|

Deg deg Daawo: DF Somalia oo Caydhisay Safiirkii Kenya, Una Yeedhay Danjirihii u joogay Nairobi

Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay safiirkii dowladda Kenya, iyadoo ku amartay inuu dalkiisa ku laabto, Sidoo kale waxay u yeeratay safiirkeeda ka jooga Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ay madaxweynaha Jubbaland la kaashaneyso sidii ay u fashilin laheyd heshiiskii doorashada.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u muuqata in dowladda Kenya ay si badheedh ah u fara gelineyso arrimaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku heysa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya laga gaaray” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale warkan waxaa lagu sheegay in safiirka loogu yeeray wadatashi la xariira faragelinta Kenya oo ay sheegtay dowladdu inuu caqabad ku yahay horumarka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

“Dhaqamada Kenya waa kuwo ka baxsan derisnimada iyo heshiisyada diblumaasiyadeed ee caalamka, sidaas darteed waxaan la tashi ugu yeeranay danjiraheena… Dowladda Soomaaliya ma aqbali doonto falkasta oo wax u dhimaya madax-banaanida iyo deganaashaha dalkeenna” ayuu yiDHi xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo warkan akhriyey.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36441

Posted by on Nov 29 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

19 Comments for “Deg deg Daawo: DF Somalia oo Caydhisay Safiirkii Kenya, Una Yeedhay Danjirihii u joogay Nairobi”

  1. Waa arin horay looga baahnaa dawlada fedaraalkaa waa inay amartaa inlasoo xidho axmed madoobe waayo wuxuu caqabad ku yahay nidaamka dawlad nimada xayyan wa maytan waa inuu cadaalada wajahaa dawladu inkasoo waqtigeeda gabagaba yahay waa inay xuduud beenaadka soo xidhaa si loo kala nabadgalo. Dhalinyaradu waa inay ciidanka ku biiraan oo dalkooda kadifaacdaan Tukaha qaaq qaaq leh iyo kuwa dabka ushidaya.Tukahaas.

  2. Aqristow

    Miyaad is weydiisey maxaa Xor ka dhigey,
    Jabuuti, North Somaliland and South Soomaalia ( oo qarnigaan Casrigaa NFD IYO SOMALIGALBEED hoos dhigey GUMEYSTAHA MADOW)

    Martin Luther king
    waxey ku qaadatey 20 sano inuu dadka Madow ka dhaadhiciyo iney noolankaraan WITHOUT GAAWEETO nin CADDAAN AH CAD UGU RIDO.

    Iney yeelankaraan Foornooyin Rootiga at ku dubtaan iyo BEERO suuf ah oo ay ka shaqeystaan.

    Allow adigaa Xor ka dhigey Caasimadaha IRIR SAMALE.

    * A man was not created to be a slave, but was created to be free and to obey ALLAAH.

    * Without freedom is without dignity and without dignity is without life.

  3. Wow maashaa Allah. Waa tallaabo loo baahnaa laakiin waxay ahayd in ciidamada Kenyaatiga iyo Amisonna meesha laga caydhiyo/

    Dabshid aka Ugandha lover

    Waar ha irir samaalayne bal ii sheeg waxaa ka dhigay koonfurta Soomaaliya xero ay ilaaliyaan ama gumaystaan Ugandeeska ama AMISON? Laba daraadle woqooyiga Soomaaliya maanta Xabashida ku amar ku taagleeyso. Sidaa oo kale koonfurta iyo gobollada dhexe oo dhan Amisom joogaan.

    Waxaad u baahan tahay in lagu loox jiido siyaasadda iyo qarannimada macnaheeda.

    Intaad qarannimada ku xaartay baad weli qabyaalad aanan jirin ku wacdinaysaa dadka.

    Midda kale yaa ONLF dalka ka saaray laba daraadle iibsaday raggii maxaakiimnta, muqaawamadii difaacay Xamar iyo Ogadeeniya?

    Waar nin yahow soo kor oo beenta aad maalin kasta adigoo cuqdadaysan halkan ku qorto jooji.

    Caasimadha Irir Samaale kulahaa….kkkkk

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  4. Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Axmed Cadde laf dhuun gashay buu ku noqday Barnaamijkii ama ololihii Doorasho Farmaajo !!

    Gah Gah Gah Gah Gah……lol

  5. Jaale Farmaajo wuxuu doorashada kusoo galay 2016 Ethiopia oo cadaw ah marka hada 2020 Farmaajo ma wuxuu rabaa inuu Doorashada kusoo galo Kenya oo cadaw ah ? 😂 😂😂

  6. Safiirka Kenya oo la eryo ma yareyn kartaa xumadda iyo kaarka siyaasadeed ee maanta taagan?? Ha leysla meereysto MIYAA?

    Sidoo sheegay. Mr bobyo godan.

    Sheekada farmaajo waa boor isku qaris.

    Shalay kaar itoobiya maantana kaarka kenya ayuu rabaa in uu xogto.

    Ama safiir raacdeey ama sariirta hoosteeda ku dhuumo. Albaabka villa somaliya waad ka bexeysaa hadii alla yiraahdo.

  7. Sorry hobyo godan ayaan u jeeday

  8. Maasha Allah well done kenya arimaha somaliya bay faraha kala bixi wayday marka kukuyo oo siyaad barr u haystay 0 zero oo uu yidhi dumarka somaliyeed baan u diri dhulka somaliyeed haka xoreeyana ayaa maanta inagu haysata badeeni waliba inoo soo adeegsanaysa jaahil suudh xidhan oo nin is mood ah ,very good Farmaajo iyo teamkiisa xidhiidhka haloo jaro meel ay kuwii iyo kii madoobaa gabaad ka dhigtaan ha waayaan next step is ciidamadood oo inaga baxa xaafadi waxay xaafad ugu wareegtayi waa xasarad

  9. Seefta n&n ciddii isu dhigta iyaday u taal… Eeg durba Jeegaantii Ugaaleeyda ayay la safteen, waxaabaa hadhow ku oran Somali baan nahay…

  10. Hawiyow faqashtan homeless ka ah iska erya. Yaanay idinku dirin dawladan aad jaarka tihiin ee kenya. Kenya waa wadan aad dhaqaale badan ku leedihiine yaanay idinka ciidayn nimcada. Weli ma maqasheen faqash xoolo leh waxay boobaan mooyaan. Anaga xitaa guryaha saqafyadii ayay kasoo furfurteen 1988 kii.

  11. Farmaajo iyo xataa dhamaan waxa isku sheega siyaasiyiinta Somalida waa daanyeero caqli laheeyn.

    Maxuu Farmaajo raacdeeyaa amaba u yeeraa safiir, isaga ayeeyba ilaaliyaan yugaandhees iyo Ethopiaan iyo Kenyaatigaba.

    Ciyaala suuq Farmaajo waan ogaa in uu daanyeer yahay, waxaase doqomma ah kuwa dhahay aryaa Farmaajo ii geeya. Daanyeero.
    Qoorqoor waa in uu kasoo harraa daanyeer Farmaajo si washamsi loogu qaado doorasho.
    Dalmida.
    God bless Somalia

  12. Waa khiddad shacabka masaakiinta ah lagu jahwareerinnayo lana doonayo in looga raad gato arimaha doorashadan waxkhtigeedii la joogo balse weli hilinkeedii iyo haabkeedii toona aanay hayn Fahad and Company.
    Dadka ayaa laab-la’kac intaa looga dhigayaa,balse xaqiiqdu waxa weeye waxaa jirey xiliyo hore oo ay kaga habbooneyd in qabka soomaalinimada la tuso sankadhuudhiga Kenyata.Laakiin xilligaa ma dhicin ee sidii gabadh la galbinayo ayaa aqalkii Kenyata Abiy afka uga ridey Farmaajo.

  13. Waar meeshii Somaliya rageedii ayaa hogaaka u qabtay.
    Wixii waraabe iyo Dugaag ku habsaday ayaa maalinba raga Somaliya ka dulkicinayaa kkkkkkk
    Waa wadan wasnaaa muddo dheer oo Dabadhilif iyo shisheeye isku dhaldhaleen.
    Walk ma dhawa.

    Cadowgiii gudaha ayaa Hadhssan.
    Waakii wadanka liqay ee Somaliya ka dhigay meel uu Cadwkastaa ka muraadsado.

    Waxaa jirta ciyaar lsga ciyaaro Awdal oo la yidhaa’Ruquusa”.

    Ruquusa Raggedibaa yimid.

    Waar meesha is kaga dheeraaa Reer,wax and dawladnimo ka garanaysaan ma jireeekkkk

    30 oo kale Murashax aa ahay kkk
    Kkkkk

    Dalmida

  14. Gaafow

    Dee hadii Kenya looo badheedhay in xidhiidhka loo gooyo,waxaa ku xiga in Ciidanka ka baxaan Somaliya.
    Ahmed Madoobe,ma hore ayuu u sii ramayana Kenya?

    Cabili.

    Cabiligu waa qabiil deganaa Algeria oo Francaiska dabaqoodhi u ahaa wakhtigii halganka Algeria.Markii ay Calanka qaadatay Algeeria,dee xagay ku hadhi.Hore ayay u sii raaceen Francaiska.
    Dee,Ahmed iyo xertiisu hore ha u sii raacaan Kenyans.

    Dalmida

  15. Garqaad

    Iimaan waxaan maqli jiray “ Neef gowracan geedo kama waabto “. Farmaajo iyo Fahad Yaasiin aka Al shabaab leader wax walbo ay aqriyaan laga yeeli maayo afar sano oo lugooyo iyo dib u dhac iyo wixii ay dadka badeen intaas ha noogu ekaato !! No More Farmaajo.

    Waxaa kaloo lasoo ogaaday safiirkii Kenyatiga ahaa ee ay dhaheen waanu cayrinay wadan kaba ma joogin labadii cishe ee ugu dambaysay Nairobi ayuu ku sugnaa………

  16. Kkkkkk Safiir baan cayrinay iyo Kenya baa cadaw noo ah waa iska sheeko raqiis ah iyo boodh isku qarin, muhiimadu waa in Villa- Wardhiigley dadka jooga ay baxaan oo albaaba loo tilmaamo dad cusubna ay yimaadaan sida Joe Biden Maraykanka.

    Shalay waxaa ladhahayey Itoobiyaa cadawgeena ah maantana Kenya ayaa cadawgeena ah ayaa la rabaa in naloo sheego.

  17. Waxaan la yaabay maskiinkan Tarsan la dhaho ee loo yeero markii la marqaaamo ee qiiro Japan la rabo in la jilo, hadhawna loo sheego inuu Nairobi ku laabto, anigu koley sheekooyinka bahdilka kama yeeleen Villa-Wardhiigley ee waan isaga tagi lahaa oon is-casili lahaa.

  18. Markale ayaan ku celinayaa, waa in dadka joogo Villa-Wardhiigley loo tilmaamo albaabka ooy baxaan dad cusubna ay yimaadaan, sida Joe Biden Maraykanka.

  19. Hadii Madaxweynaha Jubaland uu yiri yaan laysku deyin in la boobo doorashada soo socoto ee Soomaaliya oo yaan qof shaati uu toshay dhihin halaygu cabiro , Ciidamada lagu soo daabulay gobolka Gedona ee lagu qabsadayna ee sharci darada ahna halagu celiyo meelahay ka yimaadeen oo halooga danbeeyo gobolka Gedo Ciidamadii Jubalanad ee horey u joogay si doorashada Soomaaliya u dhacdo, saas haduu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe markaa ma Kenyaa la xagxagan oo xaalad aan jirin ayaa la abuurayaa?

Leave a Reply to Sargaalka

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented