|

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Meel-mariyey Sharciyo Caalami ah

Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaanada golaha shcabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga oo ka dhacay magaalada Muqdisho ku ansixiyey heshiisyo caalami ah, kaasi oo mudaneyaasha goluhu cod aqlabiyad ah ugu codeeyeen.

Kulankan oo uu shir gudoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka, Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxa uu ajendihiisu ahaa, akhrinta 1-aad ee saddexda heshiis ee kala ah; Qaramada Madoobay, Midowga Afrika iyo Carabta ee la dagaalanka iyo ka hortagga Musuq-maasuqa iyo weliba akhrinta 2-aad ee Hay’addaha aan Dawliga Ahayn (NGO) iyo akhrinta 3-aad Hindise Sharciyeedka Qaxootiga.

Mudaneyaasha golaha shacabka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiiska Qaramada Midoobey, kaasi oo ay u codeeyeen 146 mudane, halka uusan jirin wax diiday ama ka aamusay codeyntaasi.

Sidoo kale xildhibaanada golaha ayaa meel-mariyay heshiisyada Midowga Afirka iyo Carabta ee la dagaalanka & ka hortaga musuq-maasuq, kaasi oo ay u codeeyen 145 mudane, waxaana diiday labo mudane, halka uu hal mudane ka aamusay.

Golaha ayaa waxa kale oo uu dib u dhigay akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adaha Aan Dowliga ahayn ee (NOGO-ska), halka uu akhrinta labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Qaxootiga.

Wasiirka cadaalada iyo arrimaha Garsoorka, C/qaadir Maxamd Nuur oo goobjoog ka ahaa kulankaas ayaa waxa uu mudaneyaasha golaha uga mahad-celiyay ansixinta ay maanta sameeyen.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=37839

Posted by on Dec 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented