|

Doorashadii Aqalka Sare ee Maanta lagu waday Inay Bilaabato , Maxaa ka Cusub ?

Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa dib u dhac uu ku yimid jadwalkii doorashada ee xildhibaanada aqalka sare ee horey loo soo saaray, kadibkii heshiiskii siyaasadeed ee ay dhowaan Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir.

Qorshaha ayaa ahaa in 1 December ee 2020-ka oo maanta ku beegan in ay dowlad goboleedyada dalka ka bilaabato doorashada xildhibaanada cusub ee ka mid noqonaya aqalka sare, balse fashil ayaa ku yimid jadwalkii horey loo shaaciyey, sida uu muuqata.

Illaa iyo hadda ma jirto tallaab loo qaaday dhaqan-gelinta jadwalkaasi oo lagu caddeeyey in doorashada aqalka sare ay dhaceyso 1- da illaa 10-ka bisha December.

Sababta ayaa waxaa lala xiriirinayaa khilaafka ka taagan dhismaha guddiyadda doorashooyinka dalka oo ay walaac ka muujiyeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Sidoo kale arrinta labaad ee dib u dhigtay jadwalkan ayaa ah in aysan weli maamullada Jubbaland iyo Puntland soo magacaabin guddiyadii doorashada ee heer dowlad goboleed, kuwaas oo mas’uul ka ahaa doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka Soomaliya.

Si kastaba dib u dhacaan ayaa saameyn ku yeelanaya doorashada 2020/21, oo horey jadwalkeeda loo soo saaray, waxaana weli jira is-mari waa ka taagaan hannaankeeda.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36494

Posted by on Dec 1 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “Doorashadii Aqalka Sare ee Maanta lagu waday Inay Bilaabato , Maxaa ka Cusub ?”

  1. 4 sano oo Kharash iyo Qabyo ah, waan ka soo kabaneynaa lkn, kursi Kororsi iyo kursi jaceyl WAA WIXII SOOMAALI BADEY ” General GAAWEETO saf kula jiro”.

    * Nimaad Taariikh la rabto, asna rabo Taariikhdii Xumeyd Soo Habaar maahan.

  2. Mentally unstable Farmaajo ninkii ka sugo,
    Waxaan Qabyo iyo Kharash aheyn ayaa ka siilito.

    Nin aqoon waayey ama xasuusan waayey MAGACA SODOHDIIS

    Nin aqoon waayey ama xisaabin waayey inta sano ee laga joogo 1960

    Nin aan isku xijinkarin labo EREY OO ISKU XIRAN OO NUXUR le.

    Maahan inuu sii dhex joogo Villa Xamar,
    Waa in loo kaalmeeyo oo laga furdaamiyo
    Lottery Villa Xamar.

  3. Kkkkkkkkk
    Somali airspace ooo Kenya iska haysato ayuu keenay muqdishokkkkk
    Kuwii hore waxaasi may keeninkkkk

    Maba ay garanayn sida wax loo qoro.

    Waar meesha ceebaa ka dhacday.

    Daayeertii hore wsxay islahaayeen Formaajo lacagta 4 sano ha gurto.
    In wax la xado way ogolyihiin.
    Laakiin wax qabad ayuu u badladay.
    Haatan wayba yaabanyihiin.
    Haracad
    Gorgor
    Shabeeel
    Ciidan ayaa meeshii marayakk
    World Bank iyo waxbas laga sheekaynaa
    Adeerow dadka ka xishooda.

    Dalmida

  4. Dadka qaarkii ma jecla waxa loogu yeero Doorasho waa ay dhibaysaa !

    Hada kahor Doorashadii waqtigii Cabdulaahi Yusuf ayaa waxaa ku xigeenkii Baarlamaanka ku tartamay Dr Mawliid Macaane iyo Gaani ….!!!!

    Waxaa guushii raacday Dr Mawliid Macaane arinkaa Jaale Gaani waa uu liqi waayey intuu xanaaqay buu Baar Qamri ah ee Nairobi ku yaala tagay ayuu say tahay u dhamay Qamri subuxii markii la damcay in lasoo rogana waaba ka haaday !!

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented