|

Itoobiya oo Digniintii ugu dambaysay u dirtay Suudaan iyo Jawaabta ay Bixisay

Hargeisa  ( Kalshaale ) Dowladda Itoobiya oo hadallo digniin ah u dirtay dhigeeda Sudan ayaa sheegtay in uu dulqaadkii ka dhamaaday kadib markii Sudan ay ciidamo soo dhoobtay halka ay labada dal isku hayaan.

Waxaa guuldareystay dedaalo la doonayay in xal looga gaaro xiisadda ka taagan xadka labada dal.

Xiisadda oo mudod dhan 10 sano soo jiitameysay ayaa ah mid u dhaxeysay dalalka Sudan iyo Itoobiya, waxayna salka ku heysa deegaanka beeraha qaniga ku ah ee al-Fashqa, oo katirsan qariiradda Sudan balse ay muddo deganaayeen beeraleyda Itoobiya.

Ciidamo ka kala tirsan labada dhinac ayaa laba asbuuc kahor isku dhac ku dhex maray xadka labada dal.

“Dhinaca Sudan waxay u muuqdaan inay doonayaan inay xaaladda sii huriyaan,”ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti oo saxaafadda kula hadlay Addisababa.

Mar wax laga weydiiyay in Itoobiya ay dagaal geli doonta ayaa waxaa uu sheegay in marka hore ay wanaagsan tahay in diblomasiyadda ay shaqeyso. Wuxuu intaa ku daray in waxwalba ay dhamaad leeyihiin, isagoona ula jeeday in xallinta arrintan ee dhanka diblomaasiyadda ay tahay wax mudeysan.

Dhanka kale wasiirka warfaafinta ee Sudan, Feisal Maxamed Saleh ayaa sheegay in dalkiisa uusan dooneyn dagaal ay la galaan Itoobiya, balse ciidamadooda ay ka jawaabi doonaan waxwalba oo uga yimaadda dhanka Itoobiya.

“Waxaanu ka cabsi qabnaa in hadalada kasoo yeeraya Itoobiya ay yihiin kuwa xanaf leh oo damqaya Sudan, waxaan Itoobiya weydiisaneyna inay joojiyaan weerarka ka dhanka ah madaxbanaanida dhuleed ee Sudan iyo beeraleyda Sudan,” ayuu wasiirka warfaafinta ee Sudan u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=38447

Posted by on Jan 13 2021. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “Itoobiya oo Digniintii ugu dambaysay u dirtay Suudaan iyo Jawaabta ay Bixisay”

  1. Maxay sugeysaa Soomaaligalbeed , maanta maalin ay ka dhawdahay nama soomarin . Uma baahno hub iyo dabaabaad . Diiday oo kaliyaa ku filan . Ethiopia iyadii baa aabaheed la fuuqday FUUDKA .

    ” SALAAMA “

  2. Waar Xabashidu weligeed waa gardaran. Bal dhulka Alfashaqa oo ah dhul ay leedahay Sudaan bay rabaan inay u xalaaleeyaan beeralaydooda seera goyska ah.

    Abdirahman

    Waa sidaad tidhi. Laakiin meesha waxaa jooga daanyeerkii Cagjar oo aad mooddo inuu dhiigga Xabashida ku jiro.

    Si kastaba waa in wixii ka hadhay oo damiir leh sida ONLF, Itixaad iwm fursaddan timid ka faa’iidaystaan.

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

    • Ali Zubeer.

      Adeer salfudayd waa waxa soomaali rogay!

      Ogaden ama soomaali galbeed. waxay hoaansadeen ina ay nabad ku noolaadaan oo dadkooda ka dhisaan xagga waxbarashada, siyaasadda, dhaqaalaha , caafimaadka, waddooyinka, isgaadhsiinta, maamul wanaagga, korontada iyo biyaha. marka intaas lagu guulaysto oo aan dad nool moqonno oo siyaasadda itoobiya aan awood ku yeelanno, markaa saa laga hadli karaa aaya ka talin, gooni isu taag etc..

      sheekadii fadhiidka ahayd ee jabhadaynra qashinkaa lagu daray ee wax kale ma haysaa?

  3. @: Suldaan Cali
    ———–Asa.
    —————– Waxaa iimuuqata Ethiopia oo u kala go’day dhawr waaxood . Hadaan xirano xaduudka oo ay nagusoohamaansato waxaa iyadana ku hamaansanaya
    1) Tigre .
    2) Sudan .
    3) Jabhadda Oromada .
    4) Kuwa qaawan ( aka Gumuz etc ) oo usoo dhardoonandoona !
    5) Mooryaan kake oo usoo bililiqo doonandoonto .
    —— Hadaba inta ay Ethiopia ku mashquulsantahay arrimahaas waa inaan ka faa’iideysannaa .

    Haa , ninkii Cagjar ahaa Amxaarada ayuu CAASHAQAY , waxayba ku yiraahdaan : Waxaan kuu dooraneynaa RW Ethiopia . Waaba nin ay u mooqato BAYTUL MINGISTAHA ADIS !
    ——
    Awoowayaashii waxii ay usoodhinteen buu doonayaa inuu kula shuraakooba Abasinia .

    Maanta ayaan isku dan nahay Masar , Sudan , Tigre iyo dhamaan inta docwareemeysa Ethiopia .

Leave a Reply to C/Raxmaan

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented