Xaalad adag oo laga soo sheegayo Itoobiya oo Dagaalo Qadhaadh ay ka dhaceen
Hargeisa ( Kalshaale ) Cisbitaalka weyn ee caasimadda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya waxaa gabaabsi ku ah dawada, xilli lagu dabiibayo dadkii ku soo dhaawacmay dagaalka Waqooyiga itoobiya ka socda, sida ay sheegtay hay`adda Laanqeyrta Cas.
Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada federaalka ay la wareegeen magaalada Makelle ee Xarunta u ahayd Maamulka Tigreega.
Wuxuu ku tilmaamay inuu yahay “wejigii ugu dambeeyay” ee dagaal socday muddo saddex toddobaad ah oo ay ciidamada federaalka la galeen kuwa gobolka Tigray.
Balse hoggaamiyaha TPLF ayaa wacad ku maray inay dagaallami doonaan, sida laga xigtay wakaaladda wararka Reuters.
Warar aad u kooban ayaa ka soo baxaysay Gobolka Tigreega intii uu socday dagaalku, iyadoo la jaray isgaadhsiinta.
Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegay in ambalaasyada guddiga ee Itoobiya ay “dhaawac iyo meydad” u qaadeen Cisbitaalka Ayder.
Booqasho ay ku tageen isbitaalka, shaqaalaha ICRC ayaa ka war helay in “80% bukaannada ay qabaan dhaawacyo maskaxeed, iyagoo intaas ku daray in adeegyadii kale la hakiyay si shaqaalaha yar ee isbitaalka ku sugan ay wax ugu qabtaan dadka u baahan gargaarka degdegga ah.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36460