|

DAAWO: Xaflad imaaraadku ku Qabtay Berbera oo Faysal Waraabe iyo Xubno kale isugu Jawaabeen

Hargeisa  ( kalshaale ) Faysal Cali Waraabe oo hadal ka Jeediyey Xaflad ay Dawladda Imaaraadka Carabtu ku wareejisay Musharuuca  Korontada Qoraxda looga dhaliyo ee Sollarka,  oo ka Qabsoontay magaalada Berbera.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Faysal Wuxuu sheegay inaan loo baahnayn in shirkad shacab leeyahay aan Gacanta loo gelin Mashruucan,  Wuxuuna tilmaamay inuu Heshiiska lagu dhisay arintani uu la socday Heshiiskii lagu wareejiyey  garoonka Berbera ee Saldhiga Imaaraadku ka dhigtay.

“Ma ahayn in Ganacsato gacanta loo geliyo Mashruucan, Shirkadaha Somaliland waa Dhiig-miirato, Wax sharci ah oo shacabka ilaaliya ma jiro, Waxaa Mashruucan loo sameeyay inuu Berbera Anfaco oo Wershado laga sameeyo, oo aan laga Xagaa bixin”. Ayuu yidhi Faysal Waraabe.

Dhinaca kale Faysal cali waraabe wuxuu dhaliilo  u jeediyey   Wasiiro iyo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland.

Balse Masuuliyiinta oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa Jawaab kulul ka bixiyey Hadalka kasoo yeedhay Faysal Cali Waraabe, iyagoo tilmaamay inaanu ahayn nin wax og.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=38415

Posted by on Jan 12 2021. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “DAAWO: Xaflad imaaraadku ku Qabtay Berbera oo Faysal Waraabe iyo Xubno kale isugu Jawaabeen”

  1. Horta Reer Waqooyigu Samir yaraa, kama ilbaxaan ineysan isugu jawaabin Xafladaha waliba Martidu joogto.

    Feysal qalad ma sheegin labo qodob oo sharci ah ayuu sheegay.

    Partnership project
    Or

    Regulatory reform

    Wasiirkiina wuxuu leeyahey
    Feysal waxba kama oga
    Hadana wuxuu leeyahey Dowladda iyo shirkada ayaa Partners ku ah
    Isla Daqiiqad kadib wuxuu dhahey, haddaan shirko ka dhigeynaa.

    ASAGAAN WAX OGEYN wasiirku EE
    Feysal waa Real Somalilander

  2. IMAAM DABSHID

    waar saaxiib intaanu ku kala badbaadnayba waa intaa chance kale lama helo oo mucaaradku dawlada ceebtaada ku sheegaan .

    maxay yidhaahdeen siyaad bare isaaqa af kuu hayey oo hadlinuu lahaa
    hawiyana ibtuu hayey oo lahaa dumarka hakufsanina

    markuu dhacay siyaad bare isaaqna hadal baa laga soo taagay
    hawiyana al miidaan waasac hablihii bay kufsadeen

    kaftan.com

  3. Kaahin

    Kkkk

    Daaroodna sharaftooduu hayey

    Generals saf kula jiro GAAWEETO

  4. IMAAM DABSHID

    Waxaan daawaday genaral galaal oo taariikh ka sheekaynaya oo odaygu waaba die hard

  5. Ujeedada xaflada loo qabtay kalshaale.ca waa ka khajilay inuu sheego.kkk Anaa idiin sheegaya:

    Xaflada waxaa loo qabtay shirkada Dubai Ports World oo qayb ka mida heshiiskii Somaliland lagashay fulisay. Waxaa Dubai Ports World dhamaystirtay mashruuca Tamarta Cadceeda ee magaalada Ber Bera. Maansha allaah. Shacabka & shirkadaha ganacsiga ah ee Ber Bera waxay helayaan laydh rabaaniya oo ka jaban kana nadiifsan korantadii mashiinada caba naaftada hawada sumaysa soo saari jireen.

    I am proud to be a Somalilander.

  6. Mujaahid Kaahin

    Salaan gobeed iga gudoon inaadeer.

  7. ASC dhamaantiin.
    Hierchy of needs by Maslow ee baahida sida eey u kala sarsareeyso waxeey leedahay dadku baahidiisa waa kala horreeyaan, oo waxaa uGu horreeya amni, hoy amaba gurri, cunto, dhar iyo labbo kale. Waxaana dhici karta xataa in lixdaas baahi maahanee, uu bani’aadamka waddo in uu daboolo baahidiisa ilaa uu ka gaaro Meesha uGu sareeyso oo uusan waxba u baahneeyn. Waxyaabahaasna waxaa aasaas u ah nidaam, sharci iyo kala dambeeyn oo ah dowladnimo.

    Now, Isaaqu waligiis dowlad gooni ah ma noqonayo, laakiin si reer ahaan waa is abaabuleen. Nidaamkooda qabiilka perfect maahan, laakiin wuu dhaama waxa kasocda Koonfurta Somaliya ee daanyeernimada ah.

    Waxuu Faysal Waraabe ka hadlaya waa wax soo socda, waana halgan iyo jid dheer oo sugaya Somali oo dhan. Sida ganacsiga goonida loo leeyahay, eexda, qabyaalada oo lagu dhex waddo dowladnimada. Sida aan ujeedo 100 sanno xataa weey ka badnaan in eey soo gaaraan Somalida Meesha eey joogaan wadamadda Mareeykanka iyo Yurub oo copy gareeyay Mareeykanka marka laga hadlaya “social contract”. Inta ka horeeysa aqoonsigii waxuu soo marayaa Timbaktu lols. Marqaanka ma fiicna, realism ayaa loo baahanyahay.

    Xaflad ayeey Imaaraadka carabta ku qabteen Berbera kulahaa.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  8. Genaral laalays

    raali ahoow waan kaala soo habsaamay salaan qaaliya anoo isla soo dir ayaa mar walba zoom iyo hawl shaqo isoo gashaa,

    salaan qaaliya gudoon,

    xalay waxaan arkayey adoo cashar siinaya ogoontii kacaanka oo ay isu habar wacdeen laakiin waan ogaa inaad ku filayd
    thats why aan dusha uga daawanayey,

    inagu marka laba nin wada hadlayaan hiil uma soo galo because we can talk the talk and walk the walk

  9. IMAAM DABSHID

    Saaxiib anigu london ayaan deganahay waxaan meeshan ka yara akhriyey qaar leh dabshid waar reer london ma dhabaa?

    hadaad london degan tahay
    it will be a pleasure to meet you in person,

  10. Dawlad iyo aqoonsi ayaa la filayay.talo waxa maraysaa emaaraat ayaa dikadii qaaatay anagana waxay noo dhiseen solad systeme yar oo ku filayn xaafad yat berbera ku taala kkkkk
    Xataa lama sheegin inta wat ee uu awood ahaan yshay.

    Warshadii Corantada berbera ayuu qayb ka noqonayaa kkkkkk
    Waar lacadta dikada ka soo baxda 1 maalin ma dhana waxan dadka lagu sixrayaa.

    Aniga runta iigu imo

Leave a Reply to Kaahin

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented