Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho in Ciidan galo oo mucaaridku ku samaysto Soo dhowayn Maxay ka dhigan tahay

Muqdisho ( Kalshaale ) Gudaha Garoonka Diyaaradaha ee magaalada a muqdisho waxay musharixiintu soo galiyeen ciidan hubaysan oo xittaa Tikniko wata taageerayaashoodii ayaa ilaa halka ugu danbaysa loo ogolaaday waxaa loo furay qaybta VIP -da.

 jidka Airport ka aada waxaa jooga Taageerayaashii musharixiinta waxaa amnigooda sugaya ciidanka dawlada saxaafadii ayaa si xoriyad leh u tabinaysa dhaqdhaqaaqa musharixiinta iyaga oo aan ka cabsanayn dawlada  waxaas oodhami waa calaamad wanaagsan oo muujinaysa in Dawladnimada soomaaliya ay ka qaangaadhsantahay sida la moodayo.

Waxaan rajaynayaa in madaxwaynuhu garwaaqsan doono cabashada mucaaridka oo Dib ugu laaban doono Gudiyada Doorashada.

Haddii aan la isu garaabin waxaa lumaya fursado wanaagsan oo maanta aan haysano.

Musharixiinta maanta yimi waxaa ka mid sheekh Daahir maxamuud geele iyo xasan cali khayre waa niman miisaankooda leh oo Rajo badan laga qabo inay si taxadarleh u wajihi Doonaan xaaladaha Taagan taas oo ka madax banaan abaabul qabyaaladaysan iyo in la abuuro rabshado aan dhamaadkooda la aqoon cidda ay galaafan doonto.

W/Q: Maxamuud Axmed Shire

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Dabshid says:

    Mr Shire

    Ma waxaad la yaabtey IN RASALWASAARE KHEYRE ay soo dhaweeyan Wiilashuu adeerka u ahaa

    Ma waxaad la yaabtey in shacabka Xamar soo dhaweeyaan NINKII KURIGIISA KA DOORTEY inaan LA KORORSAN XAMAR IYO XAMAR DAYE

    – In Siilanyo
    lagu soo dhaweeyo Hargeysa SUAAL KAMA KEENEEN MUUSE SUUDI

    * Dulqaadka Badan Suaalo Qaldan ayuu kugu keena




Gollaha Musharixiinta oo la Saftay Kenya, Kana Horyimid Go’aankii Ay Dawladda Somalia Xidhiidhka ugu Jartay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Musharixiinta Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Bayaan ay soo saareen Caawa ...
Daawo: Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana hadlay Go’aankii DFS
- Dec 1, 2020
Nairobi (Kalshaale ) Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana ...
Muuqaal: IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka iyo Xiisad Cusub
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka ...
MUUQAAL: Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble oo Gudoomiyey
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble ...
Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal oo War-murtiyeed uga hadlay Waxa u Qabsoomay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa maanta soo ...