|

Sawirro: Shir Xasaasi ah oo Muqdisho uga Furmay Siyaasiyiinta Mucaaridka ah

Muqdisho ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir wadatashi ah oo ay leeyihiin musharaxiinta u taagan tartanka madaxweynenimo ee doorashada Soomaaliya.

Shirkan oo muddo sadex maalmood ah socon doona ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan ay siyaasiyiinta mucaaradku ay ka soo horjeesteen Guddiyadii doorashada ee dowladda Federalka iyo Maamul Goboleedyadu ay soo dhiseen, iyagoo ku tilmaameen inay xubno ka yihiin askar iyo shaqaale dowladeed.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya musharaxiin ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xassan Shiikh Maxamuud iyo Shariif Shiikh Axmed. Waxaa kale oo ay ka qeyb galaya guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Aadan iyo Ra’iisulwasaarihii hore Xassan Cali Khayre.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah musharraxiinta ka mid ah Cabdulqaadir Cosoble, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Mustafa Sh. Cali Dhuxulow iyo Daahir Maxamuud Geelle oo dhamaan ah musharraxiin u tartamaya jagada madaxweynaha ee Soomaaliya.

Furitaanka shirka ayaa waxaa marka hore loo ogolaaday inay sawirro iyo muqaallo duubtaan wariyeyaasha, kadibna banaanka ayaa loo saaray, iyada oo shirku yahay mid uu albaabada u xiran yahay.

Sidoo kale waxaa intiisa badan diirada lagu saarayaa doorashada iyo marxalada kala guurka ah ee uu dalka ku jiro.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36046

Posted by on Nov 21 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Sawirro: Shir Xasaasi ah oo Muqdisho uga Furmay Siyaasiyiinta Mucaaridka ah”

  1. Waxaan sugnaaba waa Farmaajo iyo Fahad oo raali gelin ka dalbada guud ahaan umadda Somaliyed, waxeyna caddeyn u noqon doontaa afar sano oo ciyaal micno maleh masuul looga dhigay dal u baahan isu keenid, isu tanaasul, is jaceyl iyo shuruucdii la dhigtey lagu dhaqmo.

    4 sano oo baala xoofto, booto, is adkeyn, aarsi, iska dhici, anaa iri, rinji, xaflad, sawir, isoo amaana, dadka ii caaya, kala wareeg, shabaab canshuur sii iyo kasii badan allaha inooga wada dhigo nabar xaq darro ah🙏🖐😊.

  2. Waaa Mooryaantii 30ka sano laga socon waayay.

    Haday dadyihiin oo damiir leeyihii Alison ma ilaaaliseen naftooda iyo dumarkookda.
    Waa yaayakhsi.

    Damida

  3. Dadkan gawsaha wada ruugaya ciil dartiis ma geel baa laga dhacay mise doorashaa loogaa reeyay?…

    Qoys isu habar wacanaya si ay doorasho u galaan waa xaajo ugub ah…

    Siyaasaddii iyo dawladnimadiiba waxaa kufsaday dhashii jabhadaha miyiga ka soo wada qamaamay ee ku habsaday dalwaynihii Soomaaliya…

  4. Deee yaa qabankara?

    Xishoon Maaayo,Diin ma haysto,xaraan ayuu ku naaxay,waa Reer hebel,wadanka isagaa ugu xoogwayn,kkkkkkk
    Guryii Reeer Banaadir iyo kuwiii Maryooolay ayuuu xoog ku haystaa,sharcigu ma qabto hadiiba uu jiro kk.

    30 sano
    Iyo Somaliya

    Dalmida

  5. Mr Gabooye,saaxiib salaantaasi Dalmida,maaad ii dhaaftid.

    Dee hadii kale I waydiiso.

    Aniga ayaa ifka u soo saaray erayga dalmida ee Ahmed Guray ku salaamijiray Ciidanmiika.
    Dalmida iyo Dadmida.
    Dalmida

  6. Wallee hawiye hadii kuwaan siyaasiyiin yihiin waa cajaaib deni wuxuu yiri mar danbe laygu kiin sawiri maayo ee goaan gaara

Leave a Reply to Mr BaHaL

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented