DF Somalia oo ka hadashay Shacabka Gobolka Mudug oo dagaal Qadhaadh la galay Alshabaab
Muqdisho ( Kalshaale ) Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay bogaadineyso shacabka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug, kuwaasi oo dagaal la galay maleeshiyada ururka Alshabaab.
Dagaalka yimid kadib markii maleeshiyada Alshabaab ay markii hore weerareen saldhigga ciidamada dawladda ee degaankaas ku yaalla, kadibna ay galeen magaalada Bacaadweyne.
Balse Dadka degaanka oo is abaabulay ayaa la sheegay inay markaas kadib weerar rogaal celis ah ku qaadeen maleeshiyada Alshabaab, islamarkaana ay gaadhsiiyeen Khasaare Xoogan.
“Guuldarradii shalay lagu gaarsiiyay Alshabaab weerarkii ay ku soo qaadeen Bacaadweyne waxa ay tusaale cad u tahay in haddii shacabku ciidanka garab istaagaan si fudud lagu joojin karo weerarrada iyo dhagarta cadawgu usoo maleego Ummadda Soomaaliyeed,” ayaa yidhi wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe.
Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale sheegtay in Shabaabka laga dilay 51 qof, lagana qabtay lix (6). Balse si madax-banaan looma xaqiijin karo Arintaasi.
Ugu danbayntii Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay caddaaladda horgeyneyso “horjoogayaasha iyo maleeshiyaadkii lagu qabtay dagaalkaasi” si waafaqsan shuruucda dalka.
Kalshaale.com
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36529