|

DAAWO : RW. Xasan Cali Khayre “Waxaan C.C.Shakuur ka raali geliyey Weerarkii 2017 iyo Dhibkii gaadhay”

Muqdsho ( Kalshaale ) Musharax Madaxwayne Xasan Cali Khayre , Sidoo kalana ah Raysal wasaarihii Hore ee Soomaaliya oo dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho ayaa Caawa Booqasho ugu tagay Siyaasiga C.raxmaan Cabdishakuur Warsame, oo Horay Xukuumaddii uu ka tirsanaa Weerar ugu Qaaday.

Khayre ayaa sheegay inuu cabdiraxmaan Cabdishakuur ka raali geliyey Weerarkii Hogyiisa lagu Qaaday, Wuxuuna sidoo kale ka hadlay Kulanka dhexmaray.

Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay.

Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa.” Ayuu yidhi Xasan Cali Khayre.

Khayre ayaa Olole xoogan ugu jira Inuu Noqdo Madaxwaynaha dalka, Wuxuuna sidoo kale ka Garaabayaa hada Khaladaadkii Siyaasadeed ee Xukuumadiisu ay gaystay, markii uu Xafiiska raysal wasaaraha joogay.

Dad badan ayaa Go’aan geesinimo ku tilmaamay raali gelinta uu bixiyey Khayre, Balse waxaa jira dad aaminsan inuu yahay Xiligan Hadal Musharax Olole ku jira, oo ay Arintaasi ku Wacnayd Markii uu Xafiiska Joogey ee Mindida uu daabka hayey.

Maxay kula tahay adiga ?

Kalshaale.com

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36028

Posted by on Nov 21 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “DAAWO : RW. Xasan Cali Khayre “Waxaan C.C.Shakuur ka raali geliyey Weerarkii 2017 iyo Dhibkii gaadhay””

  1. Labadaan ninba waa laba daanyeer oo caqli laheeyn. Been iyo munaafaqnimo ayeeyna isku sheegeen.

    Weerarkii lagu qaaday Abdirahmaan Abdishakuur iyo mooryaantiisa waa eey saxsaneeyd, oo sharciga iyo kala danbeeynta iyo dowladnimada ayuu kasoo horjeeday daanyeer Abdirahmaan Abdishakuur sida eey u badanyahiin reerkiisa Ceeyr ee aanan caqliga badan laheeynba.

    Now, Kheeyre hadeer tilaabo sax aheeyd markii hore waxa uu u leeyahay qalad ayeey aheeyd waa isaga oo uu Farmaajo miisla lagadiyay oo uu si sharci darro ah 7 daqiiqo u raacdeeyay, isagana uu buuq la’aan si doqonnimo ah albaabka uga baxay Kheeyre. Therefore, hadeer waa is xulafeeysi ku dhisan caqli xummo iyo munaafaqnimo qabiil. Photo-op kaan, iyo igu sawirkaan uu lagalay Abdirahmaan Abdishakuurna waxna uma soo kordhinaya walaahi, wax ayuuba kasii dhimaya oo dadka caqliga leh waa fahmi karraan ujeedada. Waxeeyse aheeyd, sida uu Abdirahmaan Abdishakuur sharciga u jabiyay ayuu daanyeer Farmaajana sharciga u jabiyay markii uu raacdeeyay daanyeer kheeyre, markaa waxaa la rabbay in uu sharciga ku taagnaado daanyeer Kheeyre, oo uu ku dhaho Farmaajo, adiga ayaa baxaya, oo qabiil ayeey dowladda dhexe ku dhisan tahay, mana i raacdeeyn kartid.

    Irony, ayaa waxeey tahay, Farmaajo iyo Abdirahmaan Abdishakuur waa isku dhaqan, oo labadooda reer, Ilkayar iyo Ceeyr waa qaswadayaal fashilmay. Waxeeyna hadeer tahay in Farmaajo laga qabto dalka, oo sharciga iyo burburinta dowladnimada Somaliyeed uu ku haayo laga celiyo oo la raacdeeyo.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  2. Khayre waxuu muujiyay inaa-nuu khibrad siyaasadeed lahayn. Khalado badan ayuu galay markuu gacanyare fudud u ahaa Farmaajo. Si fududna Farmaajo isu dhaafiyay.kkk

    Dib yaan laydin-ku sawirin!

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  3. Shariif sakiin caadi maaha isagaa garwadeen ka ahaa heshiiska oo waliba shariif sakiin waa khayre seedigiis any way waa talaabo wanaagsan is cafintu ilaahay ayaa kufarxa waxay ka mid tahay toobadkeenka

  4. niman gobollo iyo dawladda dhexeba ku fashilmay oo u shaqeeya cadawga dadka iyo dalka soomaaliya ayaa isugu habar wacanaya inay sheerar lagalaan dowladaha iyo shirkadaha soomaaliya boobabaya
    laakiin aan garanayn si dawlad loo hoggaamiyo alla hanaga Qabto

  5. Khayre ma sidaan moodayey mise siduu noqday waxan u haysanay wadani wadani dhalay lakiin siduu moqday ee uu rabo inu kenya u adeego,anigu waxan ka yaabay raga somaliyeed waliba kuwa hawiyeh waxa damiirka iyo dadnimada ka qaaday kaad aragtaaba ka kale ka daran kursi dartii ayaa wax aduunka kale ka xaraana loo samaynayaa kukuuyo aan moodayey in somalidu ka aqli badan tahay ayaa dalkagi kugu haysta oo kugu shaqaysanaya hada adiga kaama yeelayan in aad dalkooda iyo siyaasadooda faro galiso War ilaahay ka yaaba oo madaxnimo waxba ma tartee caruurta somaliyeed bilaa mustaqbal haka dhigina oo xishooda oo i garabyaaca joojiya jaahiliin yahay subxaanalah

Leave a Reply to Cadaado

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented