|

MUUQAAL: Qalbi-dhagax oo Waraysi uga hadlay Markii loo dhiibay Itoobiya iyo Musharax Xasan Cali Khayre

Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ayaa ka hadlay cidda masuul ka aheyd in loo dhiibo Itoobiya, Wuxuuna Waraysi uu bixiyey Sidoo kale uga hadlay Xaalada Guud ee Soomaaliya Iyo Waxa uu ka aaminsanyahay musharaxnimada Xasan Cali Kheyre.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qalbidhagax  sheegay in dalkan loo doortay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaguna uu leeyahay mas’uuliyadda koowaad ee dhibaatooyinkii dhacay.

“Dunuubtan tirada badan ee dalka ka dhacay, markii aan si fiican u qiimeyno waxaa jira qof wadankan loo doortay, shacabka Soomaaliyeed baarlamaanka ay soo doorteen waxay cod siiyeen Farmaajo, isaga ayey aheyd inuu xafido xuquuqda qofka mawaadinta ah intii uu awoodo, dembi kasta oo dhacay marka waxaa mas’uuliyadiisa koowaad iska leh Madaxweynihii umadaan ay dooratay Maxamed Cabdullahi Farmaajo,” ayuu yiri Qalbidhagax.

Mar wax laga weydiiyey sida uu arko musharaxminada Kheyre oo xilligii la dhiibay ahaa wasiirkii koowaad ee xukuumadda ayuu sheegay inuu bogaadinayo, hadii Kheyre isu arkay inuu yahay nin Soomaali wax tari kara.

Sidoo kale Qalbidhagax ayaa shaaciyey xog uu ka helay sidii isaga ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF loogu daray liiska argagixisada, isagoo sheegay inay fiicnaan laheyd in Kheyre cadeeyo doorkii uu ku lahaa dhiibistiisa.

Waxa uu sheegay in Kheyre ay la gudboontahay inuu yiraahdo ‘qaladkii dhacay intaas ayaan ku lahaa ee hala iga raali noqdo’ maadaama sida uu sheegay Qalbidhagax bini’aadanku qaldami karo mar kasta.

Sidoo kale Cabdikariin Qalbidhagax ayaa sheegay inuu aad ugu farxay markii uu arkay Xasan Cali Kheyre oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka raali geliyey doorkii uu ku lahaa wixii loo geystay.

“Qadiyadeydu waxay aheyd mid foolxun oo Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ay gashay, taas oo dhaawac culus noo geysatay. Mas’uuliyaduna meel ayey ka bilaabataan kuna dhamaataa, ninka loo igmadayna waa madaxweynah Soomaaliya runtii,” ayuu yidhi.

“Golaha wasiirrada maalinkii ay fariisanayeen, waxaan xog ku helay in mudo markii ay fadhiyeen oo qodobkan la isku mari waayey inuu Mahdi Guuleed warqad la soo baxay ee akhriyey sababta ONLF iyo aniga argagixiso nagoola dhigaayo, isagoo halkaas ka sheegay in wax jawaab ah aysan ka furneyn ee la codeeyo, marka waxaan jeclaan lahaa in Kheyre iyo ragiisa ay cadeyaan sidii ay wax u dhaceen maalinkaas.”

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36076

Posted by on Nov 21 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “MUUQAAL: Qalbi-dhagax oo Waraysi uga hadlay Markii loo dhiibay Itoobiya iyo Musharax Xasan Cali Khayre”

  1. War deg deg ah c/laahi goodax Barre oo usharaxan gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya shariif sakiin oo qiyaano ladamacsan musharaxiinta hawiye war reerku wax mafahmo miyaa wuu dhexfadhiyaa isagoo musharax madaxweyne ah

  2. Gedoland
    Ku xigeenka waxaa loo wada Libaaxii waynaa kkk Fahad Yaasiin.

    Wallee Wiilkaasi Hooyadii ninbay dhashay.

    Dalmida

  3. Fahad Yaasiin iyo Mahdi Guuleed waa Jaajuusiin Ethiopia

    Farmaajo waa Camiil Ethiopia iyo Eritrea

    Lkn dhibaatada gaartey Mujaahid QALBI-DHAGAX iyo shacabka Xamar iyo Xamar daye, waxaa leh Hawiye oo Ba qalad ah inuu nin Daarood ah maa.ulo Dhulkooda iyo Dheeftooda.

    Waa in Reer Quraca Koofur ahaadan sida Reer Qurac waqooyi.

    – SNM ka ragsan USC

  4. Mujaahid Qalbi Dhagax waa halyeey halgamaa Soomaaliyeed oo ay guni heshay.

    Run ahaantii dhaawac ayaa nawada gaaray markii cadawga Ethiopia ay Dawladii Soomaaliyeed u gacan galisay Qalbi Dhagax ONLF na ku tilmaantay Urur argagixisa ah ??????

    Laakiin Ummada Soomaaliyeed waa ay diideen ficiladii xumaa ee ay Farmaajo Qaainul wadan iyo Khayrlaawe ugu adeegayeen Dictatorka fashilmay ee ay ku adeegtaan Xabashida Abbiy Ahmed.

    Long Live Qalbi Dhagax
    Long Live inta neceb Cadawga Xabashida.

  5. Mr bahal
    Fahad yaasiin haduu noqdo gudoomiye kuxigeen baarlamaan nimankii baarlamaanka kadhex qaylin jiray waa hoogeen waaba hadii ay soo laabtaan

  6. Waxaa markhaati ma doonto ah In xasan shiikh maxamud. Cabdiqadir maalin sanbalooshe iyo Gabre Ay arrinta ka wada shaqeeyeen sidii ninkan inta la soo qabto
    Loo dhiibi lahaa.. Qalbi dhagaxna waa Lagu war geliyey. Maadaama uu ahaa Dabaqoodhi
    Lagu danayso waxaan loo geeyey Baasaport ethiopian ah isaga oo ku dooday inuu yahay muwaadin ethiopian ah.. Qalbi dhagax hadduu ONLF wax ka ahaan lahaa maanta wuxuu fudhin lahaa mid ka mida jagooyinka sarsare.. Markaa niinku reerkaa waa yahay
    Haddii ONLF sidaa lagu noqonayo balse waxaa badan intuu dhibaato u gaystay
    Waana ni kaa qaybta ka ahaa jilayaasha oo lagu adeeganayey weli sidii ayuu u foolxun yahay.. Sorry…

  7. SALAAMU CALEEEKUM

    QALBI DHAGAX … ilaah weyni iyo tul baad heshay…

    XAAR FARMAAJO iyo KHAYRE meesha ay ku dambeeyaan aan arki doonaan..

    WA BILAAHI TAWFIIQ

Leave a Reply to Dabshid

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented