Galmudug iyo Hirshabbeelle oo Raadina Nin gaystay dil yaab leh Xili Shir Nabadayn ah loo fadhiyey

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamada ammaanka maamulada Hir-Shabeelle iyo Galmudug ayaa wada baadhis wadajir ah oo ay ku raadinayaan nin saakay dilay mid kamid ah dadka deegaanka Bacda oo aan sidaa uga fogeyn Degmada Matabaan.

Ninka dilka geystay ayaa baxsaday sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka, waxaana goobta gaaray Ciidamada ammaanka oo bilaabay baaris ay ku raadinayaan gacan ku dhiiglaha.

Xiliga dilka uu dhacay waxaa loo fadhiyay gogol xal looga gaaraya dilal ka dhacay Deegaanno hoostaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Dagaalka iyo dilalka aanooyinka la xiriira ee ka taagan deegaannada u dhaxeeya DG Hir-Shabeelle iyo Galmudug ayaa salka ku haya dhul daaqsimeed iyo Barkado biyaha laga siiyo Xoolaha oo muranka ka bilawda uu gaaro deegaannada ka fog halka ay wax ka dhacaan.

Saraakiisha Booliiska Hir-Shabeelle Iyo Galmudug ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay gacanta kusoo dhigaan ninka dilka geystay iyo koox kale oo la socotay, maadaama la bargartay, isla markaana ay heleen xogtooda.

Gobollada Dhexe iyo Badhtamaha Soomaaliya waxaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo kordhay dilalka beelaha oo ay geysanayaan maleeshiyaad hubeysan, waxaana barbar socda kulamo lagu soo afjarayo xiisaddaas oo sababtay dhimasho, dhaawac & welwel lasoo dersay dadka deegaanka.

Kalshaale.com

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Gollaha Musharixiinta oo la Saftay Kenya, Kana Horyimid Go’aankii Ay Dawladda Somalia Xidhiidhka ugu Jartay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Musharixiinta Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Bayaan ay soo saareen Caawa ...
Daawo: Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana hadlay Go’aankii DFS
- Dec 1, 2020
Nairobi (Kalshaale ) Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana ...
Muuqaal: IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka iyo Xiisad Cusub
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka ...
MUUQAAL: Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble oo Gudoomiyey
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble ...
Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal oo War-murtiyeed uga hadlay Waxa u Qabsoomay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa maanta soo ...