|

Cabdi Xaashi oo magacaabay Gudiga Doorashada ee Gobolada Waqooyi, Xili Horay uu RW. Rooble u magacaabay

Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta oo Sabti ah magacaabay Xubnaha Guddiga hirgelinta Doorashada Dadban 20/21 ee Gobollada Waqooyi (Somaliland).

Guddiga uu magacaabay Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka kooban 8-Xubnood oo ka shaqeynaya Doorashada Soomaaliya 20/21 qaybta Gobollada Waqooyi ee Somaliland si waafaqsan heshiiska madaxda heer federaal & heer Dowlad Goboleed.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka ayaa horey uga soo horjeestay Guddiyada Doorashada heer Federaalka iyo kuwa maamulaya Doorashada Xildhibaanada ka imaanaya Somaliland, kuwaasi oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa sheegay in la baalmaray habraaca heshiiska loo gudbiyay Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo wadajir u ansixiyay 26-kii September 2020.

Xaashi ayaa horay Madaxweyne Farmaajo ugu eedeeyay in uu doonaayo in uu afduubto doorashada xildhibaanada kasoo jeedda gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36053

Posted by on Nov 21 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Cabdi Xaashi oo magacaabay Gudiga Doorashada ee Gobolada Waqooyi, Xili Horay uu RW. Rooble u magacaabay”

  1. Odaygan iyo Khayre-ba jinkii dhabayacaa galay… Dawadadoodu halabooq bay jirtaa… Rusheeye ha loo doono…

  2. Seedi adigaa ka masuul ah XAMARAAWI Reer Waqooyi.

  3. Dabshid
    War ADEER dheh Allah yahdiika…

    Seeddi ku lahaa, carruurtu xidtaa way fahmaysaa inaad JEEGAAN tahay….

    Nin baa hadda ka hor qurbaha reer kale iyo magac kale isku dhiibay. Magacii loogu yeerayay ee beenta ahaa buu isku aqoon saday iyo waliba reerkii uu isku dhiibay… Si kasta la yeel xidtaa la quraan saar, lagala samir inuu magaciisii dhabta ahaa ku soo noqdo…

    Hadda waa tabtii 20 sano ayuu Dabshid beel kale iska dhigayay si uu koofur isuguy diro, hadda lagama dhaadhicin karo inuu Jeegaan yahay xidtaa oo waa kaa ku haya adeerkii SEEDDI… Tii Aakhirona way u dhimmantahay… ALLE ha sahlo…

Leave a Reply to Dabshid

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented