afghanistan iyo Pakistan, oo ay ku jiraan amarka weerarrada, iyo lacag uruurinta.

Pompeo ayaa sheegay in Mareykanku uu doonayo in liiska argagixisada gaarka ah uu ku daro labo hoggaamiye oo al-Qaacida ka tirsan oo uu rumeysan yahay inay joogaan Iiraan: Mohammed Abbatay, oo sidoo kale loo yaqaanno Abdul Rahman al-Maghrebi, iyo Sultan Youssef Hassan al-Arif.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Machadka Heritage oo War cusub kasoo Saaray Xiisada Doorashada iyo Arinta Gedo Iyo Hiiraan
- Jan 19, 2021
Muqdisho ( Kalshaale ) Warbixin uu soo saaray machadka daraasaadka ee Heritage ayaa waxaa ...
Masuuliyiin Caan ah oo lagu diley Qarax ka dhacay Duleedka Muqdisho
- Jan 19, 2021
Muqdisho ( Kalshaale ) Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Deegaanka Garaslaabey ee Duleedka ...
Duqaymihii ugu saamaynta Badnaa ee Maraykanku ka Fuliyey Gudaha Soomaaliya
- Jan 19, 2021
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamada Mareykanka ayaa sanadihii lasoo dhaafay si dadban iyo mid ...
MUUQAAL: Xukuumadda Somalia “Ma jiro Ciidan Soomaaliyeed oo ka dagaalamay Gobolka Tigreega”
- Jan 19, 2021
Muqdisho ( Kalshaale ) Xukuumadda ayaa si adag u beenisay warar been abuur ah ...
Daawo : Shaqo-gelinta Xarunta Nukliyeerka ee dalka Turkiga iyo Qorshaha Cusub
- Jan 19, 2021
London ( Kalshaale ) Shaqo-gelinta Xarunta Nukliyeerka ee dalka Turkiga iyo Qorshaha Cusub