|

Shariifo Cadow oo soo Bandhigtay Su’aal ay Horay Madaxwayne Farmaajo u waydiisay

Muqdisho ( Kalshaale ) Maamo Shariifo Cadow oo ka mid ah dadkii sida weyn ugu ololeeyey Madaxweyne Farmaajo ayaa shaacisay su’aal ay jawaabteeda ka weysay madaxweynaha, maalmo kadib markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxay sheegtay inay weydiisay sababta ku kaliftay inuu hoygiisa ku weeraro Cabdiraxmaan CabdiShakuur, balse uu uga jawaabi waayey.

“Waxaan ari Farmaajo dalkan 4.5 iyo dib u heshiisiin ayaa lagu joogaa ee maxay tahay sababta kugu kaliftay inaad weerarto Cabdiraxmaan oo dhibka intaas la eg aad geysato, odayaal iyo siyaasiyiin ceshada ayuu leeyehee maxaad ugu sheegan weysay caqabada uu kugu yahay? Ilaahaa marqaati ka ah labada dhafoor inta qabsaday ayuu ii jawaabi waayey,” ayey tiri Maamo Shariifo Cadow.

Sidoo kale waxay sheegtay in maalinkaas uu ku jiray safar uu ku aadayey Garowe, balse uu u balan qaaday in markii uu soo laabto uu soo wici doono, si ay ula raadiso xalka arintaas, hasa yeeshee uusan soo wicin.

“Tan kama aanaa filaneyn Farmaajo, sababtoo ah markaan dooraneynay qabiil looma fiirin, oo jaceyl kale looma fiirin, intaas oo amaal darro ah qof ku kacayna weli lama arin,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Shariifo Cadow.

Hadalkan ayey Maamo Shariif ka jeedisay shirka midowga musharaxiinta uga socda magaalada Muqdisho, kaas oo maanta ay ku biireen xubno ka socday qeynaha kala duwan ee bulshada.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36227

Posted by on Nov 25 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Shariifo Cadow oo soo Bandhigtay Su’aal ay Horay Madaxwayne Farmaajo u waydiisay”

  1. Xasan xoolo islaamo reerkiisa ah intuu soo aruuriyay ayuu kuleeyahay ururka haweenka.islaantaan islaan kahoreysay waxay tiri madaxtooyada waa gali jiray waagii xasan shiikh ileen meeshu Bohol bay ahayd kkkkk ma la iska gali karaa downing Street iyo white house iyo krimlin

  2. Manado waa nabad doon
    Af tahan ah laakiin way ku
    Sirantay nin yaraantiisii
    9jir hadalka ku bilaabay
    Xitaa warqadii loo xar xariiqay
    Ayuu akhrin karin

    Gedo land timihii aad villada
    Ku abuuratay wey kuusoo
    Bexeen ee kacoo girigaadi aad

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented