Maraykanka : Rabshado ka dhaca Caleema saarka Madaxwayne Biden oo laga digay
Muqdisho ( Kalshaale ) FBI-da Mareykanka ayaa ka digtay suurtogalnimada ah in dibadbaxyo hubeysan ay ka dhacaan Mareykanka maalmo kahor intaan Joe Biden loo dhaarin madaxweyne.
Waxaa jira warar sheegaya kooxo hubeysan oo qorsheynaya inay isku urursadaan dhammaan caasimadaha 50-ka gobol ee Mareykanka iyo magaalada Washington DC kahor caleema saarka 20-ka January, Cabsida ayaa timid iyadoo ay ciidamadu adkeeyeen sugitaanka ammaanka.
Maalintii shalay ahayd, Mr Biden ayaa weriyeyaasha u sheegay inuusan ka cabsi qabin in lagu dhaariyo meel ka baxsan dhismaha Capitol.
Isaga iyo madaxweyne ku xigeenka la doortay Kamala Harris ayaa weli la filayaa in lagu dhaariyo meel ka baxsan dhismaha, iyadoo ay labo toddobaad uun ka soo wareegayaan weerarkii ay dadka ku dhinteen ee taageerayaasha Madaxweyne Donald Trump ay ku qaadeen dhismahaas.
Saraakiisha ammaanka ayaa waxaa ka go’an inaysan soo laaban wixii dhacay 6-dii bishan – markii kumannaan taageerayaal u ah Trump ay u dhaceen dhismaha Kongareeska Mareykanka oo ay ka socotay cod loo qaadayay natiijada doorashadii madaxtinnimada.
Chad Wolf oo ah sii hayaha madaxa waaxda ammaanka gudaha ayaa shalay sheegay inuu amray waaxda sirdoonka inay berri howlgallo gaar ah ka fuliyaan goobta, lix maalmood kahor caleema saarka.
Saraakiisha ayaa sheegay in ilaa 15,000 oo ciidamada Ilaalada Qaranka ah la geyn doono xarunta.
Gelinkii dambe ee shalay, Mr Wolf ayaa noqday qofkii saddexaad ee maamulka Trump ka tirsan ee xilka iska casila tan iyo weerarkii Capitol, kaddib Betsy DeVos iyo Elaine Chao.
Iscasilaadda Mr Wolf ayaa culeys ku keentay waaxdiisa iyadoo ay ciidamadu isku dayayaan inay sugaan ammaanka caleema saarka Biden.

<