|

Midowga Musharixiinta oo Digniin iyo Tallo bixin ka dhan ah DFS u diray Beesha Caalamka

Muqdisho ( Kalshaale )Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee 2021, ayaa u direy qoraal “digniin iyo talobixin ah” beesha caalamka taasoo ku saabsan sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo ka dhacda dalka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa lagu xusay in loo baahan yahay guddi doorasho oo dhammaan dhinacyada ay quseyso ay ku qanacsan yihiin iyadoo lagu sheegay qoraalka in goluhu uu diyaariyay xubnaha guddiga farsamo ee laga saarayo guddiga.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu baaqay in ay kulmaan guddoomiyaha golaha sare iyo oday dhaqameedyada ka soo jeeda Somaliland ayna soo xulaan guddiga farsamada ee doorashada xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland,laguna qabto doorashada labada gole ee xildhibaanada Somaliland Xalane iyadoo ammaankana ay sugayaan ciidamada AMISOM.

Qoraalka ayaa lagu xusay in maadaama waqtiga qabashada doorashada uu gabaabsi yahay in lagu qabto doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose hal goob halkii hore ay u ahayd in lagu qabto labo magaalo oo dowlad goboleed walba loo asteeyay.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=38423

Posted by on Jan 12 2021. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Midowga Musharixiinta oo Digniin iyo Tallo bixin ka dhan ah DFS u diray Beesha Caalamka”

  1. Somalia ha noolaato

    War bal nasladan iyo lama aragtani maxay ahayd. Waar, xageed ku hesheen inaad tihiin musharaxiim, waxaad tihiin muwaadiniin Somaliya, oo qaarkiin loo haysto inaad traitors dawlado kale u shaqeeya tihiin. Sawtan gudigii doorashada aanay keensan Deni iyo dhuxuleyste. Walaaha baydaan musharaxiin u ahayn, ee soo mara sharciga oo soo qaata warqada musharaxnimo, ka dib dadka soo hor istaaga.

  2. Waa iska midoowgii Warlordskakii Muqdisho.
    Waa iska dhaqan ka jira Muqdisho in Tuugtu Midoobaan si ay uga hortagaan wax kasta oo nidaam ah.

    Dalmida

  3. Soomaliyi hanoolaato?

    allow yaa afkaaga iyo uurkaaga isu eega
    waxaad matalaysaa riwaayad sanado badan la soo dhigay,yaa somaliyaay inaad dad ku beerlaxawsatid,

    hadaad aragtaan nin kule somali midaan doonaynaa oo u guulwadaynaya madaxwaynee waa nin wax lagu soo shubtay ,
    wadaniga dhabta ahi isma sheego wuxuu marwalba ka hadla waxa dadka isu soo dhawaynkara kama hadlo khilaafka dhexyaal

    Sycophant can never be free from his master

  4. Kaahin

    Kkkk

    Suldaan waad ku cusubtahay Golaha

    Ninkaan wato @ Somalia hanoo laato

    Wuxuu dhihijirey SOOMAALIYA WAXAY KALA TAGTAY 1991, marka Xassan Shiikh wuxuu maamulaa dhul Hawiye

    Tuulooyinkeena anagaa xor u ah oo ninkii ku jirey Jabhaddii USC ( waa Xassan Shiikh) aniga ii dowladeyn maah.

    MR DABSHID ayaan loo soo xiran Calan blue ah oo GUNO XAMAR LAGU RAADIN.

    Waxaan Golaha ka buraanburi waxay geedaha ka soo dageen 8th February, markuu Seedigeen Farmaajo Boorsadiisa ka qaato Xamar waxay ku laaban GEEDIHII.

    Miyaad aragtay Shiikh Umal iyo Mr Idiris oo BUUGA DASTUURKA wax ka sheegi

    Miyaad aragtey Max’ed Cabdi Yuusuf iyo Zakaria Xaaji oo leh waa qalad in Ethiopia loo saxiixo dekeddaha Soomaaliya ama QALBI-DHAGAX loo dhiibo.

    – Xisaabtan LA’AANTA iyo XASUUS LA’AANTA Hawiye ayaa EEDO BATUULO BAHDILAY.

  5. Walaahi caadi maaha sawirkaan.
    kkkkkk
    Madaxtooyo gooni ah ayaa Xamar Xasan Sheik ka samaystay. kkkkkkk
    Hawiye iyo madaxweynahoodii oo shiraya iga dheh.
    Siyaad Barre ayaa Kab iyo Lax weerar ku qaaday 1970 oo Hawiye waxwalba u ogolaa, ilaa ciidan Hawiye watay villada ugu galeen 1991 oo ku waashay yaa darood aheey, meeye reer abtigay Ogadeen..
    kkkkkk.
    Maxamed Siyaad Bare hooyadiis waa Ogadeen.
    Sxbkay Cadaado ayaa oran jiray marka iskudhabaqdo Darood waa mid macal LOP, Hawiye lee loo been guuraa doqomada.
    Aniga farmaajo waa tufay, Xasan Sheik ayaa musharax ii ah maadaama kuwa kale Hawiye asaga ku dabafayleen..sawirkaan kugu filan.
    Somalia oo federal ah rabaa oo gobolada xor yihiin ninka diida taas dagaal ka xigaa. run
    Dhiso tuuladaada, thats my driving Engine, ina nabadgeli.
    Who the f..k cares nink Viladda fadhiya, Raascasayr iyo Bookh 2000 km isku jira in aargoostadayda iyo xoolaha nool in Cumaan, Sacuudi iyo Dubai oo ii muuqda ka gato rabaa si nabad ah.
    Somali nabad bay rabtaa dadku ayagaa shaqaysan.
    “maha unukaa leh iyo aabihii dalkow na daadihi” labo qolo oo kala aaminsan ayaa Xamar luqunta qoorta iskula jira.
    Inteena kale waa marqaati, macal Puntland oo hawl u gashay in dalka dowlad yeesho.
    What’s next? Time will tell.

  6. Fataabakh.com

    Kkkkkk

    Waar meesha waxa wada yaacahaya waa daanyeerro berri odhan doonoo mid kasta oo la doorto looma dhamma.

    Sheekha Qabyalaadda iyo taariikhda beenta aka Dabshid

    Murashaxaadu waa kuma….illayn Suldaanku waad ogtahay inuusan weligiisa midna taageerine kana been sheegin taariikhda iyo himilada dadkeenna adhaxda u jabay.

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

Leave a Reply to Kaahin

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented