DHEGAYSO: Xildhibaan Mustaf Dhuxulow “Farmaajo iyo Fahad Waxay Wadaan Kufsi Siyaasadeed” (Waraysi)

Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya iyo sida ay wax u socdaan ayaa dowladda dhexe ku eedeeyey inay maamul goboleedyada qaar ku khasabtay inay guddiyada doorashada u soo magacaabaan xubno ka tirsan NISA.

HALKAN KA DHEGAYSO

“Runtii dalku heerka uu marayo walaac badan ayaan ka qabaa, mudo dheer ayaan ka soo shaqeynayey dalkan, waxuuna hadda marayaa markii ugu adkeyd abid, waxaana jirata kheyru masuulnimo weyn oo ay sameeyeen Madaxweynaha iyo Taliyaha NISA oo aan ka fikireyn duruufihii adkaa ee dalku soo maray,” ayuu yidhi Xildhibaan Mustaf Dhuxulow.

Dhuxulow oo wareysigan siiyey VOA ayaa sheegay in fikirka Farmaajo iyo Fahad ee ah in maanta xubno la yaqaano oo ka tirsan NISA ay u qortaan guddiga doorashooyinka, iskuna dayaan inay u soo boobaan doorashada uu keeni karo xaalado adag iyo siyaasadda dalka oo cakiranta.

Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayuu Mustaf Dhuxulow ku taageeray go’aanka ay ku diideen inay soo magacaabaan xubnihii ku meteli lahaa guddiyada doorashooyinka, isagoo maamullada kale iyo gobolka Banaadir ku dhaleeceeyey rabitaankooda ah inay xukunka ku soo laabtaan Fahad iyo Farmaajo.

Mar wax laga weydiiyey sababta uu uga soo hor jeestay dowladda madaxweyne Farmaajo oo seddax sano iyo bar uu soo taageerayey ayuu sheegay in Farmaajo uusan ula dhaqmin sidii ay ka mudnaayeen dadkii ku soo dhaweeyey xukunka dalka.

Hadalkii shalay ee ra’iisul wasaare ku xigeenka ayuu ku macneeyey mid baqdin ay ka keentay, isla markaana uu Mahdi ku qasbanaaday inuu daacad u noqdo xukunka madaxweyne Farmaajo.

“Mar hadii qaar ka mid ah dowlad goboleedyadii lagu qasbaayo inay xubno la wato guddiyo u magacaabaan, waa dareemi kartaa Mahdi Guuleed wax meesha u yaalla in aysan jirin, marka hadiiba dowlad goboleedyadii is dhiibeen, isaguna inuu is dhiibo waa ku qasbanaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Inta badan siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa u arkaya hanaanka ay dowladda dhexe u maamuleyso doorashooyinka soo socda iyo guud ahaan siyaasada xiligan, inay tahay mid caqabad ku keeni karta hanaanka doorashada iyo amniga Qaranka.

HALKAN KA DHEGAYSO WARAYSIGA MUSTAF DHUXULOW

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Gedo land says:

    Kana madaxweyne ayuu rabaa.
    Soomaaliya 2021 laba mid ayay noqon
    Ama isbaariiste iyo kabaqaadyo ayaa u hari ama wadaniyiinta soomaaliyeed ayaa u hari waxaa jira mid sadexaad oo ah in lahoosgeeyo UNta oo labadii sanaba madaxweyne ajinabi ah loo soo magacaabo

  2. Dabshid says:

    Dhuxulow anaga noo dhaaf Wiilkan Ethiopia ee Fahad Yaasiin,

    Ee idinku Deyniile geysta Riyaale Xamar Mr Farmaajo

  3. Cadaado says:

    Xidhibaan Dhuxulow, dadka aan taageero ayaad kamid tahay oo nin caqli leh ayaad tahay. Laakiin, wali hoos ayaad u hadli. Sida uu hogaamiyaha Majeerteen Denni idiin sheegay kor u hadla. Oo warka kor u qaada. Cabsi ayaa kaa muuqata adiga iyo dadka Hawiyaha sheegta ee fashilmay.

    Maya, kufsi siyaasad maahan waxa uu waddo daanyeer Farmaajo, waa literally, kufsigii rasmiga ahaa. Waa just like Afweeyne. Adinka iyo kuwa aad la taagtaaganyahiin ayaana shalay keenay, oo dhahay aryaa Farmaajo ii geeya. Waana doqonimo in daanyeertii shalay dhahday hadalkaas, oo waxaan dhan sabab u ah, aad la taagtaagantahiin maalin kasta oo aadnaan kala xisaabtamin doqonimadii shalay. Markaa, doqonimmo kale ayeey sameeyn.

    Daanyeer Farmaajana si sharci darro ah ayuu xukunka u boobi hadii Abdirahmaan Abdishakuur iyo wax lamid ah laga horgeeya oo eey la tartamaan.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  4. Yusif says:

    Agoon… Ina tegree ayaad awelba ahayd ma waxaad is mooday siyaasi dad matela




Gollaha Musharixiinta oo la Saftay Kenya, Kana Horyimid Go’aankii Ay Dawladda Somalia Xidhiidhka ugu Jartay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Musharixiinta Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Bayaan ay soo saareen Caawa ...
Daawo: Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana hadlay Go’aankii DFS
- Dec 1, 2020
Nairobi (Kalshaale ) Faarax Macalin oo Waxshinimo ku tilmaamay Faragelinta Kenya ee Somalia, Kana ...
Muuqaal: IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka iyo Xiisad Cusub
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) IIRAAN oo laga diley Sarkaal kale oo tirsan Ciidanka Kacaanka ...
MUUQAAL: Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble oo Gudoomiyey
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Shir Caalami ah oo Muqdisho ka Furmay iyo RW. Rooble ...
Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal oo War-murtiyeed uga hadlay Waxa u Qabsoomay
- Dec 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa maanta soo ...