|

Beesha Caalamka oo War Xasaasi ah kasoo saartay Xaalada Somalia iyo Xiisada Doorashada

Muqdisho ( Kalshaale) Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay aad uga walaacsan yihiin is-mari-waaga ka taagan hirgelinta hanaanka doorasho ee 17-kii Sebtember ku heshiiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

Waxaan ugu baaqaynaa saamilayda siyaasadeed ee sare inay muujiyaan hogaan iyadoo la tixgelinayo danta umadda iyo inay si dhakhso leh u xalliyaan arrimaha ka taagan hirgelinta iyadoo loo marayo isu-tanaasul, si loosii guda galo geedi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo u dhaca  sida ugu dhakhsiyaha badan.

Saaxiibadu waxay ka mahad celinayaan dadaalladii lagu dhaqaaqay dhowaan. Gaar ahaan, waxay soo dhoweynayaan booqashadii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku tegay Galmudug iyo Puntland; wada hadalladii dhex maray madax sare oo badan oo Soomaaliyeed oo uu Garowe ku martigaliyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni; iyo xiriiradii uu sameeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor,” oo soo gudbiyay talooyinkii ka yimid Garowe unasoo gudbiyay madaxda DFS iyo xubnaha kale ee siyaasadda.

Saaxiibadu waxay garwaaqsanyihiin in Heshiiska 17kii Sebtember ay ansixiyeen Dowladda Federaalka ah, dhammaan Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo labada gole ee Baarlamaanka, waxaana sidoo kale soo dhoweeyay musharaxiin badan oo u taagan xilka madaxweyne. In kasta oo saaxiibada iyo dad badan oo Soomaaliyeed ay ka niyad jabeen in hanaankan uu aad uga hooseeyo doorashooyinka “qof-iyo-cod” ah, ayaa haddana heshiiska 17kii Sebtember wuxuu yahay aasaaska kaliya ee la aqbali karo in loo maro doorashooyinka 2021.

 Ma jiri karo dib-u-furid lagu sameeyo Heshiiska 17-kii Sebtember ama abuuritaanka hanaan kale ama mid barbar-socda.  Waxaa loo baahan yahay in is-faham ballaaran oo loo wada dhanyahay laga gaaro hirgelinta [heshiiskaas] si loo xaqiijiyo kalsooni lagu qabo geeddi-socodkan. Tani waa in ay la jaan-qaaddo ballan-qaadyadii lagu heshiiyay ee shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya. Saaxiibadu waxay soo dhaweynayaan dadaallo dardar-gelin leh oo sida ugu dhakhsiyaha badan loogu xalliyo arrimaha taagan, looguna soo gabagabeeyo is-faham la gaaro maalmaha soo socda, si ay doorashadu u bilaabato dabayaaqada bishan.

Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan madaxda Soomaaliyeed inay ixtiraamaan oo ay si buuxda u hirgeliyaan qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ku yeelanayaan baarlamaanka, sidii ay ugu ballanqaadeen heshiiska 17kii Sebtember.

Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku celinayaan in hanjabaad kasta ama adeegsiga rabshado aan la aqbali karin. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeynayaan ahmiyadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed xor ah oo furan kaas oo musharaxiinta ay awoodaan inay si nabad ah ku soo bandhigaan aragtiyadooda isla markaana ay warbaahintu awood u leedahay inay ku shaqeyso xayiraad la’aan.

Waa in la joogteeyo jawigii wadahadalka iyo isu-tanaasulka ku salaysnaa ee hor-seeday in la gaaro Heshiiska 17kii Sebtember si geedi-socodka doorashada horay loogu sii amba qaado.

*Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD),  Ireland, Talyaaniga, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=38426

Posted by on Jan 12 2021. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

37 Comments for “Beesha Caalamka oo War Xasaasi ah kasoo saartay Xaalada Somalia iyo Xiisada Doorashada”

  1. Farmaajo waxaa dadajinaya oo waalaya ninkii axmed madoobe soo waalay waa cabdi cali raage waa nin taqasus kuleh doorashooyinka aragaane cabdi cali raage meeshuu farmaajo kala dhaco

  2. Gedo Land

    Kaa saarimeyso, Farmaajo wuxuu ku dheelahayaa Siyaasaddii iyo reputation Jaalle Sade.

    No Kismaayo
    No Sharaf
    No Saaxiib

    Waa dhaxalka Jaalle Sade ka faa’iidey Mr Farmaajo legacy.

  3. Farmaajo asagoo helikaro taariikh ah inuu noqdo ninkii ugu horeeyey ee Reer Qurac

    Oo doorasho qabto
    Oo Kursiga Villa Xamar ku wareejiyey la doorte kale.

    Taas wuxuu ka doorbiday inuu
    8th of February noqdo Masuul hore oo uu dhinac ka fadhiisto miiska
    Ama inuu iska tago oo buuga EXILE lagu qore.

    Waa dib u dhac iyo QASAARO ku dhacey Maamulkii Maxaakiimta ee Shiikh Shariif ku wareejiyey Xassan Shiikh, ee Xassan Shiikh ku wareejiyey Mr Farmaajo.

    In 8th February Mogadishu lagu dhiso ama dowlad kale oo ku meelgaar ah
    Ama gole BADBAADO oo doorasho qabanqaabiyo.

    – Cirbad dambaan ceel lagu sahmin.

  4. Kkkkk Buriskii la raadinaayay waa kaas.
    Inta muhiimka ah aragtidayda.
    1-Doorashada waxaa sal u ah heshiiskii 17.09.2020 iyo heshiiskii madasha,maxay ahaayeen idinkaan idiin daayay.
    Absolutely waa CEEB in mar kastaa beesha 6aad sidaan noola hadasho.
    Marka ay leeyihiin waa in la racaa 17.09.2020 iyo shirkii madasha cabir kayga mucaaradka iyo maamul goboleedyada ayaa loo wadaa aragtidayda.
    DF wey ku qanacsan yihiin heshiisyadaas.

    @Gedoland Abdi Ali Raage saamayn kuma lahan waa un NGO waxaana loogu magacaabay xumayn lagu xumaynaayay Axmed madoobe iyo siro badan oo uu ka hayay Axmed madoobe iwm.

  5. Gedo Land

    Aan ku su`aalee Farmaajo ma doorashuu diiday?… Muxuu qalday ood ku haysataa, mise waxaagu waa la lahaa?… Inta jeer iyo inta xujo ee uu uga tanaasulay mucaaradka ma la socotaa?… Haddadan ma isagaa doorasho diiddan, sawkan intaa dadka ku baryaya in la bilaabo?…

    Haddaad doonto magaca Gedo iska xanbaaro oo iska boolyo lkn ogoow wali qof islaam ah baad tahaye caddaaladda ha ka tagin, hana ka eexan qof bilaa danbi ah…

    -FG- Nimankaan mucaaradkaa kalsooni baysan isku qabin oo waxay ogyihiin inayna la tartami karin Farmaajo, sidaa awgeed ayay rabaan inay qaylo iyo buuq xukunka kaga tuurtaan, waa un intaa dacaayadda socodtaa… Haddaadan horay u ogayn hadda la soco…

  6. Somalia ha noolaato

    Dalka waxa iska leh Somali, beesha caalamku waxba uma yeedhin karaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.
    Doorasho qof iyo cod ah baa looga guuray mid dadban heshiiskii Dhuusamareeb lagu wada saxeexay 17kii Sebtember 2020kii. Yaa diidan wixii lagu heshiiyey fulintooda ama ka caga jiidaya.

    Adduunka meel gentlemans agreement (xeer jajab/xaalmastuur) dal sharcigiisii doorashada lagu jebiyo, Somaliya kaliya ayay ka dhacday. Sababtoo ah R / wasaarihii hore ee Khayre ayaa la dhacsanaa habkaa dadban oo dawladiisii mindi dhabarka ka geliyey oo beeshii caalamka ka dhaadhiciyey in dib loogu celiyo maamul goboleedyada doorashadan dadban, wuxuu si gaar ah ula kulmay SWAN iyo Yamamooto oo ka dhaadhiciyey in maamul goboleedadu rabaan habkan dadban, inta kale beeshii 6aad, waa la ogaysiiyay kaliya, Nasiib xumo Khayre, maanta , wuu og yahay khamaarkii(gambling) uu sameeyay iyo barta uu dhigay siyaasadiisii oo ku dhex fashilantay muxaafad iyo mucaaradba. Suaasha taagani, wixii lagu heshiiyey yaa hor taagan, oo diidan doorashadii dadbanayd ay dalka ka dhacdo!!!

