Madaxwaynaha Hirshabeelle oo Xamar Kula kulmay Mucaaridka iyo Masuuliyiinta DFS

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabeelle, Cali Cabdulahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya Iyo Musharaxiinta mucaaridka.

Cali Guudlaawe oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamadaas la qaatay Wasiirka Amniga gudaha, Xasan Xundubeey Jimcaale, Xildhibaan Cabduqaadir Carabow oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa kulankan qeyb ka ahaa Cali Maxamed GeedI, oo ka mid ah mucaaradka islamarkaana ah Musharax madaxweyne, sidoo kalena hore usoo noqday ra’iisal wasaaraha dalka.

Kulankan ayaa waxa looga wada-hadlay xaalada guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka oo muddooyinkii dambe ay xiisad xoogan ka taagneyd hanaanka doorashada oo lagu tilmaamay mid hal dhinac ah.

Waxa kale oo diirada lagu saaray arrimaha ka taagan deegaanada HirShabeelle, gaar ahaan xiisada ka dhalatay doorashadii uu kusoo baxay madaxweynaha maamulkaas, Cali Guudlaawe.

Kulankan ayaa imanaya xili uu dhawaan madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabeelle uu qeyb ka noqday qorshe ay dowladda federaalka ku rabto doorasho aan loo dhameyn, midaas oo si rasmi ah ugu dhawaaqay ra’iisal wasaaraha dalka.

Xiisada ka taagan hanaanka doorashada dalka ayaa kasii dartay kadib markii dowladda federaalka oo taageero ka helaysa maamulada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ay ku dhawaaqday qabashada doorashada, midaas oo uu muran xoogan ka taagan yahay.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Machadka Heritage oo War cusub kasoo Saaray Xiisada Doorashada iyo Arinta Gedo Iyo Hiiraan
- Jan 19, 2021
Muqdisho ( Kalshaale ) Warbixin uu soo saaray machadka daraasaadka ee Heritage ayaa waxaa ...
Masuuliyiin Caan ah oo lagu diley Qarax ka dhacay Duleedka Muqdisho
- Jan 19, 2021
Muqdisho ( Kalshaale ) Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Deegaanka Garaslaabey ee Duleedka ...
Duqaymihii ugu saamaynta Badnaa ee Maraykanku ka Fuliyey Gudaha Soomaaliya
- Jan 19, 2021
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamada Mareykanka ayaa sanadihii lasoo dhaafay si dadban iyo mid ...
MUUQAAL: Xukuumadda Somalia “Ma jiro Ciidan Soomaaliyeed oo ka dagaalamay Gobolka Tigreega”
- Jan 19, 2021
Muqdisho ( Kalshaale ) Xukuumadda ayaa si adag u beenisay warar been abuur ah ...
Daawo : Shaqo-gelinta Xarunta Nukliyeerka ee dalka Turkiga iyo Qorshaha Cusub
- Jan 19, 2021
London ( Kalshaale ) Shaqo-gelinta Xarunta Nukliyeerka ee dalka Turkiga iyo Qorshaha Cusub