|

Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Qiimaha ay leedahay Maanta oo kale

Muqdisho ( Kalshaale ) Asalaamu Caleykum Wa Raxmatullaah Wabarakaatuhu, Munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed, waxaan Bareyaasha Soomaaliyeed la qaybsanayaa xuska maalintan qiimaha badan.

Macallimiinta Soomaaliyeed waxa ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed iyo sharafka dalka.

Bareyaasha Soomaaliyeed waxa ay door weyn ka soo qaateen dowladnimada, horumarinta bulshada, dib u soo nooleynta wax-barashada iyo xoojinta midnimada Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa bogaadin mudan dadaalkii joogtada ahaa ee Bareyaasha Soomaaliyeed ay ku bixyeen Waxbarashada xilli aysan jirin dowlad ku garab istaagta, kana shaqeysa kor u qaadidda noloshooda, tayadooda iyo haqabtirka baahiyaha waxbarasho.

Dalkeennu maanta waxa uu ku tallaabsaday horumar weyn oo dhanka dib u habeynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada ah, iyada oo la hirgeliyey Manhaj Qaran oo mideysan, kana turjumaya baahiyaha garasho iyo aqooneed ee carruurta Soomaaliyeed.

Dowladdu waxa ay mudnaanta koowaad siisay tayeynta Macallimiinta Soomaaliyeed, kor u qaadidda tiradooda iyo mushaharkooda, iyada oo tirada macallimiinta Dugisyada Dowladda ay kor u dhaafayaan 16-kun oo macallin halka sanadkii 2017-kii ay ahaayeen 9 kun oo kaliya.

Dhammaan arrimahani waxa ay muujinayaan Qorshaheenna Qaran ee ku qotoma diyaarinta jiil aasaas u noqda Soomaaliya horumarsan oo la jaanqaadda dalalka kale ee Caalamka.

DHAMMAAD

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36059

Posted by on Nov 21 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

13 Comments for “Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Qiimaha ay leedahay Maanta oo kale”

  1. mingistume soo Dag

    A special day to celebrate Teachers”?..
    Teachers” Day (21NOV/2020.
    ——————————————-
    HEESTII/: AQOON L,AAM WAA IFTIIN LA,AAN
    OGAADA. OGAADA DUGSIYADA OGAADA,
    OGAADA WALAYAAL OGAADA.
    —————————————

  2. macalinku waa
    waa maskaxdii
    dunidoo malaasan
    mawjadaheeda
    kala miirtay
    ee macnaysay
    maarkii qarsoona

    waa misbaaxi
    kaahiisu maanka
    u maciinee
    mugdigii ka maydhay

    murtida dhuux
    aqoontiisa baro
    lagama maarme
    ha moogaanin
    taarikhda macalimiinyahay

    by axmed Cali cigaal

  3. Leopon
    Dadkii horaa tahay

  4. Waxan ahay nin Gob ah ooy Guni rifaysaye.
    3 sano ayuu kaga saaray Somaliya Black listkii ay galiyeen Mooryaantii Wadan Boobay cidhif ilaa cidhif.

    Ciidanka Somaliyeed ee dhismayaa bil kaliya ma waayin lacagtooda.

    Waxaasi ayaa la yidhaa Masuuul.
    Xisbi aa Fudhayy,Murashax aa ahay.

    Danaha midaysan ee Mooryaanta Somaliyeed wajiyo badan ayay leeyihiin,laakiin danhoodu waa mid kaliya.
    Waa dhaqaale.

    Damida

  5. ASC dhamaantiin.
    Wararkaan oo kale waxaa soo qorra oo iska dhiga daanyeer Farmaajo. Haba ahaatee, daanyeerra guulwadayaasha u ah daanyeer Farmaajo iyo isagabba waa isku caqli waana beenaalayaal.

    Tusaale. Waxbarashada uu Farmaajo iyo guulwadayaashiida ka hadlayaan waa sidee tayadda waxbarasho ee Somaliya? Yaa waaye macallinka/macallimadda uu ka hadlayo? Adeerkiis Afweeyne ayaa 20 sanno dadka Somaliyeed ka dhigay dad aqoonyar, therefore maskax yar. Waana tan keentay burburka Somaliya.

    Ganacsi Waxbarasho oo guryo loogu yeeraya jaamacaddo, masaajidyo dadka waxa lagu barrayo eeysan qofna xakameeynin oo kulli ganacsi ah ayaa ah macalamiinta Somaliyeed. Manhaj eey maalgaliyren hay’addo ajnabi ah, oo eeysan Somalida laheeyn, maadaama sidda wax walba in loo siiyo/sameeyo ubrabbaan Somalida ayuu manhaj waxbarrasho ku sheegay daanyeer Farmaajo.

    Waa taas state of the Somali education, xaalada Waxbarasho ee Somaliya.
    Dalmida.
    God bless Somalia

  6. Cadaado
    Maraykanka magaca daarood ayaad kujoogtaa kow waad isku dhiibtay labo waxaa kumatala ilhaan cumar aamus daanyeer reer muuse ah xananbuure maadaa leh kaftan.dr cadaado

  7. Gedoland.

    EEDO batuulo khair allaha siiyo.

  8. Gedo land, kkkkkkkk,
    Xananbuuro walaahi in aananba aqoon.
    Somali meel kasta oo eey joogto been ayeey ku joogtaa. Run. Waxaanse kuu sheegi meesha aan joogo in eey maama Majeerteen ah hooyo ahaan igu keentay lacag la’aan walaahi. Ilaaheey kheeyr hasiiyee. Laakiin Daarood iskuma dhiibin, oo waxeey aheeyd kadib markii Daaroodka xeryahii laga soo wadda qaaday lols.
    Dalmida.
    God bless Somalia 🇸🇴

  9. Cadaado
    Kkkkk xananbuure waa meesha daanyeer qoor qoor uu xalin la.yahay waxaa isku dagaala dhul daaqsin ah yabardhowrekace oo cayr ah iyo reer muuse oo saleebaan ah laakiin yabardhowrekace aa degta reer muuse xoog bay sheegteen calaashaan qoor qoor aa madaxweyne ah

  10. Gedo land, waad ku mahadsantahay sidda aad iigu sharaxday. Waa daanyeernimo is dilka dadkaas isku dillaya maalaayacni. Dadka hadii eey aqoon lahaan lahaayeen, eeyna helli lahaayeen hogaamiyayaal u adeega isma dilleen. Reer Muuse waa dhib badan yahiin, laakiin waxeey ka keeneen Ceeyrkaas oo eey dhinaca isku hayaan darris yacni, waxaanse ogahay Farax amaba Dashame, Saleebaan oo dhan in eey dulmi iyo nacasnimo aqoon. Hal hal daanyeer ah waa laga helli. Laakikn Ceeyr ayaa naga doqommo badan kkk lols.

    Qoorqoor waa daanyeer hadii dadkaas oo is dillaya, uu ku mashquulo wax kale.
    Dalmida.
    God bless Somalia 🇸🇴

  11. Dumarka iyo Caruurta ayuu u qudbadeyn yaqaan Mr Farmaajo.

    Depression iga dheh

  12. ASC.
    Cadaado, waxay ahayd inaad tiraah; “Hal hal daanyeer ah waa laga hell SIDAYDA”. WBT

Leave a Reply to Ahmed Somali

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented