Dhegayso: Wasiirka Cusub ee Arimaha dibadda Somalia oo Waraysi uga hadlay Xiisada Kenya iyo Xaalada Itoobiya
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u yeedhatey safiirkeedii Kenya shaley iyadoo sidoo kalena u dirtey safiirka Kenya wadatashi.
HALKAN Dhegayso WARAYSI
Dowlada federaalka ayaa ku eedeysey dowlada Kenya in ay faragelin ku heyso Arrimaha Soomaaliya iyo doorashada, ayada oo u adeegsaneysa, sida ay hadalka u dhigtay, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
Dhinaca kalena, dawladda Kenya ayaa galabta soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegayso inaysan wax wargelin oo rasmi ah ka helin dawladda Soomaaliya, oo ku saabsan in safiirkeeda Lucas Tumbo uu ka baxo magaalada Muqdisho.
Kenya waxay ku sheegtay war-saxaafadeedka inay ka xuntahay go’aanka ay qaadatay dawladda Soomaaliya, ayna Kenya ay ixtiraamayso mabaadii’da caalamiga ah ee aaya-ka-tashiga ah, madaxbannaanida dhuleed iyo tan siyaasadeed ee waddan kasta gaar ahaan waddamada Afrika.
Wariyaha Idaacadda VOA Falastiin Axmed Iiman ayaa haddaba wasiirka cusub ee Arrimaha dibada iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ka wareysatey xidhiidhka Kenya iyo dagaallada Ethiopia, ugu horeyna waxa ay weydiisey sababta Soomaaliya ay safiirkii Kenya dalkiisa ugu celisay, Danjirihii Soomaaliyana ugu yeedheen Muqdisho.
HALKAN KA DHEGAYSO WARAYSIGA WASIIRKA
Mar wax laga waydiiyey dagaalka Itoobiya ayuu sheegay inaysan Jirin Aragti ay Soomaaliya ka Qabi karto Arimo u gaar ah dal kale, Wuxuuna sheegay inaysan jirin Ciidamo Soomaali ah oo arintaasi ku lug leh.
Kalshaale.com

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36479
Kan ma wuxuu la dhashey GOVERNOR DENI
Real Zansibaar iga dheh
Waddannimo mise Waldaadac-nimo?
(1) Kenya oo saddex (3) sano iyo toban (10) billood aan la ceyrin safiirkeeda intaas na faragalinta nagu heysay haddii aan la kala dhimman oo aan la ceyrin, markii 2 billood muddo xilleedkii ka hartay la rabo in lagu dhibco raadsado, taas WADDANINIMO miyaa mise WALDAADAC NIMO?
(2) Waa tan hadda la leeyahay Kenya waxay taageertay Axmad Madoobe, ma taasaa wax cusub ah sow tii iyadoo hawadu xiran tahay Guddomiyaheeda Aqlabadiyada Baarlamaanku Aden Duale (Barre Uunsi) iyo madaxdeeda Sirdoonku diyaaradda ku imaanayeen oo ay weliba Uunsiga islaantu ku gubatay noogu maah maahay? Haddii ay qiirada ceyrintu naga dhab tahay, maxaa markaas Kenya safiirkeeda loo ceyrin waayay?
(3) Haddiiba “farogalintaas” la ogsoon yahay, si mabda’iyan ahna looga soo horjeeday, maxaa markii leysku jilba murxay kaddib loogu aqoonsaday Axmed Madoobe Madaxweyne nimadiisi wakhtiga iyo qarashka badan ku baxay sidii looga hortagi lahaa?
(4) Maxaa Kenya, safiirkeeda loo ceyrin waayay intii ay darbiga dheer ka dhiseysay xuduud beenaadka?
(5) Sidoo kale markii ay Beledxaawo ciidamadeedu shacabka Soomaaliyeed ku leynayeen, ileyn sadexdaas sano iyo tobankaas billoodba waa wadeen’e loo ceyrin waayay?
Tan iyo qiyaamaha ma qiira jabaan ayaan isku maaweelinaysaan? Saaxiibayaal wuxuba waa arrimo ka kacay hunguri weynaaday iyo damac siyaasad waali ah ee gaariga ha ka dhicina!
Aadan uunsi ayaa quustay.
ASC dhamaantiin,
Dabshid iyo Garqaad salaama.
Garqaad qodobadda aad kor ku qortay oo dhan waa run. Waxa hadeer Kenya aa cadow ah loo dhahaya waa sidii daanyeer Farmaajo u dhahayay Ethopia ayaa cadow ah 2016 oo kale.
Ma heeysaa daanyeerro kale oo Hawiya ah oo qiira jabaanka Farmaajo rumeeya oo dhaha “aryaa Farmaajo ii geeya”. Aaway daanyeero Cabdirahmaan Cabdishakuur, Ahmed Macallin Fiqi iyo Shiiq Shariif? Kuwaas ayaa mas’uul ka ah daanyeer Farmaajo iyo midgaan Fahad Yaasiin in eey dowladnimada Somaliya ku tagrifalaan. Daanyeero.
Dalmida
God bless Somalia 🇸🇴
Cadaado sariira qaadkii baa laguu qaatey as known as NIIKO SALEEMAAN kkkkk.
Hadduu Fahad Yaasin noqdo midgaan, Dabshid Xaarshid isna waa midgaan. labaduba Shiikhaal as known Shaqaale ayeey sheegtaan
Midgaan baa yaabay
Adinku Somaliga ayaad Cadow u aragtaan cadowgana Walaal ayaad u aragtaan.
Formaajo cawga somaliyeed ayuu maalinba mid ku dhaqaaqayaa.
Halkaa ayaad ku kala duwantihiin.
Adinku somalida ayaad bililiqayastaan Formaajo cadowga ayuu eryadaa.
Waxaad leedihiin muxuu formaajo Kenya iyo Ethiopia Cadow ugu sheegayaa kkkkk
Dee yaaca oo oohin qabsada kkk
Cakuye mooryaan hawiye damiir xumaa.
Aniga rental iigu imo.
Kenya oo ay ku nool yihiin qaxooti badan oo Soomaaliyeed ayaa waxaan la garaneyn halka arrintan ay ku dambeyn doonto.?
——————————————-
1)Farmaajo/ HEESTII HIBO NUURA.
RUUXA GALA ABAAL MAR BAA LOO GUDA.
KENYA ABAAL BEYNU U HEYNAA OGOOW
2)DAGAALKII SOKEEYE 90″(XILLIGII
QAXOOTIGA?
VIVA KENYA
VIVA NAYROOBI
VIVA KUKUYO
VIVA UHURO KENYATTA