|

Ciidamada Ammaanka ee Somalia oo Toogasho ku dilay Nin Qarax (Miino) ku Aasayey Muqdisho

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa xalay saq-dhexe toogasho ku dilay nin la sheegay inuu miino ka aasayey xaafadda Nation-ka oo ka tirsan degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in ninkaasi xilliga la tooganayey uu gacanta ku watay miino, islamarkaana uu damacsanaa inuu ku aaso Waaxda Horseed ee degmadaasi.

Zeynab Xaabsey oo ah guddoomiyaha maamulka degmada Warta Nabadda ayaa faah faahin ka bixisay, sida uu u dhacay howl-galkaasi, waxaana ay sheegtay in ciidamadu ay ka hortageen in la aaso qaraxaasi, si loogu waxyeelo dadka shacabka ah.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay u mahad-celineyso ciidamada fuliyey howl-galkaasi iyo dadkii shacabka ahaa ee la soo wadaagay xogta ama la shaqeeyey.

Qaraxyada nooca miinada ah oo geysta waxyeelo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba ciidamada dowladda ayaa dhankooda xoojiyey howl-gallada lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee caasimada oo marti-gelin doonto doorashada soo socota ee 20/21.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36488

Posted by on Dec 1 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented