DAAWO: Xasan Cali Khayre oo si wayn Loogu soo dhoweeyay Muqdisho iyo Waxa dhacay

Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa maanta magaalada Muqdisho si balaadhan loogu soo dhoweeyay Musharaxa Madaxwaynaha DF Soomaaliya Xasan Cali khayre.

Khayre ayaa mudooyinkii dambe ku sugnaa dalka Turkiga, Wuxuuna horay Booqasho ugu tagay dalalka Jabuuti iyo kenya taasi oo Qayb ka ahay Ololihiisa Doorashada.

Boqolaal shacab ah , Ciidamo Iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa ka Qayb galay Soo dhowaynta Raysal wasaarihii Hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Magaalada muqdisho waxay hada marti gelinaysaa Kulamo Siyaasadeed oo Xiiso badan, waxaana soo gaadhay Musharixiin kala duwan.

Maalintii shalay waxaa sidoo kale muqdisho lagu soo dhoweeyay Madaxwaynihii Hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo kamid ah Musharixiinta Xilka madaxwayne u taagan, Waxaa sidoo kale Masuuliyiinta Muqdisho soo gaadhay kamid ah maanta Daahir Maxamuud Geelle

Gudiga Doorashada ayaa weli dood ka taagan tahay, Balse marka la eego Sida ay Dawladdu ugu Fududaysay Musharixiinta in garoonka lagu soo dhoweeyo , Waa Rajjo wanaagsan .

Kalshaale.com

Warar Sugan iyo Suugaan

Hoos ka daawo Sawiradda soo dhowaynta Xasan Cali Khayre.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 15)

  1. Barwaaqo says:

    Dabshid
    Bal mar uun turubka siyaasadda sida loo baandheeyo garta.

  2. Dabshid says:

    Barwaaqo

    Waa runtaa

    Nin aan waxba kugu soo kordhineyn
    Inaad kula shirkowdo
    Dukaankada soo Gunimo maahan.

    Bal Dabshid iyo Adeerkiis Muuse Suudi
    Ma lagula shirkoobikaraa Hargeysa?

  3. Barwaaqo says:

    Dabshid

    Maroodi awoodiisa ka indho la’ oo marba Ruwaayad loo daaro ayaad noqoteen Dee. Bal nin aan dhulkiisa cagaha saari Karin ayaa microphone 🎤 laydinku soo dhiibaa kaas oo indho sarcaad iyo dhul baan metelaa idin leh.
    Tusaale: markuu Mahdi idin lahaa Hargeisa ayaan tegi karaa soowdinkii ka dhegaysanayey. Dadkii dhegaysanayey ma waxa laga waayey qof ku yidhaah bahasha beenta ah joogi ileen Greenlander uma sheekaynaysid’e!

  4. wiil xeraale says:

    inacolow
    sxb waa runta lakin marki aan eego dhaqanka farmaajo iyo tagareyashisa
    waa dhaqanki somali halkan dhigay
    waayo waa nin ilowsan wixii lasoo maray waa ilowsan sidii shalay wax loogu dhiibey waa ilowsan qaabki shalay doorashadu u dhacday waa nin ilowsan in aan nina maanta xoog lagu qasbi karin waa nin ilowsan in qabiil walba dowlad yahay maanta waa nin ilowsan uu kusoo ololeyey shalay isagu iyo Sharifti loogu dhiibey mana lahan dad la taliya iyo qabiil qabta iyo nabadon iyo caqli iyo siyaasad ku filan toona waar xage loosocda

  5. mingistume soo Dag says:

    waxaan hawada Sare london ka salamayaa
    Marwo Barwaaqo marka hore asalaamu caleykum
    waraxmatulaahi wabarakaat. salaan gobeed
    Muddo dheer isma aynu maqal axyaa wadani
    Marwo barwaaqo/mahadsanid.
    ————————————–
    Barwaaqo/ Always happy to hear you.

  6. wiil xeraale says:

    DABSHID
    ugaas waxan jooga
    Addis ababa
    beerii farmaajo
    geedaha ku beeray hotel u dhow in sha Allah 23 bisha ayaan baxaya sxb
    Odaygii baas sheydan trump waa na dhaafay

  7. Dabshid says:

    Barwaaqo

    Maanta waxey Ethiopia Xilkii wasiirnimo ka qaadey Wasiir CAWAD, miqaad aragtey
    Daarood DAASADO GARAACI sidii Waqtigii Xassan Shiikh

    Miyaad aragtey Shiikh Daarood oo leh Diintii iyo Dadkii ayaa lala wareegay.

    Waqtigii Xassan Shiikh dariishad kasto ayey naga soo galeen illaa

    Shiikh Bashii iyo Shiish Cali Wajiis oo ah
    Xassan Shiikh adeero u ah, golihii Doorashada ka dhahaan NINKII COD SIIYO XASSAN SHIIKH, ETHIOPIAN waaye.

    * Gun Gurigoodii gabey inuu go’aa dhaanto

  8. Dabshid says:

    wiil xeraale

    KKK

    Salaan sare Kafiil

    Ha isku Taaban Geedaha uu Farmaajo ku TALAALEY Addiss Ababa haddii kale waxaa lagu dhahaa – Mucaaradka wiilkeena Fahad Yasiin

    – Kismaayo Miino ku talaal, Addiss Ababa Ubax ku talaal waaye Waxqabada Farmaajo

  9. Mr BaHaL says:

    Makaan soo degayo I soo dhaweeya kkkkk
    Ii soo baxa.

    Halkii Qanyare ayyuu buuxiyay.

    Halkii Cismaan Caato waxaa ku jira Mr Guuleed.
    Halkii Indha-cade waxaa ku jira ina Cabdi-shukuur.

    Dalmida

  10. Land of Punt says:

    Barwaaqo iyo Dabshid
    Alla maxaad been isku shubtaan..kkkkkkk
    Hargeysa iyo Xamar Isaaq yo Hawiye malaha waa dhul Somaliyeed oo wada dhisanay..run
    Haddii qabiil walba meesha u badan yahay ooto sida xeradii geela lagu xaraysan jiray oo lakala sheegto.
    Darood wuxuu degaa 68% dhulka somalida degto…..
    Car Burco, Baraxley iyo Qansaxdheere iyo Baraawe iisoo dhaafa..
    kkkkkkkkk
    Dad qaawan oo in dhar laga furto ka baqaya iga dheh. Dadkaan fulaysanaa..kkkkk
    Cabsi Darood ayaa dishay oo uba jeedin..kkkkk
    Maxaa taagii Hargeysa iyo Boocdii Xamar yaal haddii caasumad laga bedelo..
    Walaahi dameeraha xitaa in ku noolaan doonin haddii Xamar caasumad ahayn..run
    Allow dadkaaga aqli sii.
    kkkkkkkk

  11. Land of Punt says:

    Khayre oo Farmaajo booska ku haysta..kkkkkkk
    Laakiin aniga midkoodna ma rabo.
    Labaduba waa dad goboladoodii dayacay oo anti federalist ah oo Alshabaab u shaqeeya.
    Somali maaha raggii isku keeni lahaa Farmaajo iyo Khayre.
    Aniga yaan Baraxley la iisoo dhaafin inta sida rati macsaro shiidaya iskadabo kawareegaysaan.
    Nejis sayn leh oo quule iyo gocoso qod badan..kkkkk

  12. Barwaaqo says:

    Dear Mingistume
    Waad ku mahadsantahay soo dhoweyta.

    Land of Puntland
    .Kulahaa 68%! Xiligan ma aha xiligii hal Idaacad iyo xidigta October dadka lagu harowsan jiray. Garoowaan Kulaalayaa markaasaad iyo Burco sheeko kale sheegaysaa.

  13. Land of Punt says:

    Barwaaqo.
    Jimce wanaagsan ka dib..
    Garoowe xiniinyo Isaaq ku kulaali maysid, reer hooyadaa oo dhulkoodii jooga ayaad shirko noqoteen.
    car dhul Dhabayaco imaada idinka iyo reer abtigaa.. Ha iloowin in jirto maalin Dhabayaco beer reebin.
    Kibirow idaa! Garoowe kulaalaysaa.

  14. Barwaaqo says:

    LOP
    Inaabti hana kala gurin ilma Somaliland baanu wada nahayee. Bal Dabshid is afgarta oo si quman ula heshii.

  15. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin,

    Sow ninkaan maahan daanyeer Kheeyre ninkii dabadhilifka u ahaa daanyeer Farmaajo 3 sanno ku dhawaad, ee kadibna Todobba daqiiqo si sharci darro ah lagu raacdeeyay, ee albaabka ka baxay isaga oo aanan shanqar sameeyn? Maalintaas ayeey ka sahlaneeyd in uu buuq sameeyo, oo uu diido amarka sharcdi darrada ah, iyo sharci ku tumashada Farmaajo, maalintaas ayaa ka sahlaneeyd maalintaan kale iyo waxa soo socda iyo qalalaasaha uu ka hadlaya ee dhici doona. Waa fulay daanyeer Kheeyre. Wax uu sameeyn waayay, dad uu hogaamin waayay, ayuu hadeer leeyahay kacaay, oo buuq sameeya. Buuq uu isaga uusan sameeyn ayuu rabaa dad kale in uu dhaho sameeyo. Daanyeer Kheeyre waa fulay.

    Waxaa kaloo doqomo aanan waxba ka barran taariiqda sidaas owgeed ku celin doona ah, dadka aanan la xisaabtameeynin ninkaan Kheeyre, Shiiq Shariif, Ahmed Macalin Fiqi, Abdirahmaan Abdishakuur iyo waxa qashinka ah ee lamid ah, ee aanan xasuusineeyn “contribution” koodii, iyo in eey aryaa Farmaajo ii geeya dhihi jirreen cabaadkooda maantay ka hor.
    Dalmida.
    God bless Somalia.




Gollaha Musharixiinta oo la Saftay Kenya, Kana Horyimid Go’aankii Ay Dawladda Somalia Xidhiidhka ugu Jartay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Musharixiinta Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Bayaan ay soo saareen Caawa ...
Daawo: Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana hadlay Go’aankii DFS
- Dec 1, 2020
Nairobi (Kalshaale ) Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana ...
Muuqaal: IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka iyo Xiisad Cusub
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka ...
MUUQAAL: Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble oo Gudoomiyey
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble ...
Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal oo War-murtiyeed uga hadlay Waxa u Qabsoomay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa maanta soo ...