    • Somalia ha noolaato

      Sixid… Doorasho qof iyo cod ah baa looga guuray mid dadban heshiiskii Dhuusamareeb + Caasimada lagu wada saxeexay 17kii Sebtember 2020kii. Yaa diidan wixii lagu heshiiyey fulintooda ama ka caga jiidaya.

  7. Danaha ayaa ka la duwan.Kooxaha uu wadanku u xidhan yahay,iyo dawladnimo wadanka laguu soo dabaalayaa way hirdamayàn.

    Shacabka oo kaca ayaa ah xalka kaliya ee looga adkaan karo waaqaca Somali horyaala.
    Dadka aan lahayn aqli ku filan ama uh wacyigoodu hooseeyo ma fahmikaraan waxa meesha yaala e dhacdada ayay ka doodaan

    Denibaa diiday.
    Axmed madoobe ayaaa ….
    Midoowga Mooryaanta…..
    Ciidanbaa soo galay Muqdisho
    Cabdi Xaadhi …..

    Maxaa jira?

    Maxaa laysku haystaa?

    Wixii danta guud ahaa ayaa noqday dano gaar ah.

    Formaajo waa in qabiil loo adeegsadaa si meesha looga saaro.waa xalka kaliya ee looga adkaankaro waxa uu Formaajo wado ee ka soo horjeeda danaha midoobay ee kooxaha kala duwan ee ka jira Somaliya.

    Dalmida

  8. Xaange

    Intaanan hadlin soo gudbi
    Warka Mr Burhaan Beel-daaqe

    Iyo inuu ku dhaartey doorasho Majeerten Xamar loogu qaban.

    Boowe waa Sharciga Federalka
    Iyo Canshuurta Eedo Batuulo ee Liibaaneyaasha lagu Liibaaney.

  9. Biyadhaca hadalka beesha Lixaad waxaa weeye:-

    1) Heshiiskii Samareeb ee Xamar lagu soo gabagabeeyay baa aas aas u ah doorashada, waxna lagama beddelayo, ciddii diiddana digniin kama danbays ah baa loo diray…

    2) Wax Midawga Murashaxiinta la yiraahdo ma jiraan oo go`aan ku leh qaabaynta doorashada, kaliya waxay taladu ka go`daa DF iyo Madaxda M.Goboleedyada, waana tay horay ugu heshiiyeen shirkii Smareeb…

    3) In ay doorashadu waqtigeeda ku dhacayso oo ciddii ka habsaanta ama diidda laga tashan doono…

    Waa un intii ay berigii hore soo saareen oo laga reebay qaswadayaal in lagu magacaabay Deni iyo A.Madoobe…

  10. Kkkk

    Nin Laascaanood ka yimid ayaa ku doodi
    Waxaa la diidey doorasho Qof iyo Cod ah

    Shiikh Shariif ayaa noo keenay inuu sheekadaas QIYAALIGAA NAGALA DOOD
    Nin aan xataa maamulin Tuuladiisa

    ileen HADAL AAAAA ma yiraahdo.

  11. ASC dhamaantiin.
    Horta Somaliya waxaa maamulo beeshan Lixaad amaba beesha caalamka. Iyagana waxeey u soo dirreen kuwii uGu daanyeersannaa amaba shaqaalaha wadamadaas kuwooda “low officials” ah oo macnaheedu yahay kuwa qibrad yar. More importantly, kuwa eeysan ka daacad aheeyn in Somaliya dhulka kasoo kacdo. Hase yeeshee, eeda taas beesha caalamka malahan oo waxaa leh odayadaan Somalida siyaasadeeda horbooda oo daanyeero ah, oo ah kuwii dadka uGu liitay oo xataa aanan heshiin karrin.

    Anyways, paragraph ka sadexaad ee dhahaya “waxaa laga xunyahay in eeysan Somaliya ka dhicin doorasho qof iyo cod ah” ayaa tilmaamaya caqli daanyeernimada beesha Lixaad iyo Farmaajo iyo waliba daaneyer Hassan Shiiq oo hadda kahor ku hadlay caqli daanyeerniamda dhaheeysa Somaliya doorasho qof iyo cod ayaa ka dhaceeysa. Qof caqli daanyeer ah leh ayaa hadalkaas beenta ah ka’iman karraa. Iska daa 2021 ee, Somaliya doorasho qof iyo cod ah kama dhici doonta xataa 30ka sanno ee soo socota. Hadalkaas qof walba oo ku hadlay waa daanyeer.

    Iskusoo wadda duubee, warkaan beesha Lixaad waxeey ila tahay daanyeeer Farmaaajo in uu hal gool dhaliyay amaba helay, daanyeerta musharaxiinta isku sheega, iyo maamulada kasoo horjeeda daaneyer Farmaajana wali 0 amaba zero goal ayeey heeystaan.

    Beesha lixaad waa canaanteen doqomadda musharaxiinta isku sheega.

    Arrinta uGu muhiimsan oo la rabbay in eey musharaxiinta dacwadooda beesha Lixaad ku darraan ayaa waxeey aheeyd in Farmaajo laga qaado awooda ciidamada dowladda dhexe ee uu isticmaalayo ololahiisa doorashada iyo waliba in laga joojiya in uu resource ka, iyo dhaqaalaha yar ee dowladda dhexe leedahay oo eey soo barrisay iyo canshuurta eedo Batuulo in laga xannibo oo uusan u isticmaalin ololahiisa doorashada. Arrinkaan sidaas muhiimka u ah xataa waa garan la’yiin daanyeer Abdirahmaan Abdishakuur, madaxweeyne horre Hassan Shiiq iyo dhamaan daanyeerta isku sheegaya musharaxiin amaba mucaarad. Meeshaas ayuu daanyeer Farmaajo goolka ku dhaliyay.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  12. Nimankaan meesha fadhiya waa ragga lacagta la isku haysto bixiya, ninka warkooda diida Lacag siin mayaan, asagana maalin ma noolaan karo oo raggii lacagta siinayey hadday ka waayaan waxay ku oran “Xaajiga kabahiisa ayaa uraya” waa sheeko caan noqotay marka dhilada nin Lacag ka cuni jirtay wax waayo cayrisa.
    Beesha 6aad taladooda ayey ku dhammaan iyo ninka wataan. Run
    Hadaadan tashan waa laguu talin..run

  13. Cadaado salaan sare aqoon yahan.

    Sifiicanbaad u dhigtay..aniguba sidaas ayaan u fahmay. Hadalka kasoo baxay beesha caalamka wuxuu dhiig siinayaa mr farmaajo.

    Mr farmaajo. Wixisii ayuu so xar xariiqday wuxuuna taagan yahay. Annagu doorasho diyaarbaan u nahay.

    Qolyaha mucaaradkuna wexey rabaan i uu waqtigu dhoco madaama aysan aqbali karin gudi dhinac ka raran.

    Su.aashu waxa waaye maxaa xigi doono haduu waqtigu dhoco.

    Ma beesha lixaad ayaa ayaa rood cusub jeexi doonto?

    Farmaajo intaan waqtigu dhicin 4 maamul ee hawiye ee gacan ku rimiska ah doorasho maka bilaabi doonaa?

    Midiwga musharaxiinta maxaa u diyaarsan oon dacwo iyo hadal riqiisa aheyn?

    Ma moodaa hawiye in uu waqtigu soo koobay?

    Cashar malaga baran doonaa. Arfarmaajo iigeeya?

    Farmaajo hawiye wuu kala jebiyay.
    Hadii qolo kasoo hor jeedo hadasho qolo kale ayaa u jawaabto.

    Gedo iyo tolkii sifiican ayuu axmed madoobe uga difaacay.

    Mudane manoo qorsheysan yihiin wax hadal dhaafsan?

    Alla muxuu waqtigu isdaba guray.

    Go.ii guuldarada ayaa quustay

  14. Beesha caalamku hadal jilicsan ayay ku hadleen inkastoo shirkii sept ay taageereen hadana warkoodu maqeexna waxaa larabay inay digiin iyo hanjabaad soo saaraan yamomoto sidiisii ilaa soomaalidu wadaniyiin inaysan ahayn way ogyihine.

  15. Walaahi in been ku darayn in Farmaajo week noolaan karin maamulkiisa hadday ka jaraan mushaarka ku socdo iyo ragga dolarka siiyo oo parleman, ciidan iyo shaqaale leh , ragii lacagta bixinayey ayaa shiraya, They have the last word.
    Runtu waa taas.😎
    Raggaan waxaa looga maarmi karay, haysta lacagtiina oo Somali heshiis tahay oo waxa yar haystaan dalkooda nabad ku maaraystaan iyo heshiis.
    Maalintaas Airporka laga celin karay.. Sidaas miyey jirtaa? Daanyeer Farmaajo ma ogyahay xoolo dalkale laga keenay maku amar kutaaglayn karaa!
    Ninkaad dukaanka u gadasaysay haddii ku naco sow ku cayrin maayo.
    Allow dadkaaga aqli sii.😝

  16. Kalsame
    Farmaajo cilada uu leeyahay oo aan layaabay waa aawey madaxweynihii dalka yaa umadaan masuul ka ah ma qoor qoor iyo laftagareenbaa anaga madaxweyne noo ah war ha hadlo ninku hadii kale habaxo waxaan nacaskaa masidaanaa umad lagu xukumaa Donald trump oo nacas ah maalin walba shacabka America wuu lahadlaa adeeroow ninkaan reer sade waa ceebeeyay walaahi

  17. Kalsame
    Anigu qabiil farmaajo kutaageerimaayo sxb sabab too ah qof aan hadlayn maxaan kutaageeraa

  18. Beesha 6aad Somalia heshiis kuma aha, kuwo waxay rabaan in dumiyaan kuwana sida Kenya iyo Ethiopia in nolol helaan rabaan.
    Doorashada ninka taageeraan ayaan ku ogaan labada qolo ee beesha 6aad kuwii raayey, kuwa Somalia in dunsanaato raba iyo kuwa in nolol helaan raba..hadalkaas waa run.
    Somali waa dad ayaga ishaysta oo la isku haysto.🤔

  19. Hawiyoow nin Aadan Cade oo kale noo keena,kana na dhasfiya si aan meesha u dhuuqno kkkkk

    Waaar meeshs dano kale ayaa laysku hayaaye,layskuma hayo doorasho.

    Garoowe waxay rabtas in Firmasjo meesha dhasfo.Sida ka muuqatay shirkii Garoowe ee Haritage Garoowe warkoodu wuu cadaa kk

    Aar Abgaal ik geeya.

    Abgaalna dan ayay leeyihiin.

    Aar huteel aa dhistay.

    Somslida kale dawlad run ah ayay rabtaa.

    Aar Formasjo ii veeya

    Dalmida

  20. Gedo land

    Si fiican baad u dhigtay. Maalin dhaweyd baan ku weydiiyay; Farmaajo miyaanuu lahayn odayaalu dooda ama khaladka ka qabta.

    Waxaad iigu jawaabtay, ninka Hawiye ayaa la taliya oo la wareegay. kkk

    Waa jawaab funny qosola, laakiin dhibka & qalalaasaa uu sameeyay umada Soomaali oo dhan waxay mar kale farta ku fiiqi Mareexaan oo markale madax noqday oo markale bur bur & kala qaybsi u horseeday umad dhan.

    Waxaa idiin haboon Gedo land in reerku shiro oo aad ka tanaasushaan 200 sano ee soo socda in nin Mareexaana madaxweyno noqdo! Gabdhaha reerka fasax ayaan siiyay anoo Laalaysa! kkk kkk kkk

  21. Gedo land
    Sxb mid ogow, Farmaajo waa laga baqaa, sababtaas xitaa aniga ma fahmin, ninwalba oo Farmaano villada ugu tegey asagoo argagaxsan soo noqdaa oo hadalka islagafa ama warkiisaba lama maqlo dida Geedi..kkkkkkkkk
    Waa 3 mid; in karfantiisa la tusay,
    in dolar xamili karin lagu harqiyey,
    tan sadexaan waa in Hawiye iyo Issaqa jooga Xamar u sheegay in Darood nool la maqli doonin, Jubbaland iyo Puntland dowlado ka samaysan iyo dalka barkiis in ootaan.
    Farmaajo in hadlo uma baahna.
    Dadkale ka dhex hadlaa sida rooxaanta..kkkkkkk
    What you think?😬

  22. Mr Bahal
    1960 oo 60 sano laga joogo ayaad joogtaa.
    Majeerteen Somalia in talo qabtaan waagaas ugu dambaysay weliba Somali badan ayaa ila qabta in aad loo xasuuqay.
    Haddana cuqdad sida Isaaqa meel ma oodan ee Somalia in dal noqoto u labisteen, maantana xaq u leeyihiin in wixii qaldan tilmaamaan.
    Haddii Somalia Xamar dowlad fiican ka dhalan Puntland waa kuwa ugu Chance fiican in noolaadaan oo ciidan difaaca haysta.
    Agoonta Kacaanka oo hadda gaardis ku jira in Kacaan cusub u dhashay, hadhowna ayagss duurka seexan oo ayagoo starvation/ Macaluul u dhimanaya World TV ka daawan…Baydhabo iyo Baardheere ayaa ugu ilxumaa intaan arkay.
    Hadana Eelay iyo Mareexaan ayaa raba in meeshii nagu celiyaan. 🤔

  23. Mr bahalow.
    Ma waxaad leedahay. Aadan cadde xitaa tuugboow ahaa. Kkkkkkkk.

    Majeerteen dan ayuu leeyahay.
    Arbagaal iigeeya.

    Abgaalna dan ayuu leeyahay. Hoteela dhisow.

    Gudabiirsina dan ayey leeyihiin.
    Allow noo keen nin darood ah oo isaaq naga dul qaado.

    Marka danuhu way badan yihiin.

    Sheekh daheeye ayaa quustay

  24. https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=3775228722537756&id=100001519976564

    Gudiga la leeyahay waa gudi doorasho oo dhex dhexaad ah waa kuwaaas.

    Hadaad booqato waad ogaan doontaa xaqiiqda.

  25. Land

    Sxb wixii ka socday Garoowe ama uu Mr Faroole ku celceliyay ayaa sidaa ahas.

    Walee waxa loo fadhiyaa ee layku hor fadhiyaa waa dano Garoowe leedahay.

    Bal ii sheeg wax kale.

    Garqaad

    Ninka Daarood adaa u baahan oo dantaada run ah ayaa ku jirta.
    Adiga ayuu kuu samayn nidaam aad ku naalaato.
    30 sano faqanasay Jaygii Airporka.kkkkk

    Marka runta loo sheego ayay Isaaq ku carartaa

    Isaaqa ayaa u baaahsn cid maamusha oo nidaam iyo caafimaad u dhista.

    Somali oo dhan ayaa u baahan hogaamin Daarood – saa yaryarkii lama ogola.

    Waawaaynkii waa Daarood iyo Mooryaan.

    Dalmida

  26. @Gardqaa salaan sare abti long time.
    SOMALIDU in ay wax ka qaldan yihiin waxaa ay ku leeyihiin Marexan ninkaa may qabtaankkk horta in ay u tagaan ama uu la fariisto ma ogol yahay?
    Ugaasyaddii Marexan wuu diiday,ugaaskii Marexan mudug wuxuu joogaa 3 week Xamar wuuna diiday.
    Farmaajo Hawiye ayaa afduubtay oo haysta haduu soo noqdo iyaguu usoo noqonayaa,hadduu tago ayaguu ka tagayaa.

    WAXAAN IDIIN BALAN QAADAYAA IN AANAN QABIIL KU TAAGEERIN.BALSE MALA IDINKA KARAYAA QABYAALAD OO CADAALAD MARNA MASKAXDIINA MA KU JIRTAA?

    Khiyaaliga iska daaya qabaail qabtaa siyaasi ama qaban karaa ma jiro.
    Farmaajo ma dooran Daarood iyo Hawiye ee Somali oo dhan ayaa dooratay.Waa khasab in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

    Sidoo kale illahay ayaan kugu dhaariyay nin doorasho aan xor iyo xalaal ahayn taageray miyuu ka hadli karaa dooarsho xor iyo xalaal ah?
    Xasan,Shariir,Deni iwm iyagoo og doorashaddii Axmed madobe waxa ay ahayd ayay ku taageereen marka uma furna xor iyo xalaal in ay ka hadlaan.

    DOORASHO XOR IYO XALAAL MR FARMAAJO KEEN.

  27. Gedoland
    Okay, waa sax inuu hadlo, oo madaxweyne waa qasab inuu shacabka la hadlo, lkn ogoow shacab isma hayaan, waxay is hayaan koox ka gardaran oo taagan kursiga ka kac, waxayna soo bilaabeen maantuu guulaystay, ilaa maanatana weerar bay ku hayeen…

    Ma kuwaas baad leedahay u jawaab, oo muxuu ku dhahaa?… Waaba dad caddaystay gardarrada oo waliba taagan xoog baan fillada kaaga saaraynaa haddaadan kursiga nooga dagin….

    -Haddaba maxaad gardarrada u arki la`dahay kooxda ay is hayaan, markaad aammuskiisa arkayso?… Shacabku yay rabaan?… Xassan Shiikh kursiga hadiyad miyuu ku bixiyay, shariif damac kama hayn miyaa, kuwa kale ee ciidda ka badan ee wada doonaya kursiga sheeg waxa Farmaajo gooni ka dhigay oo ka duway rabitaankiisa kursiga?…

    Habeen dhexe waxaan arkayay iyadoo lagugu shubtay inuu Mrexaan masuul ka ahaa wixii uu kacaankii dhigay, caawana waxaad la soo shur tagtay Farmaajo muu la caytamo kooxdan bareedhay ee aan waxba xeerinayn… Duf ku bax…

  28. Laalays
    Kkkkkkk mawaxaad leedahay gabar reer sade ah xukun haloo ogolaado laakiin raga farmaajo oo kale ah ilaa 200 oo sano

  29. Laalays
    Warninyahow mareexaan iyo farmaajo shaqo iskuma laha anigu regsalwasaare hamigaygu maaha sida majeerteen waxaan madaxweyne ahayn waxba iiguma yaalaan ileen reysalwasaare ninkii iidhiibtay yaa iga qaadan lixbil gudaheed

  30. Garqaad waan kusalaamay caaqil.
    Hagaag waan kula socdaa.

    Su’aashada ah “wax manoo qorsheysan yahiin amaba maxaa noo qorsheeysan” waxeey ila tahay in Hawiye waxba u qorsheeysneeyn. Waxeey ila tahay daanyeerta musharaxiinta isku sheegaya in eeysan waxba u qorsheeysneeyn sababtoo ah inta aanan lagaarin doorashada lagu muransanyahay ayeey qabsan lahaayeen doorasho amaba shirarka tiradda badan oo eey isla galaan ayeey kaga hadli lahaayeen in hal nin oo kamid ah eey ku dabafeeylaan, oo ninkaasna eey ku heshiiyaan waxa uu mid walba gooni u doonaya amaba sababta uu mid walba u dhahay musharax Ayaan ahay. Marka qorshe majirro oo waxaad ka garran is barbaryaacadooda iyo hoos u hadalkooda.

    Anniga taladeeyda hadii eey ahaan laheeyd horta daanyeer Farmaajo maba la doorteen 4 sanno kahor. Hadeer oo doqonimadda kuwaan musharaxiinta isku sheegaya oo eey ku jirraan kuwa madax soo noqday oo intii eey hurdeen uu Farmaajo ciidankii isku dubarritay oo uu kala soocay, haddana hadeer taladeeyda waxeey tahay in eey wadno iska raadiyaan oo ciidanka dowladda sida uu u kala soocay inta eey dhex galaan, kuwa beeshooda ah iyo waxii kaloo taageeraya eey soocdaan, kadibna waxii maleeshiyo iyo jinni iyo jaan iyo mooryaan iyo argagixiso [waaba isla shaqeeyaane] eey beeco la galaan, oo eey dagaal ku qaadaan Farmaajo iyo Afrikaanta ilaalineeysa. Waan ogahay qatarta eey leedahay dagaal in uu wadanka gallo, laakiin, waxaa ka darran qatarta kasoo socota daanyeer Farmaajo.

    Eeda iyo dagaalkana waxaa mas’uuliyada koowaad iska leh daanyeer Farmaajo. Ma’ahan in indhaha laga fiirsada “dictator in the making” kaligiis taliya sameeysmaya. Horraaba looga daahay ee inta goori goortahay dagaal halagu qaado Farmaajo sababtoo ah waxii eey Somali ku heshiisay ayuu jabiyay. Isaga ayaana eeda waxii dhinta, iyo waxii burbura iska leh. Marka eey xabadda bilaabato labbo saf ayaa la noqon Daarood iyo Hawiye. Waa huubaa iyo bulshit dadka dhahaya Farmaajo beel malahan, iyo waan ceshan weeynay iyo wax nagama maqlayo. Waa been loo sheego dadka caqliga daanyeerka leh. Beesha lixaad ee nacnac leh walaahi waa eey iskaga dhex bixi laheeyd marka xabadda qoriga afkiisa kasoo baxdo amaba Farmaajo ayeey raacdeeyn laheeyd. Makula tahay in askari Yugaandhees ah uu isku dhigayo xabbadda loo waddo daanyeer Farmaajo.

    Laakiin nasiib darro Hassan Shiiq iyo doqomadda kale horray ayuu Farmaajo u tijaabiyay oo waa ragaas fulayaasha u muuqda.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  31. Taakeey ina adeerkiis maxaad rag soo dishay

  32. Hasha labada geed jecel laba Gebi dhexdoodii Waraabuhu ku gawracay”

    Waar kuwii Qaswadayaasha ahaa(Spoilers)kii maantana ma sidan ayey ugu dhigiin?

    Bal car waa kuwaase juuq haka soo baxdo kuwii mukulaasha ahaa ee libaaxyada ismooday!

  33. Hal qodob Waa u muhiim mucaradka inay ilaaliyan

    Amniga dalka iyo inay ku heshiyan hal musharax

    Intaa haday dhici wayso hadal la. waxa dib loo soo

    Doran Madaxwayne farmajo walalayal hawiyow

    Kolay isu tanasuli maysane dalka ha duminina

    Kursiga u daaya daarood ka xukunka jecel inta waa

    Iga codsi

  34. Ciidankii Amisom waxaa amar siiyay Beeshii Caalamka ee loo ordijiray.

    Cid aaan ahay Ciidanka dawlada oo hub la soo galikarta Muqdisho dabka ayaa la saarayaa.

    Amarkaasi waxaa la bixiyay habeenkii Axadii aan soo dhaafnay.

    Shuqul Mooryaan iyo Gabadh Googarada laga bililiqaysto,nin bac sita oo lagu nasiibsado iyo Hooyo bisbaaro loo dhigto ayaa loo socdaa.Intaasi dhacayso waa la hubaa.Si taasi looga hor tago ayay Ciidanka Amisom wadanka u joogaan.

    Waa nidaamkii Mooryaanismka iyo kii Agoonta Gabre oo isbarkan. 2-diiba way sii dabar go’ayaan.

    Dalmida

  35. Daanyeer hadanna dad ayaa soo dishay ayaad ceeb ahaan igu eedeeyn. Kuwa abu Sufyaan dacaayadeenaya waa kuwa sidaasoo kale daanyeer ah. Laakiin sidda aan ninkaas u aqaan qof u yaqaan eaa yaryahiin walaahi waxaana ogahay in aanan agtiisa qorri ka jabsan karrin aalkuliistayaasha, dhillooyinka u tube iyo social media yaha ka nacnac leh.

    Anniga waaban kuu sheegi dagaalka uu daanyeer Farmaajo sabab u boqda waxa ku dhinya oo dhan waxaa ka mas’uul ah daanyeer Farmaajo. Labaada isku disha waxa ka dambi badan kan isku dirray, re sabab u ah waana Farmaajo just like Afweeyne aaqirro loogu heeysto xataa ilaa maantay waxa Somaliya ku dhinya. Danbi ayaa u socda saa waxii la raaciyay ayuu isku gooyay oo isku dillayee.

    Aqyaarta culumadda kalshaale hadii aan wax qalday ii saxa adinka oo mahadsan. Sow qof kasta waxii la raaciyay lagulama xisaabyamaya?
    Dalmida
    God bless Somalia 🇸🇴

  36. Taakeeye wax badan oo run ah ayuu soo ban dhigay;
    1 in Calanka Somaliya laga been sheegay oo uu ahaa Calan khuraafaad Diimeed , Talyaaniguna keenay Somaliya.

    2 in Xiddigta 5 geeslihii tahay wax u taagan astaamo 5 gees ah oo sida crosska ay asal ahaan dad leeyihiin.

    Intaaba waa soo baadhay,waana runtii.

    Waxa kale oo runtii ah in Taariikhda loo qoray dadka Somaliyeed ay tahay fake,taasi waan ogaa,waana qofkii 1baad ee ila arkay.

    Dalmida

Leave a Reply to Kalsame

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented