|

IIRAAN oo Hanjabaad Culus u dirtay Imaaraadka iyo War Lama Filaan ah oo Xukuumadda Dubai kasoo yeedhay

Muqdisho ( Kalshaale ) Dawladda IIRAAN ayaa “si toos ah” ula xidhiidhtay dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed toddobaadkii tegay, uguna hanjabtay weerar culus oo jawaab u ah weerar kasta oo Mareykanka ay ku qaadaan Tehran, waxaa sidaas weriyey Middle East Eye.

IIRAAN ayaa heegan culus ku jira kadib dilkii Jimcihii loo gaystay sanyisyahankii ugu sarreeyey nukliyeerka dalkaas Mohsen Fakhrizadeh.

Inkasta oo sirdoonka Israel ay si qarsoodi ah ugu sheegteen dilkan xidhiidh ay la sameeyeen wargeyska New York Times, haddana Iran ayaa sidoo kale rumeysan in laga yaabo in madaxweynaha xilka ka degaya ee Mareykanka Donald Trump uu ku qaadi karo weerar ku ciil bax ah ka hor 20-ka Janaayo.

“Mohammed bin Zayed waxa uu hanjabaad toos ah ka helay Iran. Cidna looma soo marin, Waxaana la sheegay inay iiraan ku tidhi Mohammed bin Zayed “Adiga ayaa mas’uul ka noqon doona khaarijinta Mohsen Fakhrizadeh.”

Imaaraadka Carabta, oo 70km oo dhanka badda Gacanka ah u jirta IIRAAN, ayaa xulufo la ah madaxweyna Trump, waxayna dhowaan xidhiidh rasmi ah la yeelatay Israel.

Dhinaca kale  Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaareysay dilka “xun” ee loo gaystay saynisyahankii sare ee Nukliyeerka ee Iran, kaasi oo Tehran ay ku eedeysay Israel.

“Imaaraadka Carabta waxay cambaareynayaan khaarijinta Mohsen Fakhrizadeh, waxayna ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is xakameyn si looga fogaado in gobolka la geliyo heerar cuusb xasillooni darro ah, iyo halis amni,” Ayaa lagu yidhi Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibedda Imaaraadka oo dilka Fakhrizadeh ku qeexday “dambi aad u fool-xun”.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36533

Posted by on Dec 2 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “IIRAAN oo Hanjabaad Culus u dirtay Imaaraadka iyo War Lama Filaan ah oo Xukuumadda Dubai kasoo yeedhay”

  1. Waalagu dilayaa oo waxaa kuu Tacsi yey naya KUWII kudilay Ama lashaqeeyey wixii kudilay waa Calaamadaha Aduunka kusoo baxay qarnigan WAANA Calaamadaha Guul DARADA Dunida korkeeda IYO markay dhamaato ba Soomalida lafteeda Waaka muuqataa Arinkaas khaasatan4Magalo oo kla ah No( 1)
    Muqdisho No(2) Hargaysa no(2) Kismaanyo (3) IYO GAAL KACAYO ILAAHAY HANAGA BAD BAADIYO FIDNA WADAE YAAL MUNAFAQIIN AH ADUUNKA WAA JOOGAAN MA AHA MARAYKAN IYO YUHUUD OO QUDH AH EE OGOOW GARYAQAAN ALL XAQIIQA

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented