Imaaraadka oo Xiyiraad Cusub kusoo Rogay dalal ay Soomaaliya iyo Turkigu ku jiraan
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xayiraad hor leh kusoo rogtay 13 dal oo u badan Muslimiin, isla markaana ay ku jirto Soomaaliya, kuwaasi oo laga joojiyey bixinta fiisooyinka cusub ee dalkaasi.
Imaaraadka ayaa dalalkaasi ka joojiyey fiisooyinka booqashada iyo shaqada ee uu hore u siin jiray muwaadiniinta kasoo jeeda dalal ay ka mid yihiin Somalia, Iran, Turkey iyo Syria, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Waraaqda xanibaadan cusub ayaa waxa loo kala diray shirkadaha ka shaqeeya dalkaasi ee inta badan shaqaalaha ka qaata dalalka lagu soo rogay xanibaada.
Waxa lagu sheegay waraaqdaasi ‘in codsiyada shaqaaleynta cusub iyo fiisooyinka booqashada la joojiyay illaa ogeysiis dheeri ah oo ay dowladda Imaaraadka Carabta kasoo saarto dalalkaas.
Xayiraadda fiisaha ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah muwaadiniinta Algeria, Kenya, Iraq, Lebanon, Pakistan iyo Tunisia, sida ku xusan waraaqda kasoo baxday Imaaraadka Carabta.
Wararka ayaa intaas kusii daray in amarkan cusub uu dhaqan galay Arbacada toddobaadkii hore oo ku taariikhsneyd 18-kii November, sida ku cad dukumentiyada ay soo xigatay warbaahinta.
Illaa hadda majiro war rasmi ah oo ay warbaahinta la wadaagtay hay’adda aqoonsiga iyo jinsiyadaha ee Imaaraadka, maadama ay xayiraadan khuseyso arrimaha socdaalka.
Arrintan ayaa imaneysa xili uu xiriirka Imaaraadka iyo Somalia oo kamid ah dalalka uu ku soo rogay xanibaada fiisaha uu xun yahay xiriirkooda diblumaasiyadeed.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36259
UAE, waxay ogaatay in shacabka deggan 13 kaa wadan ay xayiraada ku soo rogtay, in 100% ay naceen shacabkoodu waxa loogu yeedho Emirates, xooggaa traitors ay ku shaqaysato mooye. Waxay ka dhigan tahay “Abrisku ina aanu kugu tufin baa lagu tufaa” UAE aka Emirates, waxay ka gudubtay xajmigeedii, waa 9 Boqol oo kun dadkeedu, waxay iku dayday inay isku dhereriso waaweynka wadamada Islamka iyo carabta sida Algeria oo 43 Milyana iyo Turki 83 Milyana iyo Pakistan oo 200 Milyan kor u dhaafay; halka ay Somaliya ka heshay dhiloodhin iyo fataalo, shacabka intiisii kale waa ka soo hor jeedaan.