Madaxwaynaha Puntland oo Shaaciyey Mowqifkiisa Doorashada iyo Xaalada uu dalku Marayo
Garoowe ( Kalshaale ) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wafdi isugu jira Qaramada Midoobey, Midowga Europe , Midowga Africa iyo IGAD, wafdigaasi oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga.
Madaxweyne Deni ayaa la wadaagay wafdigan aragtida Puntland ee ku aadan in dalku ka gudbo marxaladda uu hadda marayo si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku dhacda taasi oo lagu wada qanacsanyahay.
“Wuxuu ahaa kulan wakhti fiican qaatay, Dowladda Puntland waxay la wadaagtay sidii looga gudbi lahaa marxaladda lagu jiro , sidii loo heli lahaa Doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonyahay, oo sharciyad wanaagsan dalka u yeelata.
Dabcan howlo badan baa lasoo qabtay muddadii u danbeysay, heshiiskii 17-kii bisha 9-aad lagu galay Muqdisho Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay kuwada galeen, Baarlamaanka labadiisa Aqal ansixiyeen iyo kii u danbeeyay ee ku saabsana habraacyo loogu talagalay in lagu fududeeyo in doorashadaasi ku dhacdo.
Weli waxaa dhiman sidii howshaasi loo maamulihi lahaa oo dhinaca Doorashada iyo guddiyadoodii oo hadda gacanta lagu hayo, waxyaabo badan oo u baahan in la saxona ay ku jiraan, laakiin wadahadalo iyo shaqaa ka socota, waxaan rajeynayaa doorasho wakhtigeeda dhacda oo kalsooni lagu wada qabo oo dhammaan dhinacyada daneynaya Doorashooyinkana ay ku qanacsayihiin, wixii tabasho oo ka jira qodobada qaarkoodna waxaan rajeynaya in laga wada gudbi doono, Puntland-na marwalba kaalinta ay ku leedahay dowladd dhiska Soomaaliya ay qaadan doonto, aragtiyaha xalka lagu heli karona waxaan la wadaagnay madaxda maanta nasoo booqatay waxaan rajeynayaa inta dhimana in wakhtigeeda ay munaasabka ku tahay aan ka hadli doono.
Aad baan uga mahadcelinaya in ay wafdigan noo yimaadaan waxaan rajeynayaa qodobadii aan ka wada hadalnay oo dhan inay ahaadaan qodobo dhaxal-gal noqon doona, oo wax ka tari doona deganaashaha dalka iyo horusocodka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, waxaana u rajeynaya mushtamaca Soomaaliyeed marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen inay uga ambabixi doonaan marxalad deganaasho iyo nabadgelyo ay ku dheehantahay” Ayuu yidhi Siciid Cabdullaahi Deni.
Wafdigan ayaa ka kooban Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Jamal Ahmed Ibraahim.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36427
Madaxda puntlan OO UU hogaminayo deni hays waalina DOWLADA SIDA Ulashaqeeya OO HAKU Milmina Kicinta IYO QAR iska XOORKA KUWA FASHILAN EE EX MADAX WAYNE XASAN SHIIQ EX MADAX SHIIQ SHARIF EX WASIIR INA CABDISHAKUUR EX WASIIR M GEELE EX GODON BARLEMANT SHARIIF SAKIIN IYO KUWA U OLOLEEYA QALALAASAHA EX MADAX WAYNE ALI MAHADI MOHAMED EX XIL MADHIBE MAHAD SALAAD OYO DHAMAAN KUWA KU MAMAY XOOLAHA QARANKA SOOMALIYEED OO DHAN KADHEXEEYA EE BOOBA DOWLAD KASTA OO MUQDISHO TIMAADA WAA FIDNI KICIYE YAAL AY KADAN BEEYAAN CADOWGA DALKA IYO DADKA SOOMALIYEED SIDA EMARAAD KIINYA IYO MAAMULKA SNM EE UU HOGAAMIYO MUUSE SHAANIGA WAASHAY EE FASHILKA QABYAALADED MADAX MARAY PLEASE DONT FLOOW ALL THAS GROOBS PUNTLAND HADASD TIHIIN MASULIYIIN MUSLIN SOOMALI OO WADANIYIIN AH DADKA REER PUNLAD MA AHA INTA JOOOGTA GAROOWE QARDHO GAALKACAYO BOOSAASO IYO BUURTINLE
ALXAQIIQA
Shalay waxaa Garoowe tagey Safiirka Dowladda Sweden oo Deni ay ka wada hadleen dooarashad Soomaaliya iyo mashaariic ay Sweden ka fuliso Puntland iyo kuwa kale oo ay soo wado.
Maanta waxaa tagey wefdigan oo iyana doonaya inay u kala dabqaadaan kooxda Fahad/Farmaajo,Maamulada xorta ah ah,iyo madaxda mucaaradka.
Haddii xal ay keeni waayaan waxaa iman doonta in beesha caalamku Roadmap ay sanka ka galiso kooxahan iska soo horjeeda oo aan aan iyagu wax xal ah keeni karin.
Asc anigu waxan kula talin lahaa shacabka muqdisho siiba dhalinyarada muqdisho inay nabadooda ilaashadsn nimankan rabo in wadanka foodo galiyaan idinkana mustaqabalkiina iyo ka caruurta somaliyeed aan dhalan baabiiyan haka yeelina yes you can waad iska celin kartiin waxan kursi doon ka wayn ee mashaariic waawayn baa la soo sexeexay wad gadan tihiin dhalinta somaliyeedow sharciga gacantiina ku qaata waa in aad idinka dooratiin ka aad u aragtiin ini daacad yahay wadankana idin dhisaayo ka kenya ama carabi wadatana dhagax kaga saara muqdisho don’t waste any more time 30 sano waa enough waa in aad is noolaysiin kukuyo kenya waan ka guulaysanaynaa hadad qabiil halkaa iska dhigno gacmaha is qabsano gaalafu waxay yiraahdan over my dead body markaan dhinto uunba wadankayga la qaadan idinkoo nool wadankeena kenya iyo kuwa u shaqeeya ayaan loo oholaan especially khayre ina cabdi shakuur iyo qashinka la mida,,, viva geesiga wadaniga mayorka muqdisho cumar
Xaange
Adiga ma Road map kay kuugu badisaa?… War bal yaabkan eega!. Ma ogtahay beesha caalamku in ay aad u doonayso in Somalia la hoos geeyo UN-ka oo 10 sano oo Trusteeship ah la galiyo?…
Xoroyaddii miyaan xajin waynay oo waa kaalay gaalooy na xukun xaal?… Cajiib!.
Masgaxda iyo dareenka ayaa laga noqday Adooon.Ilaa uu Nin shisheeye u yeedhiyo oo wax u sheego waxba lama samaynkaro.
Haatan Uhuru ayaa ku haysta.
Waaba Islaantii yaabtay ee tidhi:”lugtaneey kolba ninku qabay.”
Walad Cabdalla iyo Mahiga ayaan xasuusta
Dalmida
ASC
Soomaalidu waxay tiraahdaa doqontu 10 indhood bay leedahay oo sagaal sokeeyaha ayey isaga eegtaa. Madaxda Soomaalidu ayagaa isu muuqda, laakiin markay arkaan wiil yar oo UNta Ka socda indhaha ayey hoos u rogayaan Allaa Kareem.
Xaange xagee joogaan maamulada xorta ah? Adigoo Herer Jooga, Hargeysa xoreynta waxaa Ka hagaagsan, adigoo Xamar jooga oo kacaanka u heesa. In Kenya iyo Imaaraat madiidin loo noqdo, waxaa Ka hagaagsan guulwade ina Gareen ah.
Soomaalida daanyeerta ah ee caqliga xun haddii ay tashan waayaan waa loo talinayaa maxaa diidaya.Soomaalidu waa sidii naag la qabo oo biil la siiyo.
Runta yaan la iska indha saabanin.
Inacolow
Maamulada taladoodu iyaga ka go’do ee aan gareenada ahayn ayaan ula jeedaa.Laakiinn guud ahaan sooaalidu maaha dad xor ah.Waa addoon aan iska war hayn hadana qab beena iyo faataabakh meelahaa la meeraysta.
Kenya iyo Emarat waxaa ka khatar badan Qatar oo ah aabbaha iyo hooyada shabaab. Siyaasadda soomaaliyana si toosa gacanta ugula jidha. Wiilkeeda Fahad milkiilaha dowladda Soomaaliya ka dhigtay lama soo hadal qaado,laakiin masaakiinta ayaa lagu jahwareeriyaa Emarat baa cadow inoo ah
Xaange
Hadaad adigu aadan ka maarmi karin Gabre iyo Mahiiga waxaa jooga madxwene ninkii United Nations ka u sareeyay saacado waddanka kaga saaray, qabyaalad garoowe lala yuururo oo Sarkaal Tigree ah kabaha loogu qaado. iyo mooryaan xamar fawdo ka kicisa haddaad xiisaynayso waxaa muuqata Xilliyadaa gabalkeedii dhacayo