Xogta Xiisada dagaal ee Itoobiya oo Wasiir Cawad Kursiga looga tuuray !

Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirkii Arimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa  Wareegto kasoo baxay Xafiiska ra’isalwasaaruha Xilkii looga Qaaday, Waxayna xil kaqaadistan  dhalisay hadal-heyn xooggan, iyadoo xukuumadda Rooble ku jirto 100 kii maalmood ee ugu horreeyay.

Sida ay xaqiijiyeen, Diblomaasiyiin Soomaali iyo ajaanib isugu jira, iyo ilo xog- ogaal ah oo ku sugan wasaaradda Arrimaha Dibadda amarka xil ka qaadista wasiirka ayaa yimid kaddib xidhiidh toos ah oo maanta dhex maray madaxtooyada Soomaaliya iyo dublamaasiyiin sar-sare e oo Ethiopian ah.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali ayaa ka cadhooday mowqifka ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ka qaadatay xiisadda cakiran ee Ethiopia kaas oo ay ka muuqatay dhex-dhexaadnimo, warka Iyo mowqifka Wasaaradda arrimaha dibadda ee kacareysiiyey Itoobiyaanka ayaa Wasaaradda arrimaha dibadda ee JFS waxa shaaciyay 18-Nov-2020 kadib war aan rasmi ahayn oo madaxtooyadu sii deysay laguna taageerayay go’aanka dagaalka kadhanka ah gobolka Tigray ee uu qaatay RW Abiy.

Kaddib markii uu faafay War-murtiyeedka  meel dhexe ka istaagay dagaalka kasocda gudaha Itoobiya, Wasiirka arrimaha dibadda ee xilka laga qaaday ayaa yidhi “Waxaan halkan ku caddeynayaa in uusan jirin war rasmi ah oo wasaaradda arrimaha dibadda ka soo baxay oo ku saabsan xaaladda Ethiopia, War-saxaafadeedka wareegaya ma matalo aragtida Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidaas darteed ma aha wax jira”.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud wasiirka cusub ee wasaaradda arimaha dibada Soomaaliya ee beddelay Cawad ayaa horay uga mid ahaa lataliye-yaasha Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, 2016 waxa uu isu sharraxay xilka madaxweynaha Soomaaliya hayeeshee habayaraatee ma helin wax cod ah.

Kalshaale.com

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Dabshid says:

    Ethiopia waxaa u joogo Villa Xamar

    Fahad Yasiin
    Mahdi Guuleed

    Bal Hawiyow iney Xamar idinkula shex murmaan rag Ethiopian ah soo maahan Gunimo soo gaartey Aabayaashii SYL IYO USC.

    Soo maahan dulqaad xadkii dhaafey in Canshuurtiini lagu laaluusho kuwo aan kalajeclayn Xamar iyo Addiss Ababa

    Soo maahan dulinimo
    In Xamar lala mariwaayo bulaacado biyaa ayadoo maalin walba laga qaado malaayiin Doolar ah.

    Gun Gurigoodii Gabey inuu GO’AA u eg.

  2. Dabshid says:

    * Gun Gurigoodii Gabey inuu Go’aa dhaanto

  3. Leopon says:

    Wasiir cawad waa laga gardaran yahay kursiga wasaarada arimaha dibada inlagula fariisto, ayuu diiday wuuna kusax sanyahay waana high ranking diplomatic.waxyaalo badan ayay isku diideen khaire horay,

  4. Kalsame says:

    DABSHID
    Adiga waxay dantu kuugu jirtaa Hawiye oo sidii 91kii qayd wada jeeniqaarta oo caasumadda ka dhiga qalfoof iyo lama dagaan si aad Ciraafka kaabiga saaran u hesho…

    HAWIYE iyo Soomaalida kale oo dhan waxay danu ugu jirtaa in ay nabad iyo nolol xasilloon helaan iyo dawlad hana qaadda…

    Naftii baa kaa baxday sidaa HAWIYOOWkacaayda u haysay reerku kicina waa… Alla maxaad Jeegaan wayn tahay!. Wallee aniga iima dhuumataan…

  5. Saeed says:

    Ethiopian waxaa hoosta ku wata oo ina soo gelyey waa farmaajo oo la saaxiibay abiye aromo




Gollaha Musharixiinta oo la Saftay Kenya, Kana Horyimid Go’aankii Ay Dawladda Somalia Xidhiidhka ugu Jartay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Musharixiinta Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Bayaan ay soo saareen Caawa ...
Daawo: Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana hadlay Go’aankii DFS
- Dec 1, 2020
Nairobi (Kalshaale ) Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana ...
Muuqaal: IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka iyo Xiisad Cusub
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka ...
MUUQAAL: Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble oo Gudoomiyey
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble ...
Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal oo War-murtiyeed uga hadlay Waxa u Qabsoomay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa maanta soo ...