Puntland oo joojisay in Dekedda Bosaso lagu Qaado Lacagta Shilin Soomaaliga ah
Muqdisho ( Kalshaale ) Iyadoo Muddooyinkii dambe Bulshada ku nool Deegaanadda Puntland ay siwayn uga Cabanayeen Sicir Barar dhinaca Dhaqaalaha ah, Islamarkaana uu Sarifka Lacagta Dollarka ah gaadhay Halkaasi ugu saraysay, ayaa maanta go’aan kasoo baxay Xukuumadda Puntland waxay ku sheegtay inay Joojisay in dekedda Boosaaso lagu Cashuuro waxyaabaha kasoo dega Lacagta Shilin Soomaaliga ah.
“Dawladdii ayaa dhiiri gelinaysa Doollarka, Sidee ayay marka Rabaan inay Sicir bararka Dalka loo joojiyo haddii la qiimo tirayo lacagtii Dalka , waa la yaab, Soomaaliya waa loo soo shaqa tagay ee Allahow masaakiinta iyo danyarta taageer.” Ayuu yidhi Xasan Xidig oo ah Muwaadin Aragti ka dhiibtay Go’aanka kasoo baxay Puntland.
WAR-SAXAAFEED PUNTLAND KASOO BAXAY.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi oo tixraacaya talo-bixinta Guddiga dowladdu u xilsaartay sicir-bararka ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda Puntland in aan kastamka Dekedda Boosaaso, cashuurta Dowladda lagu qaadikarin lacagta shillin Soomaaliga.
Ku: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
Og: Xisaabiyaha Guud Ee Dowladda Puntland
Og: Hanti Dhowrka Guud Ee Dowladda Puntland
Og: Bangiga Dowladda Puntland
Ujeeddo: Joojin Qabashada Shillin Soomaaliga ee cashuurta Kastamka Dekedda Boosaaso.
Iyadoo laga duulayo talo bixinta Guddiga Dowladdu u xilsaartay sicir-bararka. Laga billaabo 1-da December 2020, waxaa la joojiyey in aan kastamka Dekedda Boosaaso, canshuurta Dowladda lagu qaadi-karin lacagta Shillin Soomaaliga.
Fulin wacan
Siciid Cabdullaahi Deni , Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36474
Jamhuuriyada Puntland miyay Villada ka goosanaysaa? Mise Deni baa raba inuu dolar keliya aruursado?🤣🤣🤣
waar walaweyneey, xildhibaan-kii ina Subagoow, Geedoow, Dhuxuloow, Ceeloow, Calasoow 24 markuu jeelka liin dhanaan ku cabay waano idiin soo mastaafuri-nee mar danbe hanoo soo dirina canaasiirtan oo kale hadaa ilaahay taqaanaan. Hadii kale waa xabsi daa,in Madheera ah.kkk kkk kkk
Nidaamka canshuuraha dalka puntland waxuu asaasi uu yahay nidaamka nabadgalida iyo daryeelka dalka. Ayadoo canshuurta heleeyso ayee dowlada puntland dadka dhan wada siin karta fursad waxbarasho iyo nolol fiican.
—————————————–
1)Port charges are the fees that shipping operators and their customers pay to port authorities for the use of the port’s facilities and services.
—————————————–
Goods dues-(Canshuuraha- Badeecagaha)?
Everyone knows that corruption undermines honest business. It also damages a
country’s economic and social development.