|

Shirwayne Siyaasiyiinta Mucaaridka ah uga Furmaya Muqdisho iyo Xogtii ugu dambaysay

Muqdisho ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmaya shirweyne siyaasadeed oo ay leeyihiin dhammaan hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee sida weyn uga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid ballaaran ayaaa waxa uu socon doonaa21-ka illaa 23-ka bishan November, iyada oo looga hadli doono marxalada kala guurka ah ee uu dalka ku jiro.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa si gaar ah diirada u saari doono arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Sidoo kale waxa shirkan lagu soo qaadi doonaa tabashada ay musharraxiinta mucaaradka ka muujiyeen guddiyada doorashooyinka iyo sidii xal looga gaadhay.

Inta uu socday shirka waxaa ka qeyb-galaya siyaasiyiin caan ah, waxaana ka mid ah, ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogggaamiyaha xisbiga Dan-Qaran Daahir Maxamuud Geelle, madaxweynayaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxaa sidoo kale la filayaa in shirkan laga soo saaro go’aano ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo la xiriira doorashada soo socota.

Soomaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, waxaana jira khilaaf u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36040

Posted by on Nov 21 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

9 Comments for “Shirwayne Siyaasiyiinta Mucaaridka ah uga Furmaya Muqdisho iyo Xogtii ugu dambaysay”

  1. Intaan hal ninbaa ugu doqonsan hal nin baa na ugu caqli badan halbaana ugu geesisan hal nin baana ugu khaainsan halbaana ugu dagan halbaana wareersan kkkkkkk
    1=waxaa ugu doqonsan ccshakuur
    2=waxaa ugu caqli badan xasan shiikh
    3=waxaa ugu geesisan shiikh shariif
    4=waxaa ugu khaainsan xasan khayre
    5=waxaa ugu dagan cabdikariin guuleed
    6=waxaa wareersan daahir maxamuud geelle
    Kkkkkkk kkkkkkk shiikh daahir maxamuud geelle asagu waa suufi

  2. SHIRKII HANTIILAYAASHA XAMAR IYO XAMAR DAYE.

    Dalkii Mudoobey 1960 wuxuu Burburey 1969, wuxuuna kala tagey 1991.

    ilaa dib loo mideyn ama sani loo kala bixi, maamulka Banaadir state kama wada dhaxeeyo Soomaali, LKN WAA LA WADA JOOGI KARAAN.

    Waxaa Gunnimo ah inuu Ciidiini, Canshuurtiini iyo Ciidankiini maamulaan RAG AAN TUULO IYO TAAKULO KU SOO KORDHINKARIN MAAMULKA XAMAR IYO XAMAR DAYE.

    * SNM ka ragsan USC

  3. daanyer farmaajo hadii aan la helin cid u caqli celisa iyo qolo la talisa waxa lagu noqan 2000 halki la joogey sida ii muuqata bal eeg durba daarod iyo hawiye baa loo kala baxay in xabad bilabato waxa hortagan dulqadka hawiye uun
    eeg aaway Deni waa qeylin jirey aaway axmed qoraxey waa kii laha GEDO ciidaka kasaara oo qeylinayey
    aaway xidig iyo fartaag wixii daarood mucarad ku sheeg ahaa meeye waa aamusen hawiye calol madobe waa kaa is urursaday waxey mareysa
    bishan oo kale 1990
    marki maxamed siyaaad lalaha xilka baneyn ee moorgan lahaa maya adeer iska joog ilaa uu gaari BEEBEE ah kula cararay fiidki

  4. hawiye calool madobe oo iska daacada oo maamul kii lagu dhibay iyo daarood oo qiyaano iyo iyo qaran dumis miidhan ah oo qabyaalad iyo daba qoodhi socda baa somaliya la degey ku tukada waa taasi

  5. Walaahi waa yaab waana murugo dal dhan oo laba beelood isku ximinayaan oo waliba uurka isaga jiran oo isu qoslaya anigu beelaha dir weyn iyo digil iyo mirifle iyo beelaha kale waxaan oran lahaa inaad runta abaartaan oo aad diidaan xukun danbe oo hawiye iyo daarood war saan soomaali laguma wada sheegan karo walaahi

  6. Wiil xeraale
    Waxaa tiri hawiye calool madoobe anigu madoowga meel kale ayaan kumaqli jiraye adna ma caloosha ayaad kudartay kkkkkkk

  7. Waxaan SUGNAA Waa Ciidamada Eithoopia intay SOO afjarayaan Tigreega inkaartii Muslimiinta ee Eithopianka IYO TII soomalida Baa kudhex Rafanaysa e Hadaan SOOMALIYA LAGA dayn Unukaa leh OO Aan Caqli shaqayn OGAADA SOMALIYA WAXAY KAMID NOQON DOONTAA AMXAARO IYO TIGREE IYO OROMO BAY KUDHEX BAA BI DOONTAA WAXAANA TAAS HOOS GAYNDOONA KUWAAN HADA NOO MUUQDA EE SIYAASI ISKU SHEEGAA IYO KUWA INA BIIXIGA WAALAN DOORTAY OO KANIISADAHA UGA FURAY HARGAYSA WAXAA II MUUQDA IN SIYAASIGA QARNIGAN EE SOMALIGAA AHI UU CAQLI GIISU DHAAFI LA YAHAY INUU QABIIL KIISA KELIYA KU AWR KACSADO HADHOWNA INTUU DALKA IYO DADKA AFKA CIIDA UGELIYO TURKAAY DUBAAY KIINYA IYO MEELO KALE KU RAAXAYSTO RAAXO DOQONIMO OO UUSAN MAHADIN

  8. Ma waxay moodeen in Dekad raashin laga rogaayo, war waqtiga iyo shilimaadka xaaraanta ah yaysan idinka lumin.

  9. ASC dhamaantiin.
    Wiil Xeraaale, waan kusalaamay.
    Si fiican ayaad runta ugu sheegtay kor. Waa xaqiiqo sidda aad u sharaxday. In beenta iyo munaafaqadda kala miirmi doonta. In sidda uu Afweeyne sameeyay 1990gii, oo aheeyd in uu kaarka qabiilka damcay in uu ku cimri dheereeysto markii uu kaarkasta horray u soo isticmaalay. In Hawiye calool madoobe uu marwalba wax shalay eey haleeyeen eey maantay isku dayaan in eey saxaan.

    Walina waa lusan yahiin Hawiye calool madoobe, maadaama eey is dhex fadhiyaan daanyeer Shiiq Shariif, Abdirahmaan Abdishakur iyo doqon Kheeyre oo shalay dhahayay “areey Farmaajo ii geeya” oo kuwa eey la fadhiyaana eeysan u sheegeeynin waxaan uu daanyeer Farmaajo sameeynayo in eeyba iyaga sabab u yahiin. Daanyeero.
    Dalmida
    God bless Somalia 🇸🇴

Leave a Reply to wiil xeraale

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented