Mahdi Guuleed ” Farmaajo Aqalka Cad loogama saari karo in Daaqada laga soo galo”
Garoowe ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hadal ka jeediyay Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage oo galabta ka furmay magaalada Garowe ayaa ka hadlay seddax qodob oo kala ah dastuurka dalka, federaalka iyo arrimaha doorashooyinka.
Mahdi Guuleed ayaa ugu horeyn sheegay in dastuurka KMG ah uu yahay hagaha aas-aasiga ee jiritaanka iyo kala dambeynta sharciyadda dalka, isla markaana uu yahay heshiis wax wada ogol ku saleysan muhiimna ay tahay in loo qalab qaato dhameystirkiisa.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalku ay dhankooda diyaar u yihiin dhaqan gelinta heshiiskii laga gaaray doorashada dalka.
“Heshiisyadii aan wada galnay ku dhaqankooda iyo toos-toosintooda waa wax inoo wada yaalla. Xaalku hadda waxa uu marayaa ‘Ninkaa guriga cad degan ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo niman odayaal ah oo leh war xiligii waa kaa dhamaadee meesha ka soo bax’ yaa u gar-naqi doona?” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.
Isagoo sii gadlayey ayuu yiri, “Si looga baxo guriga cad, inaan ka heshiino soo maaha? Guriga cad sidii loogu sii jiri lahaa, inaan ka heshiino soo maaha? Soo xalku kuma jiro in albaabka laga galo, oo aan daaqadda laga soo gelin?”
Mahdi Guuleed ayaa u mahad celiyey xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka oo shalay ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2021-ka.
“Miisaaniyadaas waxaa ku jirtay tan doorashada, taasina waxay idin tuseysaa, sida dowladda federaalka ay uga go’antahay inay doorashadu dhacdo, xiligeedana ay ku dhacdo” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed.
Mar uu ka hadlayay arimaha federaalka waxa uu tilmaamay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya ay qaadatay uu yahay mid ku saleysan isku soo dumidda shanta maamul goboleed, caasimadda iyo Somaliland, si buu yiri ay dalka uga hir gasho dowladnimo dhameystiran.
“Tan iyo lixdankii waxaa dadka Soomaaliyeed maankooda ku qunfulnaa dowlad Soomaaliyeed oo xoog badan oo Wajeer iyo Wardheer u heeseysa, marka nooca federaalka ee aan qaadaneyno waxa uu u baahanyahay inaan abla-ableyno, si dowladnimadeenu ay u saldhigto” ayuu yiri Mahdi Guuleed.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=37854
Ninkaan waa afmiishaar hadaladiisa waxay leeyihiin soo jiidasho. mahdi guuleed waa wadani asal ah
Gedo Land
KKK
waxaad dhahdaa wuxuu rabaa in marlabaad nala Qixiyo.
Xitaa Xassan Daahir UGUS oo nin ka macangagsan uusan Hawiye ku jirin, ayaa la yaabey Madax adeyga Mareexan xitaa haddii la sharfey.
Waa in lagu soo oogo dambiyadii loo hilmaamey.
gedo land
saaxiib afmiishaarnimada shaqadiisa ayuu ku ilaashanayaa believe me shaqadu markay ka dhamaato sidii kuwii hore ayuu waydiisan cafis jamuuriyada barakaysan oo uu odhan waan khaldamay
Dabshid
Danbiyo hadii laysku soo oogayo yaa kadanbi badan reerkaad kadhalay
I don’t want to speak for Dabshid, laakiin 1.afweyne oo south african mercenaries ama calooshood ushaqaystayaal gaala cadaana usoo kiraystay kuna xasuuqeen dad farabadan hargeisa 1988 isagoo umadaa lahaa madaxweyne ayaan u ahay. 2.Gaani oo konton konton shacab masaakiin ah intuu isugu xidhxidho kulayn jiray hargeisa, burco, berbera etc. 3.General Ahmed Warsame oo hargeisa burburiyay madaafiicna ladhacay kumanaana laayey 1988kii. 3. colonel Kurtun oo boqolaal shacab ah ku xasuuqay ceelafweyn iyo gobolka sanaag. iyo qaar kaloo badan Gobolka Gedo ayay kasoo jeedeen. Just for your information.