|

Kenya oo si yaab leh uga hadashay Go’aankii DF Somalia ay ku Caydhisay Safiirka Kenya

Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Kenya ayaa shaacisay in aanay ka helin warqad rasmi ah oo ku saabsan codsiga dowladda Soomaaliya u dirtay in Safiirka Kenya Lucas Tumbo inuu ka tago Muqdisho, una yeeratay Safiirkeedii Nairobi u joogay Amb. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

War saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu sheegay inay ka xun tahay go’aanka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay inay ixtiraameyso madax bannaanida dhuleed, midnimo iyo madax banaanida siyaasadeed ee wadamada oo dhan.

Kenya ayaa sheegtay inay sii wadeyso taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed ee la xidhiidha xasilloonida iyo nabadgelyada.

Dawladda Soomaaliya ayaa xalay go’aan kasoo baxay waxay ku sheegtay inay  u yeedhay Safiirkii u joogay Nairobi, Waxaa sidoo kale Safiirka Kenya ee Soomaaliya lagu Armay inuu dalkiisa Wadatashi ugu noqdo, iyadoona ku eedaysay Kenya inay Faragelin ku hayso Arimaha Gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland.

Kalshaale.com

Halkan hoose ka Akhriso Qoraal kasoo baxay Kenya.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36476

Posted by on Nov 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Kenya oo si yaab leh uga hadashay Go’aankii DF Somalia ay ku Caydhisay Safiirka Kenya”

  1. farmaajo waa fule, muxuu 2 sano ka hor xiriir ugu jari waayay Kenya markay bahdileen? Iyadoo la bahdilay ayaa hadana Abey dhabta intuu saartay ka rogay Nairobi.kkk kkk kkk

    Ta kale dacwadii bada ayuu uga tanaasulay, maanta oo laba bil u hadhay-na kulha xadhigaan u jaray? Ma caruur buu ku maaweeliyaa Villada?

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. Xoolahan laalays sita maxaa adiga ka galay somaliya iyo kenya iyo xidhiidh la isku jaro jaahil yohow qabiilka madaxa ka qaadY ku ekoow gobalda waqooyi aad xooga ku haysato sida tigreega loo galay walee waa la idinka xoreen sool iyo sanaag iyo awdal waxad rabtaa in aan la helin somalia oo xooga oo dagan idinka qaska somaliya ka faaiidaysten oo dowlad is moodeen waqooyi waa somalia hadii cidi gobol xoog ku haysan laheed tigree oo hubkii iyo xolahii itoobia dhacay baa xoog ku haysan lahaa waa la idin soo socdaa ilaahow farmaajo noo soo celi ina biixi iyo idoor edebta ha baree ha baree

  3. Hodon kaqalay ninkan lalays waa h/awal aduun waa kow kaniisad wayn ayaa loo furay cooper ayaa lacasumey schoolna dirtay porno company ayaa laga furay hargeysa kama sheekaynkaro waxa ka socda (hilaacii xalay kii horoo taygey iskuma heshid midiun ku hagag

  4. Laaleys
    ma waxad ku caayeysan
    runta uu sheegay
    horta maxad uga gubatan runta waadinka dhalalaya oo caay lasoo yaacaya marki runta idin damaqde

  5. Hodan iyo akhyaarta kale

    Asa

    Laalays runtaad u sheegteen ee dhegahii weelayn lahaa meeyay. Naca uu Soomaaliya u qabo waa mid caqliga saxda ah ka fog.

    Weligeey ma taageerin Farmaajo iyo kooxaha ka horjeeda laakiin woqooyiga Soomaaliya waxa ka socda in la soo af jaro sida tigreega waa lagama maarmaan.

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  6. guulwadaynta agoonta kacaankii saqiiray ee qarnigii labaatanaad waa soo noolaynta in marlabaad laga hurgufo caasiamada dawlada aan deriska nahay ee zoomaliya,

    waa wax lagu qoslo marka ay isku dhereriyaan dawlada ethiopia ee dagaalka la gashay tigray,somali waxay magac iyo sharaf lahaan lahaydba waxaa go madaw ku soo aasay kaligii taliyihii qarnigii ina dhaafay waxase hada xasuustaa soo nooleeyey madaxwaynha kediska ku yimid ee maganta u ah ciidamada shisheeye,
    wadan uu xukumo iska daaye magaalada xamar ayaanuu xukumin waxa kaloo sii qaawisay madaxwaynaha magac u yaalka ah dawlad goboleedka buffer zone ka u ah kenya markii uu yidhi ma aqoonsani ceebtii ka raacday puntland ayaa aad ugu istareexday,,

    intaadan riyoon seexashaa ka horaysa

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented