|

MUUQAAL: Khayre oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyey Muqdisho maanta iyo Arinta Doorashada

Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre haddana ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib muddo uu ololahiisa doorashada ka waday dalalka dibadda,  wuxuuna jeediyay khudbadiisa ku aadan walaaca uu ka qabo arrimaha doorashooyinka ee aan wali lagu wada qanacsaneyn.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xasan Cali Kheyre wuxuu khudbadiisa ku sheegay in waqtigii uu xilka hayay uu si cad usoo bandhigay fikirkiisa ku aadan qaabka ay tahay in doorashada loo qabto, isagoo aaminsan in hadii lagu heshiin waayo nidaamka doorashooyinka aan lagu heshiineynin dowladnimada ka dhalata.

Wuxuu tusaale usoo qaatay khalalaasaha ay wajaheyso dowladda Itoobiya oo xaalado dagaal dhexda kaga jirta, wuxuuna tusaaleyn usoo qaatay in dhibaatooyinkaas dalka dariska ah ka jira ay ka bilaabatay arrimo doorasho oo lagu heshiin waayay. “Hadii aan lagu heshiin nidaamka doorasho oo aan lagu wada qanacsanaan, lagu heshiin maayo dowladnimada ka dhalata,”

 “Sidaas daraadeed ayey muhiim tahay inaan wax ka barano taariikhdii lasoo dhaafay iyo tan maanta ka taagan dunida meelo badan oo ka mid ah oo ay ugu horreeyaan dowladaha dariska ah, gaar ahaan Itoobiya, oo khalalaasaha hadda ka taagan loo aaneynaayo iney salka ku heyso doorasho dib loo dhigay ama lagu heshiin waayay.”

“Doorasho aan lagu heshiin ama doorasho la’aanina waan ognahay taariikhda ay dalkeena ku leedahay, si aan uga fogaano khalalaase dalkaan ka dhaca, si dowladnimada aysan gadaal ugu dhicin, si umadda Soomaaliyeed aaney niyadda uga jabin, waxaa muhiim ah iney dalkaan ka qabsoonto doorasho la isla ogol yahay.”

“Ma ahan waxaan hadda sheegaayo, waa waxaan sheegay markaan xukuumadda ku jiray, waxaan ka digay inaan la ogoleyn muddo kororsi, waxaan kaloo ka digay in hadii aan dalka doorasho laga hirgalin loo dhan yahay iney keeni karto walwal iyo walaac.”

“Waxaan maanta dalka dib ugu soo laabtay inuu jiro walaacaas iyo walwalkaas”

Ugu dambeyntii maalmaha soo socda waxaa la filayaa in musharaxiinta mucaaradka ay ku shiraan magaalada Muqdisho iyagoo laga yaabo iney Bayaan wadajireed kasoo saaraan guddiyada ay saluugsan yahiin oo ay dowladda u diyaarisay iney qabtaan doorashooyinka dalka iyo xaaladda uu wadanka ku sugan yahay.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=36019

Posted by on Nov 20 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

21 Comments for “MUUQAAL: Khayre oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyey Muqdisho maanta iyo Arinta Doorashada”

  1. Waa ninkaan isleeyahay waa u qalmaa. Hogaaminta USC.

    Mid iga qora maanta, Guddiga CBB oo ay ula baxeen Guddiga Doorashada waa la kala dirayaa mar dhaw, ama odaygaa la dirayaa ku bishaareysta, screenshot ka qaata haddaba🖐.

    Qofkaan aqoonin meesha laga yimid.
    Ma garan karo halka loo socdo👏👏..

    Xasan cali kheyre. Nesxt prsedente.

  2. Madaxwaye khayre soo dhowow dheesha somaliya

    Ka socota waad ka bixi kartaa karti iyo hufnaan ku

    Hogaami somaliya reer muqdisho maanta way

    Hadleen waxay si buuxda u tagereen hogamiye khre

  3. Mudaaharaadyo looga soo horjeedo Farmaajo oo hada Ka biloowday Muqdisho.

    Ninkii muxuu yiri ….. Falaartii cirka loo ganey nin walboow filo.

    Qaar baa intay la yaabeen sabirka reer Muqdisho iska dhaadhiciyey in ay hurda dheer galeen laakiin yaa u sheega kuwaas in aan maantay soo jeedno oo aan diidnay Farmaajo Beenaale Qaainul wadan.

    Khayrlaawe waa la mid asna waan diidnay walaan Qabiil aan dadka qaar ku taageerin Khayrlaawe has to go.

  4. mingistume soo Dag

    KHAYROOW/ Mar hadaad hogaanka heysid waa
    inaad Ogaatid in musuuliyadu adiga dusha
    kaa saaran tahay.?…
    ——————————————
    NIN XIL QAADAY EED QAAD?..

  5. ASC dhamaantiin,
    Caaqil Garqaad waan kusalaamay.

    Maya, maya, kuguma raacsani in uu ninkaan daanyeerka ah ee Kheeyre yahay ninkii hogaamin lahaa beeshiisa iyo waxa la dhaho USC. Waanse ixtiraami sida aad ula dhacsantahay daanyeer kheeyre.

    Sow ninkaan maahan ninkii dabadhilifka u ahaa daanyeer Farmaajo 3 sanno ku dhawaa, ee kadibna Todobba daqiiqo si sharci darro ah lagu raacdeeyay, ee albaabka ka baxay isaga oo aanan shanqar sameeyn? Maalintaas ayeey ka sahlaneeyd in uu buuq sameeyo, oo uu diido amarka sharcdi darrada ah, iyo sharci ku tumashada Farmaajo, maalintaas ayaa ka sahlaneeyd maalintaan kale iyo waxa soo socda iyo qalalaasaha uu ka hadlaya ee dhici doona. Waa fulay daanyeer Kheeyre. Wax uu sameeyn waayay, dad uu hogaamin waayay, ayuu hadeer leeyahay kacaay, oo buuq sameeya. Buuq uu isaga uusan sameeyn ayuu rabaa dad kale in uu dhaho sameeyo. Daanyeer Kheeyre waa fulay.

    Waxaa kaloo doqomo aanan waxba ka barran taariiqda sidaas owgeed ku celin doona ah, dadka aanan la xisaabtameeynin ninkaan Kheeyre, Shiiq Shariif, Ahmed Macalin Fiqi, Abdirahmaan Abdishakuur iyo waxa qashinka ah ee lamid ah, ee aanan xasuusineeyn “contribution” koodii, iyo in eey aryaa Farmaajo ii geeya dhihi jirreen cabaadkooda maantay ka hor.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  6. Cadaado waan ku salamay aqoonyahan.

    Sxb waan ogahay mr kheyre in uu tolkii xumeeyay dabadeedna daqiiqado daaqada lagaga saaray.

    Baahashu waa wejiyo badan tahay. Reer tolkeey 30 musharax ayey meesha la imanayaan waana wixii horay loogu jabay.

    Sababtaan Mr kheyre u tageraayo waxa weeye. Isaga waan iibin karnaa ayaan isleeyahay.

    Eboow laangaab. Waxaa laga hor geyaa laangaab kale.

    Wexey igula quman tahay. 20 musharax ee mudulood in la dhoho gadaal soo istaaga. Kheyre ayaan wadanaa.

    Aqoonyahan cadaadoow. Midna iga qor.
    Doorasho wanaagsan ma dheceyso.
    Feer iyo faralaab ayaa laysula tegi donaa.

  7. 1000 qof soo urursha ama 100 soo dira Hawiye waxba ma maamulikaro.
    Guide doorasho wax ma doorato waxna ma soo xusho,waa Guddi qaabilsan adminka haha socota.

    8 oo Hawiye soo maamulay Muqdizho,hal wasaarad oo shaqaynaysa looguma Iman.

    30 sano kadib bal u firso Muqdusho
    Hawiye Hawiye hayska biqleeyo.

    Waxba ma maamulikaraan

    Garoowe ayaa aamusiin taqaana
    Runt waa sidaa.

    Dalmida

  8. Caaqil Garqaad waan kusalaamay brother.
    Waan kugu raacsanahay in eeysan u ekeeyn in eey dhacdo doorasho wanaagsan. Waana runtaa in eey suurtagal tahay qalalaaso siyaasadeed in uu wadanka galo kadib marka uu daanyeer Farmaajo layimaado sheekadii adeerkiis Afweeyne ee aheeyd waxaan helay codkii 99.9 percent.

    Hadii eey taas dhacdo oo wadanku qalalaaso galo, daanyeer Farmaajo waxuu leeyahay 10 percent eeda iyo dhibka dhaco. 90 percent waxaa iska leh daanyeer Shiiq Shariif ee dhahay areey Farmaajo ii geeya, iyo daanyeerkaan Kheeyre ee Afar sanno u nacamleeynayay Farmaajo ee hadeer iska dhigaya nin kasoo horjeeda.

    Waxaan kaloon kugu raacsanahay Garqaadow, in tiradaan badan iyo daanyeer kasta oo Hawiye ee dhahay waan is sharaxayaa in la yareeyo, Mudulood kaliya maahanee, dhamaan Somalida, qaasatan kuwa sheegta Hawiye ayaa larabaa intooda badan in eey tartan gooni ah, oo hoose, sida “primary election” is reebreeb dhexdooda inta loo sameeyo, laga soo saara qofka uGu taageerada badan ee uGu fursad fiican in uu albaabka tusso daanyeer Farmaajo.

    Dalmida.
    God bless Somalia.

  9. Dhoolatuska maanta Khayre loo sameeyey wuxuu fartiin u diray Fahad, Farmaajo iyo kooxaha la baxay xoogaga wadaniyiinta.
    Ogow maanta dadka soo dhaweeyey maahayn dad wada taageersan Xasan Cali Khayre,balse waxaaba ku jirey kuwa ay aad siyaasad ahaan isaga soo horjeedaan.Laakiin meesha waxaa ku dhacday “Tolla’aye nimankii ii tashadee todaba minid igu tuuree i tukhaantukheeyey.Tusa inaan tol leeyahay oo u tuuja turuqyada.Tacadigaad tirsanaysaan tooka kale aan ka tookhnee”
    Ar wacade hawiye turub baray

  10. Waa buuq ku salaysan cadiifad qabiil iyo nacayb Reer kale.Cadiifad Qabiilna khatarteeda ayay leedahay.

    Uma bahna in la soo dhaweey oo Rag hubaysan Airport kaga horr tagaan kķ
    Mr 7 mnt.
    30 le isdaba ordayaan,wax qabtaana ma jiràn.

    Dalmida

  11. Asc,

    Ugaas Xaange & ninkan aan awoowga u ahay sigaara salaan sharaf leh iiga gudooma.

    Kelmad kooban hadaan ka idhaahdo dhoorashada koonfur Somaaliya, u malayn maayo in nin ka liita Farmaajo inuu ku fadhiisan doono kursigaa Villa Xamar ku dhexyaal.

    Farmaajo wuxuu aaminsanyahay in keli kursigaa ay ku haynayaan Abiy Ahmed, Mosevini & Afewerki.

    Runta hadaan indhaa laga leexin Farmaajo koonfur Soomaaliya inta gacanta ugu jirta oo aad u kooban wuxuu gacanata u geliyay Axmed Abiy. Wuxuuna ka dhigay Kiil ka tirsan kiilal-ka Itoobiya. Tobo-naan tusaale ayaan halkaan soo dhigi karaa oo cadaynaya in Villa Soomaaliya laga xukumo Adis Abeba. Mayd waxaa ugu danbeeyay kaa la sii sido waa xikmad Soomaaliyeed.

    Farmaajo wasiir Cawad oo aad ugu dhawaa ahaana ragii uu u isticmaali jiray burburinta Puntland wuxuu u eryay; maxaad dhex dhexaad inooga dhigtay dagaal hoosaadka Itoobiya ka socda oo Ahmed Abiy u taageeri weyday!!!

    Wasiir Cawad weligay ma taageerin waraaq uu qoray, waana nin siyaasad ahaan misaan culus lahayn oo aad u han yar. Hadana fecil celintiisa ku aadan dagaalka Itoobiya ka socda mawqif saxa ayuu ahaa siyaasiyan. Waayo hadii dal kula jaara dagaal hoosaad ka dhex qarxo marka hore wadada dubla-maaseyeed ee kuu furan waxa weeye inaad dhinacyada dagaalamaya ugu baaqdo inay khilaafka nabad ku dhamaystaan.

    Dhacdadan shalay uu ku kacay Farmaajo waxay markhaati madoonto u tahay in waxa qudha ee uu xiisaynayaa tahay in kursigaa ay ku sii hayaan Abiy & Afwerki taa bedelkeeda-na Soomaali Koonfur ka dhigay mid ka mida Kiilal-ka Itoobiya!

    Markaa shacabka Koonfur Somaaliya ee leh shucuur wadaninimo waxaa la gudboon inay doortaan nin ama gabadh dadkiisa & dalkiisa u adeega. Farmaajo-na intaad qabataan jeelka dhiga.

  12. mrs Indha xafajo,

    Shalay waadigii Khayre taageerayee ma Farmaajaa minyaro kaa dhigtay?kkk

    Mida kale dadka Airport-ka gelayaa dee waa magaladoodii ee maxaad ka qaban kartaa? Bal tag adigu Airport-ka oo ka celi, walaahay inay adiga sabarad kaa dhex saari!kkk

    Miskiin looma ooyaana!

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  13. Ahaaa… Uhurow madaxweyne Somalia iiga dhig.. Kuwani damiir xumaa..

  14. Khayre haduu madaxweyne noqdo qaylada majoojinaysaan hiraab iyo kablalax maxaa idiin talo ah kkkkk

  15. Laalays
    Ma ictiraafkii baa rajo beel ah maxay tahay koonfur baad ku dhex waalateene in isaaq maanta xamar kadhex mudaaharaadayo midnimadii ayaa soo dhow ibnu aadam iswaayay arinaa kala gaysay soo dhawaadaa mar labaad

  16. Laalays
    Waan ku salaamayaa Suldaan.
    Farmaajo si kal iyo laab ah ayuu isuguu dhiibey Oromaka Abiy.
    Waxaan anigu ka quustay markii isaga iyo afadiisu inta israaceen ay ubaxa dul dhigeen saraakiishii dagaalkii 77 uga dhimatay Ethiopia.
    Markii Uhuuru usoo dirsaday Abiy Farmaajo si dhibyarna gacanta loo sii qabtay sidii ilma yar oo nacnac dukaaka looga soo iibinayo oo Nairobi laga dajiyey sidii aanu u sugayney Kenya oo raaligelin bixisa.
    Farmaajo waa nin aad u han yar laakiin kursigaa iska caashaqay.
    Wuxuu soo magacaabay oo wato haddaad aragtana waa wax isaga kasii han yar.
    Cawad wuxuu ka mid ahaa kuwaa sidiisa u hanka yar,laakiin arinkaa Ethiopia in dhex dhexaad laga noqdo sidad sheegtay wuu ku saxnaa.
    Midka uu hadda keenay oo xilkaa u magacaabay isna wuxuu kasii han yaryahay Cawad.

  17. Gedo land

    kkk

    Waa ku salaamay adna saaxiib, majaaji-layste!kkk. Aan ku toosiyo!

    Kow Isaaqa Xamar Jooga waxay la mid yihiin Hindi-da & Pakistaan-ta Xaaqda wadooyin-ka Dubai ama Abu- Dhabi. Waa shaqaale quud maalmood-kooda ka shaqaysta adna ogtahay inaanay cid kale metelin. Haday idinku soo bateena dee sun ku buufiya!kkk

    Labaad anigu qabiil kuma doodo inta badan ma jecli inaan xitaa qoro magac qabiil, laakiin adaa dalbadee su, aal aan ku weydiiyo.

    Dalkii Dhamaa ee Soomaaliya la isku odhan jiray hadaanu nahay Somaliland waxaanu idiinka tanaasulay Calankii, maalka aan guurin & ka guura, kursigii UN-ta.

    Maxaa keenay Daarood & Hawiye inay hadiyadaa aanu siinay/tanaasulay u qaybasan waayaan oo ilaa maanta isku haystaan?

    Banaan-kaa hadaan iska kiin taagnay oo xitaa weliba idinku nidhi wax walba qaata maxaa naga rabtaan? Cawaan fawqal cawaan!kkk

    Gunaanad tan Midnimada waxaan kaa idhi;

    xaq baad u leedahay inaad riyooto. Lakiin waxaa ka horaysa in marka hore qoladiina Soomali koonfureed ee qalfoof-kii aad dhaxasheen lafaheedii ruugayaa heshiisaan oo aydaan nasoo hor fadhiisan idinkoo 7 Dal/Garac ah!

    Markaad heshiisaan laba mid ayaa dhici;

    1. Inaan si walaalnimo u noqono laba dal oo jiiraan ah.
    2. Iyo in aan dagaal laysku muquuniyo.

    Laba-daa mid kasta diyaar ayaan u nahay!

    Habeen wacan dhinacayga.

  18. Ugaas Xaange,

    Qoraalkay-ga ku aadan Farmaajo intii ka dhinayd adaa buuxshay. Mahadsanid.

    Shacabka koonfur Soomaaliyeed ma dooran Farmaajo waa ay u gacan tumeen soo dhaweeyeen. 4 sano ka dib abaal gud waxuu uga dhigayna waa ogyihiin.

    Nin ama gabadh kale doorta ayaa kula talin lahaa. kkk

  19. Asc akhyaarta eeboow khayre wuxuu ku fiicnaanl lahaa inuu laandheere yahay sorry WAANU KA XUNAHAY

  20. Soomalidu waxay ku maah maahdaa ( BAQAL FARDO LAMIRATAY KA MID BAY ISMOODAA)

  21. Waxaan Waali Iyo Munaafaqad daldumin AH waa dhaaftay Xamar waxaa JOOGA OO DALKu inuu israaco DIIDAN waa KOOX BEESHA HAWIYE kamid AH oo Aad Ula dhacsan DHAQAN KA SNM OO SOOMALILIND KUDHAWAAQDAY INKASTA OO HADA SNM KUSOO URURTAY HARGAYSA GEBILEEY OO QUDHA DADKII DAGAALKII DAOWLADII KACAANKA LA SOO DAGAALAMAY EE BEESHA UGU GOBAYSAN OO UGU DHAQANKA WACAN OO UGU SAMIRKA BADAN OO SAAXIIBKA FIICAN INKASTOO DAD I ODHAN DOONAAN WAAD KA BAD BADI SAY EE GARXAJIS GEBILEY IYO HARGAYSA SHARAFTOODII LAGU AASAY SIDII CABDI ILAY JEEL OGAADEEN UGU SAMEEYEY MUCAARADKII XAQA AHAA EE ONLF EE XAQ UDIRIRKA AHAA KOOXDA XAMAR JOOGTA EE HAWIYE EE AAN JECLAYN MIDNIMO SOMALIYEED OO DHAB AH WAXAY KUU MUUQAN DOONAAN MUDADA DOORASHADA IYO KUWA KAHOOS SHAQEEYA LASOCO MAGAC YADOODA IYO JIFOOYINKOODA HOOSE HAL ASBUUC KADIB

Leave a Reply to Garqaad

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented