|

Kulankii Baarlamaanka Puntland oo Rabshado ka dhaceen & Xildhibaano Weerar ku Qaaday Gudoomiyaha !

Garoowe  ( Kalshaale ) Fadhigii barlamaanka Puntland ee maanta ayaa Xidhmay, Kadib markii uu buuq hadheeyey ,  Waxaana War kasoo baxay Gudoonka  barlamaanka lagu sheegay inuu fadhiga hakiyey ka dib markii 5xildhibaan is hor taageen habsami u socodkii shaqadii golaha.

Dhinaca kale  Xildhibaano ka tirsan barlamaanka Puntland oo Garoowe shirjaarid ku qabtay ayaa Gudoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdirashid Yusuf Jibriil ku eedeyey in uu afduubay habsami u socodka xarunta golaha wakiilada Puntland isla markaana uu mudanayaasha barlamaanka u adeegsaday ciidankiisa gaarka ah si uu ugu caburiyo.

 Waxay ugu baaqeen in uu iscasilo inta aysan xilka ka qaadin iyagoo tilmaamay in iska hor keenay barlamaanka oo uu kala qaybiyey waxay ku eedeeyeen in ka been sheego fadhiyada golaha oo sida uu doonayo u dhigto iyadoo la sheego tiro aan soo xaadirin fadhiyad barlamaanka.

“Gudoomiyaha barlamaanku wuxuu amray in ilaaladiisu gudaha hoolka soo galaan si ay Gacan ka hadal ugu sameeyaan xildhibaanadii tabashada qabay hadii aan fowdo rabno ma codsaneen in hoos aan u wada hadalno oo saxaafada banaanka loo saaro, Gudoomiyaha ayaa ka shaqeeyey in golaha ceebtiisu banaanka u soo baxdo , Xukuumad waxaan ka codsanaynaa in ay Golaha amaankiida Sugto” Ayuu yidhi Xildhibaan Baduugaaye.

Xildhibaanada Warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa  Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayey ugu baaqay inuu sugo amniga xarunta golaha wakiilada oo tilmaameen in ciidamo gaar ah oo tiro badan uu keensaday Gudoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Xarunta Baarlamaanka Puntland waxaa horay uga dhacay Weerar dhiig ku daatay oo lagu Qaaday Gudomiyihii Hore ee Baarlamaanka Cabdixakiin Dhoobadaareed, kadib markii uu Khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Madaxwyane Deni.

Xildhibaano markii dambe warbaahinta gaar ula hadlay

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36468

Posted by on Nov 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “Kulankii Baarlamaanka Puntland oo Rabshado ka dhaceen & Xildhibaano Weerar ku Qaaday Gudoomiyaha !”

  1. Jeeb-dhibaanada garoowe waxay dagaalamaan mar kasta oo hogaamiyaha maamulkaas ka soo laabto imaaraadka. Hada ka hor dawlad ku sheegtii cabdiweli gaas baarlamaankaasi wuxuu kala diray golihii wasiirada oo dhan kadib markii loo diiday in loo sheego lacagtii imaaraadku ku bixiyeen dekada. Hadana waxa taagan tii oo kale
    Waxaa fiican in jeeb-dhibaanada si fiican loola dhaqmo oo xoogaa loo tuuro waayo waa dad masaakiin ah oo aan dhib lahayn oo wax kasta kuu sameynaya. Hada ka horna sida xoolaha ayaa lasoo dareeriyey oo lagu yiri cabdirashiid doorta iyadoo habeenkii oo dhan hal meel lagu ilaalinayey, waa dad saas ah oo wax kasta ogol ee xoogaaga imaaraadka yaan lala dhaafin. Dukaank budhlaan cayaarta halaga daayo

  2. Qaswadayaal dheeri ku ah baarlamaanka ayaa jira.Raggaas maalmaha soo socda meel baa la saarayaa

  3. Beel horjoogayaasha Ay soo doorteen oday dhaqameedyadda dhaqanlaawayaasha ah ee laaluushka qaata waa inay madaxdoodu siisaa xisaabtii imaaraadku ku bixiyeen

    Burburinta qarankooda iyo dulaynta caroortooda.. Haddii DANI uusan sidaa yeelin wey is gowracayaan isaguna ku wax la,

  4. ASC

    Oday JEEB-DHIBAANADA WAA ERAY KU HABOON, ereybixin uga sii fiicana bal u raadi. Ummad dhan oo laaluush Ku heshiisay!!!

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented